18/june-2015. Sanad guuradii 6-aad xasuuqii B/weyne

by admin | Thursday, Jun 18, 2015

Hiiraan Net:-Maanta oo aay taariiqdu tahay 18/june 2015 waxay ku aadan tahay maalintii muragada badneyn ee magaalada B/weyne lagu xasuuqay masúuliyiin iyo waxgarad farabadan oo reer Hiiraan ah.

Dadkii qaraxaas ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Halyey Cumar Xaashi Aden iyo Halyey C/kariim F. Laqanyo iyo waxgarad kale oo farabadan.

Runtii qaraxaasi wuxuu reer Hiiraan ku reebay taariiq weyn oo murugo leh taasoo aan si sahal ah lagu hilmaami doonin.

Dhawaan ayaa maamulka gobolka Hiiraan wuxuu sameeyey taalo lagu xasuusan doono halyeeyadii ku shihiiday qaraxaasi naceybka iyo fuleynimada xambaarsanaa.cumar-laqanyo

Ma jirto 6-sanno kadib cid loo qabtay qaraxaasi, waxaase sheegtay ururka Al-shabaab oo isagu qaraxyo kale oo dad shacaba lagu xasuuqay ka geystay guud ahaan Somaliya.

Ilaahay waxaan uga rajeynaynaa intii ku shihiiday qaraxaas inuu janadiisa ku abaal mariyo.

AAMIIN AAMIIN.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!