Hiiraan Net | Wararkii ugu dambeeyey | Dhacdooyin | Latest Somali News | Quraan | Heeso | Maqaalo.

Saxiixayaashii Roadmap-ka oo mar kale ka shiraya arinta Dastuurka
Addis Ababa : HN :  Xubno ka kala socda TFG, Puntland, Ahlu Sunna Waljameeca, iyo Galmudug oo dhamaantood ah saxiixayaashii hishiiskii Roadmap-ka ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Shiikh Axmed, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan, madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, iyo waliba xubno ka kala socda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda isugu tagaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa noqonaya mid dib u eegis lagu sameeyay waxyaabaha ka qaldan hormarinta qodobadii lagu hishiiyay, gaar ahaan marka la eego arinta Dastuurka oo ay hadda siweyn uga boodsan tahay Punland.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in aysan marnaba aqbli karin hadda sida uu yahay lagu ansixiyo Dastuurka oo u baahan ayuu yiri lagu sameeyo turxaan bixin aad u weyn, walow mas’uuliyiinta dowladda oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Gaas ay siweyn uga biyo diidan yihiin hadalka madaxweyne Faroole.

Arinta ku saabsan in mar kale ay is arkayaan saxiixayaashii Roadmap-ka ayaa niyad jab weyn ku ah beesha caalam-ka oo doonayay in la guda galo fulinta qodobada oo hadda u muuqda in leysku heysto.

Hiiraan Net.

Rabshado ka dhacay bariga Hargeysa kadib xukun ay riday maxkamada militariga Soomaaliland
Hargeysa : HN : Dad ka careysan xukun maalintii shalay ay riday maxkamada ciidamada militariga ee Soomaaliland, ayaa maanta rabashdo ay uga soo horjeedaan xukunkaasi ka dhigay bariga magaalada Hargeysa.

Dadka rabshadaha dhigaya  oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa gubayo Taayaro iyo wax kasta oo ay heli karaan, waxaana la arkayaa iyaga oo meelaha qaar dhagxaan ku tuuraya, waxaana ay ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah xukunka maxkamada.

Waxaa ay muujinayaan sida ay ugu xun yihiin xukunka isugu jira dilka iyo xabsiga lagu riday dad ka kooban 22 ruux, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii maalin ka hor lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen militariga Soomaaliland.

Mid ka mid ah salaadiinta ay isku heybta ka soo jeedaan dadka la xukumay ayaa sheegay in xukunka lagu riday ragga la soo eedeeyay uusan aheyn mid cadaalad ku dhisan, islamarkaana aysan marnaba aqbali doonin.

‘’Annaga kuma qanacsanin xukunka ay riday maxkamada, haddii aan dib looga noqon waxaa laga yaabaa in dhibaato ay abuurto arintaa iyada ah ayuu yiri,’’ Suldaan Yuusuf Max’ed oo ay isku heyb ka soo jeedaan ragga la xukumay intooda badan.

Lama oga talabada xukuumada Soomaaliland ay ka qaadi karto rabshadaha, iyo waliba jawaabta ay ka bixineyso cabashada la xiriirta xukunka ay maxkamadu riday.

Hiiraan Net.

Al-shabaab miino kula qaraxday degmada Ceelbuur ee gobollka Galguduud
Ceelbuur : HN :  Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee gobollka Galguduud ayaa sheegaya in ay dhinteen saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, kadib markii gaari ay la socdeen miino kula qaraxday deegaan hoos taga degmada Ceelbuur.

Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ee gobollka Galguduud ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen Al-shabaab oo u dul maray ama ku astaagan miino ay iyaga horay u galiyeen wadada taasoo keentay in ay ku qaraxdo, waxaana halkaa ku dhintay sida ay sheegeen ilaa Afar ruux oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ama horjoogayaal sare

‘’Miinada waxaa ay ugu talagaleen in ay dadka ku wax yeeleeyaan, laakiin markii danbe gaari ay la socdeen ayaa dul maray, iyaga oo kaliya ayaana ku baxay ayuu yiri,’’ Cabdi Xassan Cumar Biyo-quute oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca.

