15 ruux oo qarax ku dhimatay dalka Pakistan

by wadani | Sunday, Aug 13, 2017

Pakistan : HN :-Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ku dhintay 15 qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.

Magaalada Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxaana sidoo kale ka dhaca rabshado.

Mas’uul ka tirsan maamulka Quetta ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Mid loo adeegsaday Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah