Max’ed Mursi oo ku dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada dalka Masar
Masar : HN : Musharaxa ka socda xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ninka lagu magacaabo Max’ed Mursi ayaa sheegay in uu ku guuleystay sida uu hadalka u dhigay doorashada madaxtnimada dalka Masar.
Bog Intertnetka oo uu leeyahay ayaa lagu sheegay in Max’ed Mursi uu noqonayo musharixii ugu horeeyay ee rayid ah oo loo doorto madaxtinimada dalka Masar, waxaana dadka reer Masar loogu hambalyeeyay guusha uu gaaray Max’ed Mursi.
Illaa hadda codadka la tiriyey ee guud ahaan doorashada madaxtinimada ee wadanka Masar ayaa muujinaya in si weyn uu ugu horeeyo waxaana codadka ay muujinayaan in ka badan 50% uu heysto Maxamed Mursi.
Inkastoo Max’ed Mursi uu sheegay in uu ku guuleystay doorashada dalka Masar, ayaa haddana waxaa xusid mudan in wali guddiga doorashada maamulaya aysan ku dhawaaqin natiijada kama danbeysta ah.
Doorashadii shalay ka dhacday wadanka Masar ayaa la sheegayaa inaysan dad badan u soo bixin halkii la filayey in in kabadan 50 milyan ruux ay u soo baxaan taasoo loo aaneynayo in dad badan aysan ku qanacsaneyn musharaxiinta.
Hiiraan Net.


