Ma jiro wax war ah oo warbaahinta ka heshay dhinaca Al-shabaab oo ka hadllay miinada la sheegay in ay ku dhinteen horjoogayaal iyaga ka tirsan, iyadoo la og-yahay miinada in ay qeyb ka tahay taatikada inta badan ay dagaallada u isticmaalaan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha baarlaamaanka Soomaaliya oo gaaray Baydhabo
Baydhabo : HN :  Diyaarad ay la socdaan wafdi uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa goor dhaw gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobollka Bay.

Wafdiga guddoomiyaha la socda ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada baliiska dowladda Soomaaliya Gen Shariif Shiikunaa Maye, iyo taliyaha maxkamada ciidamada qalab-ka sida Col Xassan Max’ed Xusseen ‘’Muun-gaab’’ ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka wafdiga uu horkacayo Shariif Xassan ee tagay magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo arrimo dhinaca nabad-galyada ah, iyo in halkaa saraakiisha dowlada tababar ugu soo xiraan ciidamo in mudo ahnab halkaa lagu tababarayay.

Ma’aha markii ugu horeysay oo uu Shariif Xassan tago magaalada Baydhabo, waxaana uu safarkani noqonayaa kii sadaxaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo tan iyo markii laga saaray Al-shabaab.

Degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxyo kuwaasoo ay geysanayaan xoogagga dowladda kasoo horjeeda ee Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo ku degi weyday garoonka diyaaradaha Muqdisho
Muqdisho : HN :  Diyaarad ay leedahay shirka Turkish Airline  ayaa lagu waramayaa in ay ugu danbeytii dib ugu laabatay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kadib markii ay ku dagi weyday garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah, waxaase jira warar kala duwan oo arinta ka soo baxaya, laakiin wakiilka Turkish Airline ee magaalada Muqdisho Cali Yare ayaa sheegay in ay arintani tahay oo kaliya cillad dhinaca farsamada ah, mana aha ayuu yiri markii ugu horeysay oo sida oo kale ay ku dhacdo diyaarad  ay leedahay shirkada.

Laakiin haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa jira warar ka hadllaya in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay shirkada iyo waliba shaqaallaha socdaalka garoonka taaasoo keentay in ay dib u laabto diyaaradaha ka timid dalka Turkiga.

‘’Sadax jeer ayaa ku soo dul wareegtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, markii danbe waa ay iska tagtay, iyadoo abaarta dhinaca magaalada Addis Ababa oo ay uga sii socdaali doonto magaalada Isbtanbul ayuu yiri,’’ Cali Yare.

Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa waxay bishii Maarso ee sannadkan ka billowday Soomaaliya duulimaadyo caalami ah oo ay toddobaadkiiba laba jeer ku imaanayso Muqdisho taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Ciidamada AMISOM oo bilaabay in ay fariisimo ka sameystaan Baydhabo
Baydhabo : HN : Ciidamada midowgga Africa ee ku howlgalaya magaca AMISOM ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo ayaa bilaabay in ay fariisimo ka sameystaan daafaha iyo gudaha  degmada.

Ciidamada oo ah kuwo hore dhac lana filayo in la gaarsiiyo ilaa 2500 oo askari ayaa hadda saldhigyo ka sameystay daafaha garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo iyo qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo hadda ka horeeyay ahaayeen kuwo aan saldhigyo rasmi ah ku laheyn magaalada Baydhabo.

Ciidamadan oo hadda jooga magaalada Baydhabo ee ka socda midowgga Africa ayaa u kala dhashay dalalka Uganda iyo Burundi, waana qeyb ka mid ah balan-qaadkii saraakiisha midowgga Africa ee ahaa in ay isku balaarinayaan gobollada dalka.

Marka la gaarsiiyo ciidamada tirada 2500, waxaa la filayaa in ay awooda kala wareegaan kuwa Itoobiya ee hadda gacanta ku haya nabad-galyada magaalada Baydhabo.

Hiiraan Net.

Soomaliland oo xukuno dil iyo xabsi ugu jira ku riday rag ku eedeysan weerarkii ka dhacay Hargeysa
Hargeysa : HN :   Maxkamada sare ee militariga Soomaaliland ayaa xukun isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday rag lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday saldhiga militariga Soomaaliland, kaasoo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ragga la xukumay oo tiradooda gaareyso ilaa 22 ruux ayaa 17 ka mid ah waxaa ay maxkmadu ku riday xukun dil ah , halka 5 soo hartayna lagu xukumay xabsi daa’in sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada sare ee militariga Soomaaliland Col Yuusuf Faarax.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha maxkamada in waqti badan la dhageysanayay dacwada arinta ku aadan, islamarkaana rag la soo eedeeyay ay afkooda ku shegeen in ay ka ka danbeeyeen ama ku lug lahaayeen weerarkaasi.

