Wafdi ka socda wasaarada arrimaha gudaha oo gaaray Beledweyne

by wadani | Saturday, Dec 19, 2015

wafdi-ka-socda-wasarada-ariimaha-guudaha-Hiiraanxog-4Beledweyne : HN :–Xubnaha Wafdigan ka socda Wasaarada Ariimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaliya ayaa waxaa Hogaaminyay Agaasiimaha Waaxda dib u heshiisiinta Wasarada Ariimaha Gudaha Daahir Warsme Fiidow(Areey)  waxaan ku weheliyay Agaasiimaha Waaxda Federaalka Cabdinaasir Xaaji Maxamed iyo Guudoomiye ku Xigeenka dib u Heshiisiinta iyo Xalinta Khilaafadka degmada Baladweyne Cabdikariin Shire Cabdi, ayaa Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xaruunt Gobolka Hiiraan,

Wafdigan ka socda Wasaarada Ariimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaalif International Airport ku soo dhaweyay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Baladweyne,

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Xassan Kaafi Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in ujeedka wafdiga ka socda Wasaarada Ariimaha Gudaha ay u yimadeen Magaalada Baladeweyne ay tahay dhameysitirka dib u Heshiisiinta labo Beelood oo wada dega Galbeedka Gobolka Hiiraan kuwaaso dhawan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag,

wafdi-ka-socda-wasarada-ariimaha-guudaha-Hiiraanxog-5Agaasiimaha Waaxda dib u heshiisiinta Wasaarada Ariimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaliya Daahir Warsame Fiidow(Areey) ayaa sheegay in Xubnaha wafdiga ka socda Wasaarada Ariimaha Gudaha ay si wadi doonaan Howlaha dib u heshiisin ee dhawan ay bilabeen Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Aminga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ay weheliyan Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, Xildhibaano iyo Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali sharmarke kuwaaso ku Guuleystay in la kala qaado Ciidamadii maleeshiyadka ee dhawan ku dagalamay Xaafadda Howlwadaag islamarkana Heshiis Rasmi ah la dhax dhigay labadii dhinac ee dirirtu dhaxmartay,

wafdi-ka-socda-wasarada-ariimaha-guudaha-Hiiraanxog-6Munaasabada Kooban oo Galinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xaruunta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray dagalo soo laa laabtay oo u dhexeyay labo Beelood oo wada dega Galbeedka Gobolka Hiiraan kuwaaso dhawan ku dagalamay Xaafadda Holwadaag iyaado goobta lagu soo bandhigayay Heshiiska ay Gareen waxgaradka dhinacyadii dhawan diritu ku dhaxmartay Xaafadda Holwadaag ay goob Joog ka ahayeen Wasiirka Aminga Gudaha XukumaddSoomaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiiro Xildhibaano waxgaradka labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay odayasha dhaqanka Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo Xubno ka Tirsan Maamulka degmada Baladweyne,

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!