Waraabaha Waa Ugaar xalaal ah‏. W/Q: Calinuur Xoogsade

by Yahye | Tuesday, Aug 21, 2012

Waxaa waayahan Warbaahintu aad u hadal heysay arimo Diin ahaan ay ku habooneed inta Cilmiga leh inay si dagan Cadaaladuna ku dheehan tahay uga hadlaan, hase heeshee taasu maysan dhicin, waxaana sutiga u qabtay Warbaahin ay dhici karto inta badan Dadka wax ku qoraa inay Caamo yihiin.

Waxaa warbaahinta ay si aad ah u buunbuunisay arinta ku saabsan Cunista Hilibka Waraabaha ayagoo u qeybsamay mid gabay laga tirayay qoray, mid maqaal ka qoray mid marba Sheekh waraysi kasoo qaaday, mid Sawiro dacaayad ah ka sameeyay, arintaasoo sababtay inay arinta u ekaatay wax aan Diinta Islaamka qusayn amaba cid kasta ay Rayi ka dhiiban karto.

Marka waxaan dhihi lahaa Xalaal iyo Xaaraan arintu hadayba ku saabsan tahay waxaa haboon in karka laga yareeyo Nadwooyina loo abaabulo Ahlu-Cilmiga tartiibna looga niqaasho, waxaase muuqata hada inaysan arinta sidaas u socon una dhicin.

Waxaa jiray arimo Xasaasi ah oo ka mudnaa in laga niqaasho sida Dhiiga joogtada ah ee wadanka ku qubanayo maalin kasta iyo in loo istaago sidii nabad guud iyo heshiis lagu gaari lahaa, waxaa muuqata in Dhurwaaga lagu hal qabsaday kaliya laguna saan tiranaayo ayadoo dano gaar ah la iska leeyahay.

Waxay tahayba anoon jeclaysanayn inaan ka hadlo mowduucan hadana si looga aamusana ma jirto  maadama muran badan laga taagay ayaan soo gudbin doonaa inshaa Allaah Maqaalkan oo aan kaga hadlayoArinta Xalaalnimada Hilibka waraabaha.

Waraabaha waa Xayawaan Noocee ah?

Waraabaha ama Dhurwaagu waa Midka Qosla marka uu ugaaranayo, waa midka la moodo inuu lugta midig u gaaban yahay marka uu soconayo, waa midka leh Af weyn, Ilko waaweyn, Madax weyn iyo Afar Cidiyo, Dhagahiisuna horay usoo taagan yhiin, Caruurta Nuujiyo oo Naasaha leh, waa midka Dadka Cilmiga u leh Sheegaan inuu isku yahay Labka iyo Dhediga Marna Wax Rimiya Marna la Rimiyo ee Caruurta Dhala, isla markaana waxa uu leeyahay noocyo kala duwan xaga Midabka iyo Xoogaba waxaana la sheegaa inuu ka kooban yahay ilaa Sadax qeybood, muuq ahaana waxaa uuna wax yar ka weyn yahay Eyga.

Waxaana Xasuusin mudan Dadka qaar inay Waraabaha Carabi ahaan iyo Dibiga [yeeyda] isaga daran yhiin taas ayaana laga yaabaa in Dad xataa Culimo ah ku kaliftay inay si sahlan u yiraahdeen weligeedba waraaba Xalaal ma aheyn ayagoo Laabta ku haya Dibiga [yeeyda] hase yeeshe waa laba Xayawaan oo aan il isi saari Karin, Waraabe waa taan soo tilmaanay laakiin Dibiga waa Eey xoogan kooxkooxna u socda waxaana waayahan badatay in la Xanaaneeyo oo dad badan u isticmaalaan Eey ahaan waana mid ka dagaal badan Eeyaha kana Xoogan.