Guddoomiyaha maxkamada militariga Soomaaliland ayaa sheegay in xeerka iyo Dastuurka Soomaaliland uu ogol yahay in raggan oo kale xukunkooda qaato maxkamada militariga.

Maalin ka hore ayeey aheyd markii raggan la xukumay ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada militariga Soomaaliland ay ku sugnaayeen kaasoo sababay khasaare isugu jiray dhamasho iyo dhaawac.

Hiiraan Net.

Baliiska Kenya oo gacanta ku dhigay Nin Jarmalka u dhashay oo ay baadi-goobayeen
Nairobi : HN :  War ka soo baxay ciidamada baliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay dalka Jarmalka oo ay in mudo ah ku raad joogeen Arbacadii shalay.

Axmed Mueller oo ah shaqsiga gacanta lagu dhigay ayaa waxaa in mudo ah ku raad joogay ciidamada baliiska dalka Kenya, kadib markii ay sawirkiisa shaaciyeen hortaantii todobaadkan aynu ku jirno.

Afhayeenka ciidamada baliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan shaqsigan ay qabteen, islamarkaana uu gacantooda ku jiro, laakiin waxaa ay ka gaabsadeen oo ay qariyeen in ay sheegaan halka lagu hayo.

Qabashada Ninka u dhashay dalka Jarmalka ee lala xiriirinayo Al-shabaab ayaa imaneysa xili sidoo kale ay horay u sheegeen saraakiisha baliiska dalka Kenya in ay qabeen Nin u dhashay dalka Swedan oo xiriir la leh kooxaha argagixisada.

Axmed Mueller leh laba caruur ah isla markaana qaba xaas Eriteriyaan ah ayaa la sheegay in sannadkii 2009 isaga iyo koox Islaamiyiin ah lagu xiray xuduudda u dhexeysa dalalka Bakistaan iyo Afgaanistaan, inkastoo lasii daayay waqti dambe.

Hiiraan Net.

Wasiirrka Dastuurka oo sheegay in la bilaabay xulida ergada ansixineysa Dastuurka
Muqdisho : HN :  Wasiirrka Dastuurka iyo dib-u-hishiisiinta xukuumada Soomaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ayaa sheegay in la bilaabay durbaba soo xulista ergada ansixineysa Dastuurka sida weyn loo diidan yahay ee wali qabyada ah.

Shirka odayaasha dhaqanka ee ka soconaya magaalada Muqdisho ayaad moodaa in la daafay waqtigii loo qabtay in ay ku soo xulaan ergada ka kooban 825 xubnood ee ee la doonayo in ay ansixiyaan Dastuurka ay dowladdu soo diyaarisay, waxaana muuqaneysa in uu jiro is-fahmi waa u dhaxeeya mas’uuliyiinta dowladda iyo odayaasha shirsan.

Laakiin haddana wasiiirka Dastuurka ayaa u muuqda shaqsi ku adkeysanaya in wax walba u socdaan sidii loogu talagalay iyadoo ay muuqdaan dul-duleelo iyo dhaliilo xoog leh oo ka imanaya odayaasha dhaqanka shirka u fadhisa.

C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in howluhu marayaan gabo-gabo, sidaa daraadeed dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo saari doono liiska xubnaha ama ergada loogu talagalay in ay ansixiso Dastuurka marka danbana soo xusho baarlamaanka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland oo miisaan culus ku dhax siyaasada TFG-da uu gaashaanka ku dhuftay howlaha socda iyo waliba Dastuurka la doonayo in la ansixiyo.

Hiiraan Net.

Madaxweyne Faroole oo sheegay in shirka Muqdisho wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed
Hindiya : HN :  Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ayaa isaga oo ku sugan dalka Hindiya waxaa uu ka warbixiyay sababta rasmiga ah ee keentay in ergadii shirka Muqdisho ku mataleysan Puntland dib ugu laabtaan magaalada Garoowe.

