126 Xildhibaan oo gudoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin lagu jibinayo kii hore

by admin | Monday, Aug 31, 2015

Muqdisho : HN:- Ilaa 126 xildhibaan ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixeen mooshin kasoo horjeeda kii horey madaxweynaha looga gudbiyey, waxaana gudbiyey illaa 40 xildhibaan.

Waxaa loo gudbiyey guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari .

Xilibaanada Mooshinka Caawa Gudbiyay oo Tiradoodu  Gaaray 126 mudane ayaa Ciwaan uga Dhigay “Soo Jeedin Laalis Mooshinka iyo Eedeymaha Aan Sharciga  waafaqsaneyn ee ka soo Horjeeda M.weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

93 xildhibaan ayaa horey u gudbisey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud taariikhda markii ay ahayd 12-kii bishan Agoosto.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!