Sidaas waxaan u leeyahay waxaan Xasuustaa Markii aan caruurta ahayn Dibiga waxaa nalakugu fasiri jiray waraabaha ama Dhurwaaga xataa Culimada qaarkeed marka ay Kitaabada aqrinayaan isku macno ayay siiyaan taasna waa qalad, sidaas oo kalana waxaa ay Soomalida isku macna siisaa Zeytuunka iyo Jawaafaha Xataa Culimada ilaa mar dhaw sidaas ayay ku macnayn jireen, marka waraabaha ama Dhurwaaga Carabi ahaan waxaa la yiraahdaa {ضبع = ضاد مفتوحة، وباء مضمومة أو ساكنة، وعين}}

Daliilada Ka hadlay Waraabaha

Shareecada Islaamka waa ay ka hadashaa wax walba oo quseeya nolosha Insaanka amaba Mustaqbalka Quseyn doonaba sidaa darteed Qofna uma haboona inuu is moodsiiyo inaysan Diinta Islaamka ka hadal Waraabaha ama Dhurwaaga arinta ku saabsan.

Waxaa Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee] Axaadiid Saxiix ah oo ka hadlaysa Hilibka waraabaha kuwaasoo si toos ah usoo magac Qaaday Dhurwaaga iyo kuwa Dul ahaan ay Culimada  qaar sheegeen inuu ka mid yahay Waraabaha Xayawaanaadka loola jeedo.

Xadiiska ugu Saxiixsan uguna caansan ee ay Culiamda Hiliibka Waraabaha waa Xalaal Qabtaa Daliishadaan ee sida tooska ah u soo hadal qaaday Dhurwaaga waa Xadiiskan soo socda ee Jaabir.

Abii Camaara ayaa yiri waxaan ku iri Jaabir Ibnu-Cabdilillaahi [Illaah Raali haka ahaadee] Dhurwaagu Ma Ugaar baa? Jaabir ayaa yiri: Haa Abii Camaara ayaa yiri, waxaan ku iri Jaabir: Ma Cunaayaa? Jaabir ayaa yiri: Haa Abii Camaara ayaa yiri waxaan ku iri: Ma Rasuulka ayaa yiri [Nabad iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee] Jaabir ayaa yiri: Haa.

Xadiiskan waa saxiix waxaana Saxiixiixay Culimada Xadiiska ku Cilmiga Dheer ugana Caansan sida Bukhaari, Tirmidi, Nasai, Shacbi, Ibnu Maajah, Bayhaqi, Ibnu Khuzeyma Illaah ha uwada Raxmadee Dhamaantood.

Sidaa darteed ayuu Imaamu Tirmidi waxa uu yiri: Culimada qaarkeed arintan ayay ku tageen wax dhib ahna uma arag Cunitaanka Hilibka Waraabaha, waxaa uuna intaas ku sii raaciyay Tirmidi waxaa sidaas Qaba Imaamu Axmad, Isxaaq, waxaa jira Xadiis Karaahi ku sheegay Cunida Hilibka Dhurwaaga mana aha mid Saxiix ah

Waxaa Bayhaqi iyo Daaral Qudni ku qoran Lafdiyo ka dheeraad ah intaas oo ah inuu Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee]  yiri: {Waraabaha waa Ugaar Kafaaro Wan Jabasaday ah ayaana laga rabaa Muxrimka haduu Ugaarto waana la Cunaa}

Waxaa uu yiri Tirmidi: waxaaa karahay Cunida Hilibka Dhurwaaga Culimada qaar waxaa uuna magaca ahaan ka sheegay: Ibnu Mubaarak, Imaamu Abuu Xaniifa,  Imaamu Maalik, waxaa uuna yiri Tirmidi hadal macnihiisa oo kooban yahay: waxa ay Daliishadeed Xadiis aan saxiix aheyn oo uu wariyay Saxiibiga la yiraahdi Khuzeymah Ibnu Jazin [Allah aka raali noqdee].

Waakan Xadiiska uu tilmaamayo macnihiisa hoos ka eeg.

Waxaa laga Wariyay Khuzeymah Ibnu Jazin [Allah aka raali noqdee] waxa uu yiri: waxaan ka suaalay Rasuulka [Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee] Cunitaanka Hilibka Waraabaha, waxaana uuna yiri {Ma Qofbaa Cunaya Waraabe!} Waxaan ka suaalay Hilibka Dibiga, waxa uu yiri {Dibiga miyuu Cunaa mid kheyr qaba} Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay waxaa uuna yiri: Waa Xadiis uusan Xooganayn Sanadkiisu.