Waxaa uu sheegay in madaxweyne C/raxmaan Shiikh Max’ed Faroole in ergadii Puntland ka soctay ee tagtay magaalada Muqdisho ka helin shirka natiijadii ay filayeen sidaa daraadeed ay la gudboonaatay in ay dib isaga soo laabtaan.

‘’Shirkaas Muqdisho ka socda ma’aha shir Soomaali dan ugu jirto, mana ah shir natiijo ka soo bixi karto, taana waxaa sababteeda qaadaya mas’uuliyiinta TFG, ayuu yiri,’’ madaxweyne Faroole.

Waxaa uu sheegay in xukuumada KMG iyo madaxdoodu ka gaabiyeen ama ka dhaga-adeygeen baaqayo tiro badan oo uu soo jeediyay maamul gobolleedka Puntland, sida ay aynu guddiyo ku yeelano howlaha socda.

‘’Waxaa moodaa in meesha isku haleyn badan ay ka jirtay, waayo waxaa leys lahaa wasiirrka Dastuurka ayaa Puntland ka soo jeeda Ra’iisal wasaaruhuna meesha waa uu joogaa, laakiin waxaas oo dhan minco sameyn meyso, annaga wax shaqo ah oo aan ku leenahay howlaha socda ma jiraan,’’ ayuu yiri,’’ madaxweyne Faroole.

Waxaa uu sheegay in marka la eego Dastuurka hadda la wado uusan ku xusneyn wax yaabo badan, sida qeybsiga awoodaha maamul gobolleedyada, siyaasada dalka, iyo waliba dhaqaallaha ayuu yiri,’ madaxweyne Faroole.

Hadalka ka soo yeeray madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland ayaa jug weyn oo siyaasadeed ku noqonaya howlaha hadda ay wado xukuumada KMG, gaar ahaan marka la eego ansixinta Dastuurka.

Hiiraan Net.

Xaalad adag oo ka taagan shirka odayaasha dhaqan-ka ee ka socda magaalada Muqdisho
Muqdisho : HN :  Iyadoo wali magaalada Muqdisho uu ka soconaya shirka ay leeyihiin odayaasha dhaqan-ka beelaha Soomaaliyeed ee la doonayo in lagu soo xulo argadii ansixin laheyd Dastuurka, marka danbana soo xuli doonta xubanaha baarlamaanka, ayaa wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in xaalada adag soo food saartay shirkaasi.

Qaar ka mid ah odayaashii ka qeyb-galayay shirka ayaa warbaahinta u sheegay in shirka lagu kala dareeray galinki danbe ee maalintii shalay, kadib markii sida ay sheegeen is-maandhaaf xoog leh uu soo kala dhaxgalay odayaashii dhaqan-ka shirka ka qeyb-galayay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in odayaasha dhaqan-ka shirka jooga u qeybsan yihiin labo, kuwa ay shirka ku soo darsadeen mas’uuliyiinta dowladda iyo odayaal dhaqameed sax ah oo ka socda beelaha Soomaaliyeed, kuwaasoo la leeyahay waxaa ay isku fahmi la’yihiin hab-ka wax loo maamulayo.

Odayaasha qaarkood ayaa la sheegay in ay warqad cabasho ah u gudbiyeen madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, iyaga oo ku wargaliyay in qaab –ka hadda wax u socdaan lagu sii wada joogi karin.

Kol hore ayeey aheyd markii odayaashii dhaqan-ka shirka uga qeyb-galayay maamul gobolleedka Puntland dib ugu laabteen magaalada Garoowe, iyaga oo sheegay in ay soo arkeen howl kala dhiman oo aan wali dhameystirneyn.

Hiiraan Net.

Kooxda Al-shabaab oo bur burisay Ceel-biyoodkii degmada Garbahaarey
Gado : HN :  Wararka ka soo baxay degmada Garbahaarey ee gobollka Gado ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay bur burisay Ceel-biyoodkii ugu weynaa degmada Garbahaarey kadib dagaal culus oo gudaha degmada ku dhaxmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hub-ka noocyadiisa kala duwan oo qeybo ka mid ah degmada ku dhaxmaray dhinacyada iska soo horjeeda kadib ayeey xoogagga Al-shabaab bur buriyeen gabi ahaanba Ceel-biyoodkii ay dhaansan jireen dadka ku dhaqan degmada.

