4.5-ka waan la dhacsanahay, WQ: Abdiaziz M.Mohamed

by admin | Friday, Apr 3, 2015

Inkasta oo ay jiraan dad dhaliishan nidaamkan 4.5ka ah hadana anigu waan la dhacsanahay,kaligayna maaha laakin waxaa igu fakar ah dad badan, xitaa masaajidda kutaal yurub oo aan tusaale usoo qaadan karo masjidka weyn ee ku yaal OSLO ee Towfiiq waxa ay u arkeen in uu yahay xalka kaliya ee lagu wada jiri karo.

Tusaale ahaan waxaa naga mid ah dad hadii xil loo dhiibto beeshiisa uga sooraya wixii loo dhiibtay sida wax uu isga leeyahay oo gurigiisa yaala oo kale iyo dad wixii loo dhiibto daacad nimadooda ku muujiya in ay walaalkood ka qadinaya,wixii ay hayeen hadaba hadii labadaas nin wax laysugu daro kan horena waa inkaarsanayaa kan danbana gaaja dilaysa saas darteed xalku waa (ceeriinka) 4.5 in wax lagu wadaago.

Hadii aan hal tusaale idin siiyo oo ku saabsan in aanan saxan wax ku wada cuni karin oo ay ku fiican tahay in shan saxan soorta lagu kala gurto waxaa golaha sare ee kacaanka ku wada jiray laba nin oo midkood walaalkiis darxumo ugu dhintay xaafad obasiibo ah maydkiisiina ay dhibaato naqatay sidii xaafadda looga soo saari lahaa waayo baabuurtu ma gali karin oobasiibka waayo xaafadu wado malahayn, halka kan kalana qof kasta oo ku abtirsada beesha uu isga ka soo jeedo ay abtirsiimadaas kaliya ahayd awood,dhaqaale iyo sharaf reer kiisuna ay xilalalka ay hayeen ay ka badnaayeen markii laysku daro soomaalida kale xilalka ay hayso .

Saas darteed 4.5ku walaalkayna masiinayo xaaraan anna ku qadi maayo saas dateed nidaamkaas hala xoojiyo hana la taageero si nabad loogu wada noolaado hadii kale ee mid dharag la socon waayo midna gaajo la tiico dereisnimadu way adkaanaysaa farahaana laysula tagayaa sidii horay u dhacday oo kale marka si taas looga badbaado waa in aan ceeriinka wax ku kala qaybsano.

Soomaalida waxay u roonaataa caruurta kan ooyinta iyo qaylida badan waana halka ay ka bilaabato cadaalad darada marka si aan taas uga hortagno aan kan aamusan iyo kan qaylinaya si siman (4.5)wax ugu qaybino.

waxaa laga yaabaa in (.5 ) qaylo ka timaad laakiin waa noo qormada kale.

Abdiaziz A. mohamed

aziizxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!