Pierre Nkurunziza oo dib ugu laabtay dalka Burundi iyo afganbigii oo fashilmay

by admin | Friday, May 15, 2015

perrBujumbura : HN :–Ku-xigeenka ciidammada militariga dalka Burundi ayaa  sheegay in uu fashilmay af-gambgii ay doonayeen inay xilka kaga tuuraan madaxweynaha dalkaas, Pierra Nkurunziza oo dibadda safar ugu marqnaa maalintii Arbacaada ahayd.

“Shaqsi ahaan, waxaan rumeysanahay in afgambigii aan sameynay uu fashilmay,” ayuu yiri Jen. Cyrille Ndayirukiye oo hadlay AFP. isagoo intaas ku daray “Ciidamadii aan qorsheynaynay inay qayb ka qaataan afgambiga ayaa taageeray xisbiga talada haya.”

Hadalka sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli la sheegay xalay in madaxweynihii Burundi uu dib ugu laabtay dalkiisa, iyadoo shalay oo dhan ay magaalada Bujumbura ka socdeen dagaallo u dhexeeya xoogagga Afgambiga sameeyay iyo ciidammo taageersan Nkurunziza.

Jen. Godefroid Niyombare ayaa sheegay Arbacadi aan soo dhaafnay inay go’aansadeen inay xilka ka tuuraan madaxsweynaha Burundi, kaddib markii uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalkaas u yaalla.

“Madaweynaha Burundi Pierre Nkurunziza hadda wuxuu ku sugan yahay Burundi,” ayuu yiri la taliyihiisa dhanka isgaarsiinta, Willy Nyamitwe isagoo intaas ku daray. “Waxaan oran karaa xaaladda hadda way ka hagaagsan tahay sidii hore, maxaa yeelay inta badan caasimadda inaga ayaa gacant ku hayna.”

Sidoo kale, wararka laga helayo Bujumbura ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan xalay ku hoyan aqalkiisa madaxtooyada, balse uu joogay deegaankii uu ku dhashay ee Ngozi, halkaas oo ay ciidammo badan ku ilaalinayaan.

Isku-daygan afgambi ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dalkaas ka dhaca tan iyo 2005-kii markaasoo dalkaas uu ka baxay colaadihii sokeeye, waxaase dalkaas ka taagan muran aad u xooggan oo dhinaca siyaasadda ah, kaddib markii madaxweynuhu uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxnimo ee dalkaas markii saddexaad.

Dagaalladii shalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Bujumbura ayaa la sheegay inay ku dhinteen 10-askari oo dhinacyadii loolamayay ka mid ah, iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, balse xaaladda ayaa maanta u muuqata inay deggen tahay sida ay wararka lagu helayo.

Onasphore Ndayishimiye oo ka mid ah dadka ku nool caasimadda Burundi ayaa sheegay inay jirto cabsi weyn oo ay shacabku ka qabaan dagaallo dhaca, isagoo yiri. “Ciidamadu rasaas ayay igu soo fureen markii ay i arkeen anigoo dibadda gurigeyga jooga. waxaan anigoo gurguuranaya ku cararay gurigeyga.”

Rabshadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi ayaa ku qasbay 50,000 oo qof oo ka mid ah shacabka dalkaas inay u cararaan dalalka dariska ah, iyagoo baqdin ka qaba inay dagaallo ku saleysan isir ay dib uga qarxaan dalkaas.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!