21 kii oktoobar dhankeedi xumaa wax ma la iska weydiiyey?!‏

by Yahye | Tuesday, Oct 23, 2012

21 kii oktoobar dhankeedi xumaa wax ma la iska weydiiyey?!‏

Arar

Sannad kasta marka la gaaro 21 Oktoober ayaa dad badan oo Soomaaliyeed xusaan maalintaas uu dhashey Kacaanku. Qaar u arka maalin ka mid ah maalmaha wanaagsan ee Soomaalida soo marey iyo qaar u arka maalin madow oo soo martey ummadda Soomaaliyeedba. Nasiib darradey ka mid tahey na heysata inaannan isku waafaqsaneyn maalmaheenna murugada iyo maalmaha farxadda.

In la doodo oo arrinta dhinacyo kala duwan laga iftiimiyo waxey soo dhoweyneysaa in si qoto dheer wax looga fahmo arrinta. Anigu waxaan ku jiraa dadka u arka Kacaankii 21. dii Oktober inuu isagu mas’uulka koowaad ka ahaa burburka aan ilaa maanta mirahiisa guraneyno iyo is aamminaad la’aanta bulshadaSoomaaliyeed qabsatey. Maalin xanuun iyo murugo leh ayaan u heystaa oo dadka u dabbaal degayaa ay ku istaagayaan damiirkeenna iyo qalbigeenna inteenna aamminsan inuu ahaa musiibo qaran. Waxa ugu yar oo dadka Kacaankaas jecel laga doonayo waa iney qaddariyaan walaalahooda kale oo weli ay ku taagantahey xusuustiisi xumeyd, xataa haddii ay ku adagtahey iney fahmaan oo ka garaabaan dulmigii iyo xanuunkii weynanka badnaa ee uu geystey. Kacaankaas dadkii madaxda ka ahaa way dhaafeen intoodi badneyd adduunyada intoodi kalena talo ma hayaan hadda,laakiin, taariikhdiisii oon la isku waafaqsaneyn ayaa naga dhaxeysa. Dadka jecel haddey xuseen oo soo bandhigeen dhankooda sidey ula qurxooneyd taariikhdiisu waa inaad noo oggolaataan inaan innaguna dhankeenna dadkii necbaa haddaan nahey waxaan ku heysanno aan idin tusinno.

Runtii hoggaamiyihii kacaankaas haddey dadku fakarayaan waxaa denbi iyo khiyaano qaran ugu filan inuu taladii ummadda ka dhaxeysey uu xoog ku qabsadey. Kaddibna uu ummadda u diidey hab nabadgelyo ah oo ay iskaga baddali karaan xukunkiisa haddey doonaan iney iska baddalaan. Dadkii hubka u qaatey iney iska wareejiyaan isagaa ku qasbey ayaa la oran karaa. Arrintaas talo marooqsiga iyo amar ku taagleynta wuxuu kala mid ahaa kooxda Shabaab. Aydiyaloojiyaddooda siyaasadeed unbey ku kala baddalanyihiin.

Hadda Soomaaliya innagoo joogna ayaa xukunka dalka afar madaxweyne isku wareejisey waxba ha qaldanaadeene. Mid kastana marka xilligiisu dhammaado waxaa laga sugayey inuu si nabad gelyaa doorasho uga dego. Hadduu marka horena xoog kursiga ku fuulo, uuna diido in laga wareejiyo bal ka warran maxaa dhici lahaa?

Hadda Sh.Shariifkii ugu danbeeyey oo xukunka wareejiyey hadduu kursiga isku dhejin lahaa oo uu diidi lahaa inuu doorasho qabto oo oran lahaa xoogbaan idinku maamulayaa maxaa dhici lahaa? Haddii sidaas iyadoo fitno laga baqayo 10 sano oo kale loogu sii samro ma la yaabeysaan haddey dadku ku kacaan oo xoog iskaga tuuri lahaayeen?

Haddaba Maxamed Siyaad 21 sano ayaa loo sabrayey ee ma isagaa qaldanaa mise ummadda uu xumaanteedi meeshii ugu danbeysey soo taabtey?

Walaalayaal fool xumadii uu ninkaasi sameeyey ma ahan wax laga qarin karo jiilasha soo kacey oon waxba la socon. Marin habaabinta haddaan oggolaannana waxaan halis u nahey inaan khaladkii oo kale mar kale ku dhacno. Denbi haddii la galo waa laga towbad keenaa oo shallaay ayaa la muujiyaa. Laakiin, qof denbigii ku faanaya oo uu wax qabad la yahey haddaad aragto, aanad tahey qofkii denbigaas laga galey argagax iyo cabsi ayaa ku geleysa, waxaana dhici karta haddaad ka aamusto in mar kale lagugu sameeyo.