‘’Magaalada ayeey dhinac ka soo galeen kadibna waxaa ay bur buriyeen Ceelkii degamda, taasna waxaa ay muujineysa cadawtinimada ay u hayaan dadka rayidka ah, ayuu yiri,’’ afhayeenka Ahlu Sunna ee koonfurta Soomaaliya Shiikh Max’ed Xusseen Al-qaadi oo ku sugan degmada Garbahaarey.

Waxaa uu sheegay afhayeenka Ahlu Sunna Al-shabaab markii ay ogaadaan in aysan waxaba ka qaadi karin ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna bilaabeen in ay cuuryaamiyaan nolasha dadka shacab-ka ah, maadaama biyuhu yihiin qeybta ugu horeysa marka laga hadllayo nolasha.

Degmada Garbahaarey ee gobollka Gado waxaa maamula oo gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca oo mar marka qaar weeraro  culus kala kulma xoogagga Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Xukuumada oo qirtay in uu dib u dhac ku yimid soo xulidii ergada ansixin laheyd Dastuurka
Muqdisho : HN :  Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan ‘’Yariisow’’ oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in uu jiro dib u dhac ku yimid sida uu hadalka u dhigay soo xulidii ergadii ansixin laheyd Dastuurka.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in arrimo farsamo dardood ay dib ugu dhacday arinta la xiriirta soo xulida Dastuurka qabyo qoraalka ku jira, isaga oo sheegay in odayaasha dhaqan-ka wali ka soo dhamaan arintaa iyada ah.

‘’Markii hore odayaasha dhaqan-ka waxaa ay ahaayeen kuwa kulankooda isku baranayay, howsha waa ay soctaa, waa uu jiraa gaabis iyo waliba dib dhac, sidoo kalana cilado waa ay jiraan sidaa daraadeed waan og-nahay in wax walba sidii la rabo aheyn, laakiin haddana dadaalku wuu socdaa ayuu yiri,’’ C/raxmaan Yariisow.

Afhayeenka waxaa uu sheegay in ay jiraan cilado laga yaabo in uu leeyahay Dastuurka, islamarkaana qorshuhu ahaa in mar hore lo soo bandhigo shacab-ka Soomaaliyeed, laakiin xukuumadu arintaa wax xoogaa ka gaabisay.

Waxaa uu sheegay in wali odayaasha dhaqan-ku leeyihiin sida uu hadalka u dhigay kulamo aqoon-isweydaarsi iyo wacyi galin isugu jira, islamarkaana wixii hadda ka danbeeya la guda gali doono soo xulista ergada ka kooban 825 xubnood ee laga doonayo in ay meel mariyaan Dastuurka.

Hadalka ka soo baxay xukuumada ee ah in ay dib u dhac uu jiro, ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxayaan cilado iyo waliba dhaliilo kulul oo loo jeedinayo hab-ka ay xukuumada hadda jirta wax ku wado.

Hiiraan Net.

Guddoomiyaha gobollka Banaadir oo afhayeen cusub u magacaabay maamulka gobollka
Muqdisho : HN :  Maamulka gobollka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay afhayeen cusub oo uu yeelanayo maamulka gobolka, kadib markii dhawaan wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobollka Max’uud Axmed Nuur Tarsan xilkii afhayeenka maamulka looga qaaday Max’ed C/llaahi Cabdi Cariig.

Afhayeenka cusub oo lagu magacaabo Max’ed Yuusuf ayaa wareegtada lagu magacaabay waxaa warbaahinta u aqriyay xog-hayaha maamul gobollka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan.

‘’ “Magacaabistan afhayeenkan waxay ay ku timid kaddib markii xil gudasho la’aan xilka afhayeenka maamulkam gobolka looga qaaday afhayeenkii hore oo shaqeynayay muddo sannad iyo bar ah,” ayuu yiri r, C/kaafi Hilowle Cismaan oo saxaafadda u akhriyay wareegtada magacaabidda ah.

Max’ed C/llaahi Cabdi Cariig afhayeenkii hore ee maamulka gobollka Banaadir ayaa al sheegay in uu khilaaf xoog leh soo kala dhaxgalay isaga iyo waliba guddoomiyaha gobollka, taasoo keentay in uu xilka laga qaado.

Hiiraan Net.

