6-Qodob oo naftaada aad ku bari kartid maamulka maaliyada, WQ: C/Rashiid Shabeel

by Yahye | Sunday, Jun 15, 2014

Dunida aynu maanta dusheeda ku nool nahay, waxwalbaa waxay leeyihiin qiimo (value) inkastaba ha le’ekaadee. Waxaana qiiimaha lagu gooya waa xaddi lacageed oo laysku raacay, iyadoo ayku xidhan tahay meesha qofku joogo. Tusaale ahaan hadaad joogto Somalia iyo hadaad joogto mel kabaxsanba.

Hadaba lacagtaasi aduunka waxay u tahay qiime guud oo laysku waafaqay in wax lagu kala gato, iyadoo shaykastaana wato sicir ama qiime. Maadaama lacagtu qiimahaa leedahay waxaa lagama maarmaan ah in qofkastaa da’a walba hajooge uu wax ka barto maamulka dhaqaalaha qaasatan kan lacagaha. Da’ada ugu fiican ee qofka xirfadaa ku barto waa markuu yaryahay,Waalidka ayaana la rabaa xirfadaa inay Ubadkooda ku barbaariyaan. Dugsiyada (schools) Ilmaha la geeyo, run ahaantii waxba kama baraan arimaha laxariira Maaliyada, sidaa awgeed waa masuuliyada Waalidka inay Ilmahooda baraan maamulka Maaliyadda.

Hadii Waalidka uu shaqadaa soo qaban waayo,waa masuuliyada Shaqsiga inuu barto Maamulka Maaliyadda, waayo Lacagta waa shayga ugu horeeyo ee Cadaan iyo Madowba horumar iyo nolol fiican u horseeda. Si aad ubaratid Maamulka Lacagaha 6 dan Cashar ku bilow;

  1. LACAGTU WAXAY U BAAHANTAHAY SHAQO (TACAB)

Dhaqaalahan sicirbararka wato ee ka jira dunida maanta, qof walbaa nolosha uu rabo kuma noolaan karo, waxaa ku istareexo keliya Dadka dadaalo ee shaqaysto. Si aad u kasbatid Lacag marka hore jirkaaga iyo maskaxdaaduba u diyaari howshaa, shaqooyinka la qabto way kala lacag badan yihiin waxaana badanaa sababa:- heerka aqooneed ee shaqsiga,Xirfadda aqooneed ee shaqada ay ubaahan tahay, hantida shirkada, muhiimada shaqada uu shaqaalahu qabto iyo qodobo kale oo lamid ah. Siday ahaataba shaqo raadso marka hore si dakhli kusoo galo meesha uga abuurmo. Hadaan ka eego dhinaca diinteena suuban, nebigineena Moxamed (NNKH) wuu u duceeyey Ganacgiga,wayna dhiiri gelisay diinteenu inaan ganacsi abuurno

  1. RABITAAN VS ASAASI

waa in naftaada bartaa had iyo jeer in waxa daruuriga/ aasaasiga ah (need), marwalbaa ay ka horeeyaan waxa ay nafta u baahantahay (want), tusaale ahaan marka aad rabto waxbarasho iyo marka aad rabto dalxiis aanay isku mid ahayn ee ay kala muhiimsan yihiin xaaladuna kala duwan tahay, fahamna baahida bani’aadamka mar walbaa inay badantahay lkn kheyraadka uu xadidan yahay sidaa darteedna inta daruuriga ah mar walba waa in lahor mariyo.

  1. AWOODA DULQAADKA KAYDINTA

maaliyaddaXeer u daji Naftada:bishii inaad kaydsatid 15-20% Mushaarka ama Biilka aad heshid. Hadii ay kugu adagtahay inaad Guriga ku keydsatid, waxaad furataa (Bank Account), kaas oo ku kaydsan kartid qayb kamid ah waxa kusoo galo. Saving Account waa midka ugu haboon ee aad furan kartid waa hadad helaysid asoo Laa Riba ah. Wadamada Gaalada ay ku badanyihiin inta badan way adagtahay in si sahlan looga helo, hadii aad waydid waxaad furan kartaa Current Account oo charges ka bishii ay yaryihiin waayo Current Acount Ribo malahan bishii ayaa lacag la iska qaadaa. Lasoco marxaladda Account kaaga bil walba. Muddo kadib waxaad ogaanaysaa awooda keydsashada.

Ogowna qof walboo horumar gaaray qodobada ugu horeeyo oo u sahlay waa Keydka.

  1. IIBSO ALAAB TAYO LEH

Markaad shopping samaysanaysid isbar inaad gorgortantid, waa muhiim gorgortanka wuxuu yareeyaa qarashaadkaga. Aduunka wax aan laga gor-gortami karin majiro.

Markad wax iibsanaysidna waxaad iibsataa shayga tayada leh mar walbaa inkastoo qiimahooda uu sareeyo, ha walwalin waqtigooda ayaa dheer. Maah-maah soomaaliyeed ayaa oranaysa “Bakhiil labo mar ayuu qasaaraa”,marka alaabta tayada yar iska ilaali.

  1. WAX WALBA MAR MAWADA IIBSAN KARTID.

Bisha markay dhamaato waxaad qorotaa miisaaniyad oo kaa caawinayso sida aad u isticmaalaysid dakhliga kusoo galo bishii iyo sida aad u kala bixinaysid. waxa lagama maarmaan ah sidoo kale in aad diyaarsatid waxa aad u baahantahay inaad soo iibsatid,intaana soo iibso, waxaadna ogaataa qof walboo iska soo iibsado (impulse purchase) wuxuu arko inuu ugu dambayntii dhibaato lacageed lakulmo.

  1. KA FARXI NAFTAADA

Ha cariirin naftaada oo kafarxi markay daasho,samayna wax yaabaha farxad geliya nafsadaada. Xiliyada ciidaha farxadda la qaybso hana ka masuugin naftaada lacagta uu ilaah ku siiyay waayo qofkii lacag bixiyo ayaa lacag soo gasho waa qaabka dhaqaalaha aduunku ku saleysan yahay.

GUN IYO GEBO GEBO

Hadaba akhriste waxaan naftayda iyo naftiinaba ku baraarujinayaa inaynu ku dedaalno sidii aynu u maamuli lahayn maaliyadeena lacageed, inagoo xooga saarayna. Kharashka inagu baxa (expenses) iyo qiimaha waxa aynu ku beddelanayno lacagta inay u qalmaan iyo inkale.

Aynuna ogaano lacagta gacanta ama jeebka lagu qaato (cash at hand) ayku baxdo si aan ladareemi karin taa bedelkeeduna ay tahay inaan samaysanno (bank account) khasnad lacageed

sawir1W/Q: CABDIRASHIID SHABEEL

Shabeel444@hotmail.com

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!