Odayaasha gobolka Hiiraan oo maanta doortay guddoomiye cusub

by admin | Thursday, Nov 13, 2014

Beledweyne : HN :–Kulan maanta magaalada Beledweyne ay ku yeesheen gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayeey ku doorteen guddoomiye cusub oo noqonaya nabadoon Dacar Xirsi Nuur oo horay uga mid ahaa gollaha odayaasha oo ka kooban 63 xubood.

Goobta lagu doortay nabadoon Dacar waxaa joogay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, saraakiil ka soctay ciidamada AMISOM iyo inta badan gollaha odayaasha dhaqanka ee doortay guddoomiyaha cusub.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada maamulka degmada Beledweyne Bashiir Xusseen Dhoore oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraaday muhiimada odayaasha dhaqanka u leeyihiin nabada iyo doorka kaga jiraan bulshada, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay la shaqeyn doonaan guddoomiyaha cusub.

Nabadoonka cusub oo hadal jeediyay ayaa sheegay in si daacad ah uu u gudan doono waajibaadka la saaray, kuna hogaamin doono gollaha odayaasha wadada nabada iyo ka shaqeynta masaaliixda guud ee umadda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM oo dhinacooda hadal jeediyay ayaa sheegay in uu jiro xiriir gaar ah oo ciidamada kala dhaxeeya odayaasha marar badanna ka wadda shaqeeyen arrimo la xiriira dib-u-hishiinta iyo soo celinta nabada, iyaga oo dhinaca kalana soo dhaweeyay hogaanka ay doorteen odayaasha.

Goobta lagu doortay guddoomiyaha cusub waxaa ka maqnaa tiro odayaal ah oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha xilka laga qaaday nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!