Waana iney jirto sideedaba qiyam iyo miisaan xumaanta iyo samaanta qofku ku kala sooco oo uu wixii xumaan ah xumaan u aqoonsado wixii samaan ahna samaan u aqoonsado.

Waxaanan ku cabbirayaa hagar daamadii Kacaanka sheekadaan gaaban oo soo socota ee ila eega dhanka aan xaajada ka aragno dadkeenna dhalliilsan oo u aragna taariikh ceebeed oo nasoo martey.

Sheekadii Xaaji Luggooyo iyo shirkadduu khasaariyey

Waxey aheyd shirkad saamiley ah oo ay ku shirkoobeen dad faro badan oo gaaraya 5 million oo qofood. Shirkaddaasi waxey laheyd maal gashi nooc walba ah. Waxaana bangiga u yaalley keyd lacageed oo bannaanka ka ah howlaheeda kale ee beero,xoolo iyo ganacsi kale iwm. Deyn aad u yar oo si sahlan ay iskaga gudi karto ayaa bangiyada looga lahaa. Maamulkeeda guud iyo guddoonkeedabana waa la dooran jirey. Musuq maasuqba ha jiree shirkaddu way kala socotey dadka lehna faa’iido ayaa uga soo xaroon jirtey sannad kasta. Saamiyadeeduna qaali iyo qiimo sare ayey lahaayeen.

Ciidankii shirkadda ammaankeeda ilaalinayey ninkii madaxda u ahaa ayaa shirkadda guddoonkeedi si qasab ah oon doorasho aheyn ula wareegey. Dadkii saamiga ku lahaana wuxuu ku yiri: War anigaa shirkadda ilaaladeeda madax ka ah oo madaxda shirkaddu way idin dhacaan. Habeenkiibey gurtaan lacagta oo wax yar oo aan macno laheyn ayey afka idiin mariyaane anigaa idin dherjinayee igu taageera howshaan oo igu kalsoonaada! Haye iyo howraarsan ayaa loogu sacbiyey.

Xaaji Luggooyo dadkii saamileyda ahaa xamaasad iyo guubaabo iyo dabbaal degyo ayuu ku waaley. Sannad kasta markii la gaarana wuxuu usoo gudbiyaa xog sheegeysa in faa’iidatul faa’iido la gaarey oo wax kastaa cirka yihiin.Laakiin, dadkii saamileyda ahaa wax isi soo tara way arki waayeen.

Haddey codsadeen in wax laga siiyo faa’iidada ay xaqa u leeyihiin si ay u biishaanna waa la meer meeriyey oo in wixii badeeco ku jiraan iyo arrimo kale ayaa laga dhamman waayey. Markey dadkii u bogi waayeen Xaaji Luggooyo oo ku yiraahdeen war ninyahow laga soo billaabo maantaad shirkadda madaxda ka noqotey ilaa maantadaan la joogo wax naga naaqusa mooyee wax noo kordha ma aynan arage bal waxaad yeeshaa walaalow adigoo raalli ah iska wareeji xilka aad noo heysoo noogu dhiib cid kalena Xaaji Luggooyo wuu ku qosley. Oo wuxuu ku yiri: “Aqliga Alle idinka qaad oo miyaad illowdeen inaan awalba meesha xoog ku qabsadey? War haddii kursigaan damac idinkaga jiro ordoo qori soo qaata qoribaan ku qabsadaye”! Waa la is fiiriyey. Balaayaa ka dhacdey.

Ma annagaaba taas meesha soo dhiganney. Xaaji luggooyo dadkii warka keeney oo waqti hore wax fahmey ayuu ku billaabey oo wuxuu khaarajiyo iyo wuxuu xiro iyo wuxuu dalka ka ceyriyo ayuu ka dhigey. Intii soo harteyna wuxuu ku qasbey iney magaciisa ku heesaan oo ammaanaan oo wuxuu yiraahdana aan laga dabo hadlin!

Kuwii la shaqeynayey iyo qaraabadiisina si xisaab la’aan ah ayuu lacagtii shirkadda ugu hurgufey si ay ugu ilaaliyaan xukunka xaq darradaa. Waxey gu’yaal iyo gu’aal sidaas ahaato oo dulmanayaashu Ilaahey hoosta ka baryaan inuu kurbada ka feydaba xaq darro meel ma gaartee waayihiibaa isi soo gure. Dhaqaalihii shirkaddee aan loo abdayi jirin ayaa bur bur ku yimid oo Shilin ayaa kasnaddii ka dhammaadey. Intey shirkaddu sumcadda laheydna deyn aan wax gudi kari jirin ayaa lagu yeeshey. Way isi soo xirtey. Kalsoonidii way ka dhimaatey saamileydii iyo waardiyeyaashii. Waardiyeyaashii ayaa midba midka kale toogtey. Qof qof kale aamminana waa la waayey. Bakhaarradii ayaa xirmey. Beerihii ayaa ba’ay. Xoolihii shirkaddu ka ganacsan jirteyna way joogsadeen. Way isi soo xirtey.