Hadalka Tirmidi Macnihiisu waa Xadiisku waa daciif, sidaa dareed Cidna Xujo sharci ah uma noqon karo, waxaana sidoo kale Bayhaqi ku qoran Kitaabkiisa xadiis kale oo Daciif ah soona Hadal qaaday Hilibka Waraabahu inuusan Nabiga Reebin islamarkaana uusan Nabiga Cunin, waana kan Xadiiska macnihiisa Hoos ka aqri.

Waxaa laga wariyay Cabdul-llaahi Ibnu Muqafal [Allaha ka raali noqdee] inuu yiri: Waxaan Rasuulka ku iri: Maxaad ka leedahay Waraabaha? Waxa uu yiri: Ma Cunaayo Waraabaha mana Reebaayo, waxa uu yiri: Cabdul-llaahi Ibnu Muqafal: Hadaadanba Reebin Aniga waan Cunayaa.

Xadiiskana waa Daciif oo asaguna ma noqon karo daliil xarima Hilibka Waraabaha.

Imaamu Maalik Kitaabkiisa waxaa ku qoran Xadiis kale oo sheegaya inu Cumar Ibnu Kahdaab ku Xukmiyay Wan Kafaaro gud ahaan inuu bixiyo Ruuxii Ugaarta Waraabe asagoo Xarman.

Hadii aan soo koobo Axaadiistaas aan kor kusoo sheegay waxaa si toos ah ugu Xusan Magac ahaan Waraabaha waxaana ay u kala qeybsamaan Axaadiis qeyb Saxiix ah iyo Qeyb aan saxiix aheyn, marka waxaad Xasuusnaataa inaan daciif marna Xujo Sharciy ah cidna u noqon Karin, waxaa halkaas kuugu soo haray Axaadiista Waraabaha sida Tooska ah usoo magac qaaday islamarkaana saxiixa ah waa Xadiiska Jaabir dib ayanan kaaga sheegi Doonaa Culimada Muslimiinta waxa ay ka yiraahdeen.

Marka Xigta aan usoo Gudubno Xadiis kale oo Saxiix ah laakiin aan Xusin magac ahaan Dhurwaaga islamarkaana Culimada Qaar ku Fasireen inuu ka mid yahay Waraabaha Dugaaaga Xadiistan ka hadlayaan.

Xadiiska koowaad waxaa laga Wariyay Abii Thaclabah Al-Khushaniy inuu yiri: Wuu Reebay Nabiga [Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee] Cunida mid walba oo Mici leh oo Dugaagta ka mid ah.

Xadiiskan waa Saxiix Bukhaari iyo Muslim ayaana wariyay.

Xadiiska Labaad waxaa wariyay Abii Hureyrah waxaa uuna yiri: Rasuulka Alle [Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee] waxa uu yiri: Cunida mid walba oo Mici leh Dugaagtana ka mid ah waa Xaaraan.

Xadiiskana waa saxiix sida ay isku waafaqsan yihiin Culimada Ahlu-Xadiiska oo dhan.

Faalo Kooban iyo Xasuusin

Hadaba si aan uga gun gaarno dulucda Mowduucan ku saabsan Hilibka Waraabaha waxaad laabta ku heysataa in ay isu kaa barbar yaalaan laba qeyb oo ah Axaadiis Saxiix ah Qeyb si cad u Xustay Hilibka Waraabaha inuu Xalaal yahay iyo Qeyb si dadban ay Culimada Qaar ka fahmeen inuu waraabaha ka mid yahay kuwa lagu Xarimay ee Dugaagta Miciyada leh ah.

Hadaba hadaad si Cadaalad ah u eegto Labadaas qeyb ee Axaadiista Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee] ka sugnaatay waxaad dareemi kartaa inay u baahan tahay in la ogaado faahfaahin ku saabsan sida la isagu soo dhaweyn karo Axaadiistaas.

Faahfaahin Ra’yiga Culimada ka qabaan Waraabaha ayagoo tix raacaya Axaadiista kor ku Xusan