Mahiga oo codsaday in dhaqaalle lagu bixiyo hergalinta qorshaha Roadmap-ka
Muqdisho : HN : Danjiraha arrimaha Soomaaliya u qaabilsan QM Mr Augutine Mahiga ayaa ka codsaday beesha caalam-ka in bixiso dhaqallihii loogu talagalay dhameystirka qorshaha Roadmap-ka.

Dajire Mahiga waxaa uu sheegay in haddii la waayo kaalmada beesha caalama-ka ay adag tahay in la sii wado qorshaha Roadmap-ka, iyadoo ayuu yiri waqtigu kooban yahay, loona baahan yahay in waqtiga laga faa’ideysto.

“Waxaa jira dad doonaya inay caqabad ku noqdaan Roadmap-ka iyagoo wadiiqooyin kala duwan isticmaalaya si ay uga hortagaan guulihii laga gaaray heshiiskaas,” ayuu yiri Mahiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in canaasiirtaas wax laga qabto ka hor inta aysan yareysan howsha lagu dhameystirayo xilliga KMG ah.

Madaxweyne Shariif ayaa hadal uu ka jeediyay shirka gollaha amaanka ee QM ayaa sheegay in looga baahan yahay caalam-ka in ay taageeraan qorshaha ay hadda wado dowladda KMG.

Danjire Mahiga waxaa uu sheegay in dowladda KMG ay wado dadaal balaaran oo la doonayo in lagu gabagabeeyo waqtiga kala guurka, hasse ahaatee ay jiraan caqbado ka imanaya dhinaca beesha caalam-ka oo looga baahan yahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabaan.

Dowladda KMG ayaa hadda ku howlan sidii ay u dhameystiri laheyd qorshaha waqtiga kala guurka, gaar ahaan ansixinta Dastuurka, iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shir ay leeyihiin odayaasha dhaqan-ka.

Hiiraan Net.

Saraakiisha dowladda oo sheegay in ay qabteen rag Ajnabi oo ka tirsan Al-shabaab
Jubbada hoose – Saraakiisha dowladda KMG ee  ku sugan gobollka Jubbada hoose ayaa sheegay in dagaal ka dhacay duleedka degmada Qooqaani ay ku qabeen sida ay hadalka u dhigeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo oo uu ka mid ahaa qof ajnabi ah.

C/naasir Seeraar oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee  ku sugan Jubbada hoose ayaa sheegay in ciidamadooda weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen sida uu hadalka u dhigay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in ay khasaare xoog leh gaarsiiyeen.

‘’Qaar badan oo iyaga ka mid ahna waan dilnay, kuwa kalana waan qab qabnay, ragga la qabtay waxaa ka mid ah Nin  ajnabi ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, ayuu yiri,’’ C/naasir Seeraar.

Waxaa uu sheegay in qofka ay qabteen uu siiyay macluumaad badan oo ku aadan kooxda Al-shabaab, taasoo noo sahli doonta ayuu yiri in aan sii wadno howlgalka ka dhan-ka sida uu yiri kooxaha argagixisada.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay sheegaan saraakiisha dowladda ee  ku sugan gobollka Jubbada hoose in ay qabteen ajnabi ka bar bar dagaallamayay kooxda Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wali arinta wax war ah kama aysan soo saarin.

Hiiraan Net.

Qof goor dhaw lagu dillay gudaha suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho
Muqdisho : HN : Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw waxaa ay ku toogteen gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo markiiba ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka geystay.

Arinta ayaa saameyn adag ku yeelatay dhaq dhaqaaqii suuqa bakaaraha  iyadoo xiligan gudaha suuqa ay ku sugan yihiin ciidamo aad u faro badan oo isugu jiray militari iyo baliis howlgal baaxad leh halkaa ka wada.

‘’Markii aynu maqlay dhawaqa rasaasta waxaa durbadiiba bilaawday kala carar, qof walba halka uu aadi karo ayuu aaday, ayuu yiri,’’ qof ku sugan gudaha suuqa bakaaraha magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda cid dhab ahaan ka danbeeysay dilka askariga ka tirasn ciidamada dowladda, waxaana uu dilkani noqonayaa kii ugu horeeyay oo maalin cad lagu weeraro ciidamada dowladda ee sugaya nabad-galyada Suuqa bakaaraha magaalada Muqdisho.

Hiiran Net.