Dadkii shirkadda wax ku lahaa oo xaqiiqsadey inaan waxba loo heyn oo waqti dheer la maaweelinayey ayaa kusoo xoomey xarumihii sharikadda. Guddoomiyihii beenta iyo propagandada waqtiga dheer ku maaweelinayey ayey ugu dhaceen xafiiskiisi. Cagaha ayuu wax ka dayey oo baabuur ayuu ku baxsadey. Dadkii xafiisyadii iyo bakhaarradii ayey bililiqo ugu dhaqaaqeen ceyru ceymo ma diiddee. Kii miis heli kara. Kii jaqaf kale qaadan kara iyo kii Laama yeeriga fuqsan karaba. Askar ka waardiyeysana maba leh oo wixii isku duufayey oo is dilayey ayey kow ka ahaayeen. Balaayo ayaa ka dhadey. Murrug maarrug ayaana la isku noqdey.

Ayax teg eelna reeb!

Ma shirkad danbaan wax u dhiibtaa ayaa ka dhacdey! Dadkii shirkaddaas shuraakada wax uga ahaa waxaa ku dhacey sas ay ka qaadeen wax danbe oo la yiraahdo shirkad. Mid mid aammina ayaa la waayey iyo labo wax isku darsata. Mana is bixin karto noloshu in qof kastaa kaligi meel taagnaado oo adduunka dhan qaab shirkado unbaa loo shaqeystaa. Balaayo badanaa. Kamana maaranno shirkad xusuus xun oon soo marneyna way jirtaa. Meehannow iyo iska dabo wareeg. War aan is aaminno oon wax isku darsanno haddaad tiraahdo waa lagugu qoslayaa oo dadku waxey u kala baxaan kuwo xusuusta luggooyadii iyo beentii Xaaji Luggooyo iyo kuwo intii meehannowga iyo is aaminaad la’aantu jirtey iyo boobka iyo bililiqadu wax is gaarsiiyey oo sii kala aammin baxey!
Askartii Xaaji Luggooyo iyo qaraabadiisi uu naas nuujin jirey dadka dhanba way la yaabbanyihiinoo waxey u heystaan inuu xaajigu ahaa xalaal quute weyn oo nabsigiisi ummadda kasoo baxey! Allah ummaddaan Xaajigaa laga gaarey ayey yiraahdaan. Waa runoo waa laga gaarey,laakiin, sida looga gaarey ayaan isku si loo heysan.Shirkad buuxda oo barqaneysa oo si xalaal ah guddoonkeeda lagu doorto ninka inta waardiyeheedi lagu aamminey isagu inqilaabey ee khasaariyey, oo diidey inuu guddoonka wareejiyo, oo sugey ilaa xafiiskiisi dadkii oo qamaamayaa ugu soo dhacaan. Oon intaas ku harine dagaal usoo rogaal celiyey oo masaakiintii uu khasaariyey wax kaloo badan kala sii dhacey ma ninkaas ayaa duco naga mudan?!

Haddaadan ka warqabin wuxuu faley Xaaji Luggooyo, ama aad tahey askartiisi iyo qaraabadiisi uu xaq darrada ku naas nuujin jirey waad u duceyn kartaa oo war mooge ayaad tahey ee Ilaahey danbigaaga ha dhaafo xaq darrada uu ummadda ka galeyna haku tusiyo.

Yeysanna iskaga kaa qaldamin marna in shirkad la sameysto oo ganacsi weyn la sameysto iyo Xaaji Luggooyo. Xaaji Luggooyo innagoo shirkad leh ayuu noo yimide isagu shirkad kow ah nooma dhisin, markuu meesha ka tegeyna iyadoo burbur sanoon taagneyn ayuu xafiiskiisi ka cararey ee ma ninkaas ayaa mudan ku dayasho mise inaan dhaqankiisi sidii juudaankii uga dheeraanno ayuu naga mudanyahey?

Deynta uu noo tegey oo madaxa saamileyda lagu leeyahey iyo kalsooni darrida uu dhexdeenna uga tegey ayaan wax la mid ah jirin.

Sheekadaasi Kacaankii Luggooyo ayey tusaale wax ifinaya ka bixineysaa qofkii caddaalad iyo dar Alle u jeeda.

Warsame Gaabane

Wadaadyare09@gmail.com

Like it? Share it!