Imaamu Shaafici [Allaha u Naxariistee] waxaa uu ku yiri Kitaabkiisa Al-Um loo yaqaan Jabtarka Cunooyinka ku saabsan gudihiisa, waxa uu yiri Aalaha u Naxariistee:{..Hilibka Waraabaha agteena Makah ayaa lagu iibiyaa inta u dhaxayso Safa iyo Marwa, mana la maqal ruux ka mid ah Asxaabteena oo xalaal ahaanshadiisa khilaaf ka qaba… waxaa uuna Imaamu Shaafici daliishaday xadiiskii Jaabir ku Sheegay inuu Nabiga ka maqlay inuu yiri: Dhurwaagu waa Ugaar….markaas ka dibna waxa uu yiri Imaamu Shaafici: Arintaas waxa ay Daliil u tahay Ugaarta Allaah ka reebay ruuxa Muxrimka ah inuu dilo inay tahay Ugaarta hilibkeeda Xalaasha yahay; maxaa yeelay Saxaabada waxa ay Uagaarta u dilaayeen kaliya inay Cunaan, ma aheyn inay dilista Ugaarta ku Ciyarayeen…marka wax dhib ah malaha cunitaanka dugaagta aan dadka weerarin ee ka midka ah kuwa afarta ku socdaa, sida dawacada iyo kuwa kalaba ayadoo Waraabaha looga qiyaasanayo..

Hadaba aqristoow hadalkaas Imaamu shaafici sow ma aha marag kac Cad inuu Imaamu Shaafici aaminsanaa inuu Dhurwaagu yahay Ugaar Xalaal ah asagoo weliba qiyaas ahaan kusii sheegay in Dawacada iyo kuwa kale oo ka mid ah duur joogtana Xalaal yihiin?

Imaamu Nawawi [Allha u naxariistee] Kitaabkiisa Majmuuca loo yaqaan waxaa uu ku yiri: Shaafici waxa uu yiri: Dadka weligoodna ma dayn inay Cunaan Hilibka Waraabaha oo ay ku kala gataan inta u dhaxaysa Safa iyo Marwa.

Sidaa darteed ayuu Imaamu Nawawi yiri: Waraabaha iyo Dawacada agteena waa ku Banaan yihiin, [Shaaficiyada ayuu ula jeeda] waxaa uuna sheegay in Imaamu Axamad iyo Daauud ay sidaasoo kale qabaan, waxaa uuna yiri: waxaana Xarima Waraabaha iyo Dawacada Imaamu Abuu Xaniifah, Maalikna waxaa uu yiri waa la karhaa Waraabaha iyo Dawacada,

Imaami Nawawi ayaa intaas sii raaciyay hadalkiisa asagoo leh: kuwa yiri waa Xalaal hilibka Waraabaha waxaa ka mid ah Cali Ibnu abii Daalib, Isxaaq Ibnu Rahaweyhi, Abuu Thowr iyo Umado fara badan oo ka mid ah Saxaabada iyo Taabiciinta, kuwa baneeyay Cinista Dawacada waxaa ka mid ah Daauus, Qataadah iyo Abuu Thowr.

Marka Hadalka Imaamu Shaafici iyo Kan Nawawi la isku geeyo waa in  Mad-habta Shaaficiyada guud ahaan qabto inuu Hilibka Waraabaha yahay Xalaal lana Ugaaran karo xili kasta hadii uusan qofka xaramanayn, hadiise asagoo Xarman uu ugaarto inuu ka kafaaro gudanayo sida ku cad Xadiiska saxiixa ah ee jaabir.

Imaamu Ibnu Xazam [Allha u Naxariistee] waxaa uu ku leeyahay kitaabkiisa Al-Muxalaa loo yaqaan: Hilbka Dhurwaaga Shaafici iyo Abuu Suleymaan waa Baneeyeen,….

Ibnu Xazam waxaa uu soo guuriyay Inuu Cali Ibnu Dhaalib wax dhib ah u arki jirin Cunista Hilibka Waraabaha,.. iyo in Ibnu Cabaas Miiskiisa Hilibka Waraaba Cikrimah ku arkay,…Cabdullahi Ibnu Zeydna waxa uu yiri: waxaan ka weydiiyay Abaa Hurayrah Waraabaha, waxaa uuna yiri: waa Sumeyn ariga ka mid ah, ..Waxaa kaloo Ibnu-xazam soo guuriyay in Cadaa yiri: Waraabaha ayaan ka jeclahay Idaha.

