Madaxweyne Xassan Sheekh oo daah furay kulamada wada–tashiga ka soconaya gobollada dalka

by admin | Monday, Nov 16, 2015

Muqdisho : HN :–Wada-tashiyada looga hadlayo hannaanka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sannadka 2016-ka ayaa maanta ka billowday Soomaaliya oo dhan, kuwaasoo looga hadlayo doorashada dalka ka dhici doonta nooca ay noqonayso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay billowga kulammadan wada-tashiyada ah; wuxuuna yiri. “Maanta waa maalin qiimo badan u leh Somalia ee la doonayo in waddanka looga hirgeliyo dimuqraadiyad. Maanta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed: haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, odayaasha iyo hoggaamiyeyaasha Hassan_Sheikh_Somalia_Presidentbulshada waxay isugu imanayaan inay ka wada-tashadan, kana doodaan habka ugu wanaagsan ee Somalia looga sameyn karo hannaan awoodda siyaasadda ee Somalia si nabdoon la isugu wareejin lahaa bisha September ee sanadka 2016-ka.’’

“Hawshan ma ahan mid sahlan. Waqti ayay qaadanaysaa, waxayna u baahan tahay go’aan adag. Hannaankanna wuxuu noqon doonaa mid daah-furan oo ku saleysan daacadnimo. Boqolaalka qof ee labada maalmood ee soo socda dalka gudihiisa isugu imaanaya waxaa saaran waajib culus oo ay ku kala xulanayaan noocyada doorasho ee dalka ku habboon, iyagoo isla markaana dhiiban doona fikirkooda ku aaddan nooca doorasho ee dalkeenna ku habboon sannadka 2016-ka,’’ ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Natiijada kasoo baxda hannaanka wadatashiga ee maanta bilowday ayaa waxaa la horgeyn doonaa madasha wadatashiga Qaran – bisha December ee sannadkan 2015-ka, si falan-qeyn kale loogu sameeyo.

Ugu dambeyn, dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa dhigaya in dowladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka federaalka muddadooda afarta sanno ay ku eg-tahay bilaha Ogoosto iyo September ee sanandka soo socda 2016-ka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!