67-jir ilmo dhashay, hadana iyadoo 72-jir ah rabta inay canug kale dhasho, Cajiib

by admin | Wednesday, Nov 30, 2011

Adriana Iliescu, oo hada jirta 72 sano ayaa doonaysa inay gabadheeda oo hada 5-jir ah u dhasho walaal aay weheshato.

Adriana Iliescu, waxay degan tahay wadanka Romania, waana qoraa, jaamacad wadankaa ku taalana macalimad ka ah, 5-sano ka hor ayay noqotay naagtii ugu daá weynayd ee ilmo dhasho, markaas oo aay aduunka dhan caan ka noqotay.

Islaantan ayaa hada rabta inay jebiso rekordkeedii hore, aayna dhasho ilmo kale iyadoo hada jirsatay 72-sano, iyadoo journal wareysi siineysa ayay sheegtay inaanay deg deg qabin, caafimaad ahaana aay macquul tahay inay hada dhasho ilmo kale, aayna jeceshahay inay gabadheeda u dhasho ilmo walaalo la ah.

Miraayada ayaa cadow igu ah beey tiri Adriana laakiin waxaan dareemayaa 27 sano inaan jiro, islaantan ayaa uurka ku qaaday si bacrimin ah, ee aanay lahyn wax nin ah oo qaba.

Baadariyaasha iyo kooxaha kaniisadaha ayaa aad u dhaleeceeyey iyagoo ku sheegay inay tahay sheydaanka muuqda ee maanta, iyaduna waxay tiri weey iga maseyrsan yihiin mooyee, haday awoodaan weey dhali lahaayeen.

Adriana Iliescu, waxay leedhay halkaa canug ee maanta 5-sano jirka ah iyadoo qortay 25-buug oo maanta aduunka laga aqristo…

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!