Ibnu Xazam wuxuu sii raaciyay hadalkiisaas: Abuu Muxamad waxa uu yiri: waxaa Waajib ah in Waraabaha laga gaar yeelo xaarimida Dugaagta Guud sidii uu sameeyay Rasuulka Suuban oo kale, lamana khilaafo wax ka mid ah hadalka Rasuulka [Nabad iyo Naxariis Korkiisa Alalaha yeelee]

Waxaa u Ibnu Xazam intaas kusii daray inuu aad u naqdiyo Imaamu Abuu Xaniifa oo Hilibka Waraabaha Xaaraan ku sheegay waxa uuna yiri: Abuu Xaniifah waxa uu yiri: Xaaraanimada Waraabaha, mana u hayno Xujo aan ka ahayn inuu ku dhagay Axaadiistii Nabiga ku diiday Guud ahaan Dugaagta Miciyada leh, waxayna yiraahdeen: waraabaha waa Dugaataas, waxayna sheegaan Khabar aan hagaagsanayn ayuuna sii raaciyay Ibny xazam asagoo tilmamaay inay Daliishadaan Abuu Xaniifah iyo kuwa kale ee qaba inuu Waraabaha Hilibkiisu Xaaraan yahay Axaadiis aan Saxiix aheyn.

Inataas kuma harin Ibnu Xazam waxa uu leeyahay: Kuwa Xarimay Hilibka Waraabaha Daliilkooda ah Reebitaanka Guud ee Nabiga Dugaagta reebay waa Xaq hase yeeshee isla Nabigii Reebay Dugaagta Miciyada leh ayaa Xalaaleeyay Waraabaha, wax farqiyana malaha in la Xalaaleeyo wax uu Xarimay oo Dugaagta ka mid ah iyo in la Xarimo wax uu Rasuulka Xalaaleeyay, Labad marba ma banaana in Rasuulka la khilafaa.

Hadalkaas waxaa uu muujinayaa inuu Ibnu Xazam aad ugu diidan yahay Abuu Xaniifah inuu yiri: Waa Xaraan Hilibka Waraabaha, sidaas darteed uu ku garamay warka ah inaan marna la khilaafi Karin Rasuulka Xalaalna inuu yahay Hilibka Waraabaha maadaama Rasuulka [Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeeelee] Xalaaleeyay.

Ibnul-Qayim [Allaha u Naxariistee] waxa uu yiri: Waraabaha waxaa lagu sheegay Xadiis ay Saxiixiyeen Culimo fara badan, Xadiiskaas ayayna qabsadeen-Xalaalaynta hilibka Waraabaha Xadiiska Sheegaya ee Jaabir ayuu ula jeedaaye- waxayna Culimada Xadiiskaas ka dhigeen mid kasoo saaray Waraabaha Reebitaankii guud ee Dugaagta Miciyada leh Xadiiskii tilmaamayay..

Weliba Ibnul-Qayim waxaa uu aad ugu faahfaahiyay Kitaabadiisa kala duwan qaarkood: inuu dhurwaaga ka duwan yahay Dugaagta xooga badan sida Libaaxa iyo shabeelka oo kale sidaa darteedna waxaa uu leeyahay maadama aysan sineyn xaq ma aha in Xukun ahaan Xaaraanimada lagu simo, waxaa uuna Kitaabadiisa marar fara badan ku sheegaa sababta Duurjoogta Sibaacda loo yaqaan looga reebay dadka inay Cunaan inay tahay in ruuxii Cunaa uu ka dhaxlaayo Dugaagnimada iyo Dilaanimada Xayawaanaadkaas ku jirta, waxa uuna Ibnul-Qayim Qabaa in aysan jirin cid Dugaagtaas oo kale Waraabaha u aragta Sharci ahaan iyo Dhaqan ahaanba.

Khadhaabi [Allaha u naxariistee] waxa uu leeyahay:..Waxaa la wariyay Sacad Ibnu Abii waqaas inuu cuni jiray Hilibka Waraabaha, waxaa la wariyay Ibnu Cabaas inuu Qabo xalaalnimada Hilibka Waraabaha, waxaa uuna Khadaab weliba sii raacinayaa: Hilibka Waraabaha cunidiisa waxaa baneeyay Cadaa, Shaafici, Axmad, Isxaaq iyo Abuu Thowr.

Hadaba aqristow si aadan ugu daalin hadalada faraha dhaafay ee Culimada Muslimiinta badankood ku faahfaahinayaan Xalaal ahaanshaha Hilibka Waraabaha waxaan kuu soo gudbinayaa sababo kooban oo kalifay inay yiraahdaan waa Xalaal si ay taas kuugu sahasho inaad gaarto Xaqiiqda arintaan ku saabsan.