Madaxweyna Shariif oo codsaday in laga laga taageero arinta Dastuurka
New York : HN :  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo waqtiga ku sugan magaalada New Yorka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in beesha caalam-ka looga fadhiyo in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka qabyada ee hadda ansixintiisa gacanta lagu hayo.

Madaxweyne Shariif oo hadal ka hor jeediyay shirka gollaha amaanka QM ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya xooga saareyso sidii loo dar dargalin lahaa hergalinta qorshaha Roadmap-ka, gaar ahaan ansixinta Dastuurka, sidaa daraadeed looga baahan yahay beesha caalam-ka in ay gacan ka geystaan dhameystirka Dastuurka.

‘’Dastuurka hadda la diyaarinayo waa kii ugu wanaagsanaa ee dalka soo mara, sida daraadeeed waxaa codsaneynaa in gacan nalaga siiyo sidii loo ansixin lahaa ayuu sheegay madaxweyne Shariif oo ku sugan magaalada New York.

Dhinaca kale madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday arinta ku saabsan Soomaaliland, isaga oo codsaday in beesha caalam-ku gacan ka geystaan dib u soo celinta midnimadii dalka Soomaaliya, iyadoo la og-yahay in uu fashil ku dhacay kulankii la filayay in uu dhaxmaro dowladda KMG iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in looga baahan yahay shacab-ka Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan fursada hor taala, maadaama ayuu yiri hadda caalam-ku u soo jeestay arrimaha Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Xukuumada KMG oo sheegtay in Dastuurka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabeeynayo
Muqdisho : HN :  Xukuumada KMG ayaa shaaca ka qaaday in howsha la xiriirta ansixinta Dastuurka lagu soo afjari doono maalmo gudahood, xili siweyn looga qeylinayo Dastuurka hadda arrimihiisa loo fadhiyo .

Wasiirrka Dastuurka iyo dib u hishiisiinta dowladda KMG C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xukuumada KMG mar walba ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo meel mariyo Dastuurka oo sida uu sheegay ay ku xiran yihiin arrimo badan.

‘’Qubarada ku howlan Dastuurka iyo waliba odayaasha dhaqan-ka la tashiyo badan ayeey sameeyeen, runtii wax badan ayaa leysla fahmay, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda Soomaliya Dastuur yeelan doonto,’ ayuu yiri,’’ C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Laakiin dhinaca kale waxaa uu sheegay in mar walba xukuumadu tixgalin doonto rabitaanka shacab-ka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in haddii aysan shacab-ku raali ka aheyn Dastuurka uusan sii socon doonin.

Hadalka wasiirrka Dastuurka ayaa imanaya xili odayaasha dhaqan-ka ka qeyb-galaya shirka xitaa qabaa in sida ay hadda wax u socdaan wanaagsaneyn, loona baahan yahay in wax badan la saxo.

Hiiraan Net.

Xoogagga Al-shabaab oo xalay gudaha u galay degmada Garbahaarey ee gobollka Gado
Gado : HN :  Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar culus ku qaadeen xalay degmada Gabarhaarey ee gobollka Gado, waxaana ay weerarku sheegayaan in ay gudaha u galeen dagaallyahannada Al-shabaab degmada.

Dagaal dhaxmaray labada dhinac ayaa ka bilaawday gudaha degmada kaddib markii ay si dhuumaaleysi ah gudaha degmadaas ku galeen xoogag Al-shabaab ka tirsan ayna weerareen saldhig ay cidamadu ku lahaayeen bartamaha degmadaas.

Dad ku sugan degmada Garbahaarey ayaa warbaahinta u sheegay in dagaaalku ahaa mid xoogan islamarkaana waqti badan qaatay, iyadoo wararku sheegayaan in xoogagga Al-shabaab in mudo ah ku sugnaayeen gudaha degmada.

Wararka saakay ka imanaya degmada ayaa sheegay in ay ka jirto xiisad dagaal iyo waliba dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada dowladda KMG ee halkaa ku sugan, iyadoo kooxihii xalay weerarka ku qaaday halkaa isaga baxeen.

Dagaalka oo ahaa mid aad u kulul ayaa la rumeysan yahay in uu sababay khasaare xoog leh oo soo kala dhinacyadii iska horyimid, laakiin dhab ahaan looma oga inta uu khasaaruhu la eg yahay.

Hiiraan Net.