Shirkii siyaasada iyo hiisiga 2016-ka wajigiisii labaad oo maanta ka furmay Muqdisho

by admin | Monday, Oct 19, 2015

Muqdisho : HN :–Shirka madasha wada-tashiga Qaran ee looga hadlayo doorashooyin dalka ka dhaca sannadka 2016-ka ayaa maanta ka furmay Muqdisho, iyadoo ay shirkan ka qaybgalayaan dowladda Somalia, maamulada dalka ka jira, ururada bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Waxaa shirkan oo socon doono laba casho lagu sheegay ujeeddadiisa sidii looga wada-tashan lahaa marxaladda kala guurka ah ee dalku galayo sannadka nagu soo fool leh, is-bedelka dhacaya sannadka 2016-ka iyo nooca ay noqonayso doorashada dalka ka dhacaysa sannadka soo socda.

2015919635782638503493975Shirka_Wadatashiga_Qaran_ (6)Shirkan oo ka dhacaya xarunta AMISOM ee Xanale ayaa waxaa ilaalo xooggan ka haya ciidammada AMISOM, iyadoo dhinacyada ka qaybgalaya ay labada cisho ee uu socdo shirkan ka doodi doonaan hannaanka doorasho ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in ujeedka shirkani ay tahay sidii looga tashan lahaa hiigsiga sannadka 2016-ka iyo weliba sidii looga bixi lahaa marxaladda hadda lagu jiro.

Maareeye ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay ka tashan doonaan qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta, maadaama dalka aysan ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah, wuxuuna rajo ka muujiyay shirka maanta ka furmaya Muqdisho.

Ugu dambeyn, qodobbada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah sidii loo dhisi lahaa guddiga howsha wada-tashiga ah si wadi doona, taasoo socon doonta illaa bisha December ee sannadkan, iyadoo lagu bandhigi doono shirka talooyinka qaabka doorashada 2016-ka ay noqonayso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!