1-      Qeybta koowaad Culimada aaminsan Xalaalnimada Hilibka Waraabaha waxa ay qabaan in Waraabaha lagu Sheegay Xadiis gaar ah oo saxiix ah waxa ayna yiraahdeen xadiiskaas ayaa qasisay gaarna u Xalaaleeyay waraabaha, asagoo weliba Waraabaha ka mid yahay Dugaagta Miciyada leh sidaasna waxaa laga fahmayay hadalkii Ibnu Xazam,

Hadalka hadii aan kuusoo koobo waxa uu noqonayaa macno ahaan: waxaa Xaaraan ah Dugaata Miciyada leh oo dhan marka Waraabaha laga reebo arintaasna Xadiiiska Jaabir ayaa daliil u ah.

2-      Culimada Waa Xalaal dhahaysa Hilibka Waraabaha sida Imaamu Shaafici iyo Ibnul Qayim waxay si gaar ah u tilmaamaan in Waraabaha uusan ahayn mid ka mid ah Dugaagta Xooga badan Dadkana Kibirka u weerara sidaa darteed waxa ay qabaan inuusan marnaba soo gali Karin Xadiiskii looga hadlay Dugaagta Miciyada leh,, maba aha Dugaagta Dadka Tooska u weeri kara ama awoodba u leh ayayna qabaan miciba ha lahaadee.

Labadaba midka ay ahaataba waxaa ay Culimadaas qabaan inuu Waraabaha Hilibkiisu Xalaal yahay ama dheh xadiiska Jaabir ayaa soo gaar yeelay Waraabaha ama dheh Asal ahaanba kama Tirsana kuwa Xadiiska xarimay Sibaacada xooga leh ee Dadka weerara.

Sidoo kale Culimada Muslimiinta ee waa Xalaal Hilaibka Waraabaha Qabtaa diidaan in loo kala saaro waraabaha Mid Cows daaqa iyo Mid Hilibka Cuna waxa ayna yiraahdeen hadiiba magaciisu waraabe yahay wax farqiya malaha oo waa Xalaal mid kasta oo ka mid ah iyo Meel kasta uu joogo Dunida.

Waxaana Xasuusin mudan in Cunooyinka asal ahaan yihiin Xalaal marka laga Reebo wixii Nusuus si gaar ah loogu Xarimay maahane, marka sidaas dareteed ayuu Imaamu Shaafiyci hadal dheer oo arinta Cuntada ka yiri waxa uu ku sheegay in aysan wax dhib ah lahyn in la cuno waxyaabaha ay Carabta Cunto ahaan u Cunto waxaa uuna Tusaale uga dhigay Dhurwaaga iyo Dawacada asagoo uga qiyaastay Dhurwaaga.

Arintaan ku saabsan cunitaanka Waraabaha dhaqan ahaan Soomalida waa wax ku cusub oo aysan aqoon hase yeeshee Carabta Islaamka ka hor iyo ka diba waxa uu u ahaa una yahay ugaar ay Cunaan sida uu sheegay Imaamu Shaafici, Dadka aadka u yaqaana faaiidooyin fara badan inuu leeyahay ayay sheegaan, marka maadama Nabiga Suubana [Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee] Xadiis Saxiix ah ku sheegay muran malaha Xalaalnimadiisa haba jiraane Madaahib diidan sida Madhabka Xanafiyada.

Maadama Maqaalku ila dheeraaday waxaan kusoo koobayaa waxaa Cadaalad ah in la yiraahdo Hilibka Waraabaha waa laisku khilaafsan yahay inta badan Culimada Muslimiintana inuu Xalaal yahay ayay qabaan, waxaana jira Culimo yar oo Xaaraan u aragta sida Ibnu Mubaarak iyo Imaamu Abuu xaniifah, waxaana Been abuur iyo Xad gudub ah in la yiraahdo weligiisba xalaal ma aheyn shareecada kuma banaana cid banaysana ma jirto, marka ruuxii faahfaahin intaas kasii badan u baahan dib ha ugu laabto Kitaabada Mad-habta Shaaficiyada oo dhan Jabtarka Cunooyinka ku Saabsan.
W/Q: Calinuur Xoogsade asadxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!