Maxamed Mursi oo ku guuleystay madaxtinimada dalka Masar
Masar : HN : Musharaxa ka socda xisbiga Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ninka lagu magacaabo Max’ed Mursi ayaa ku guuleystay doorashada madaxtnimada dalka Masar.
Gudiga doorashooyinka ayaa hada ku dhawaaqay natiijada isagoo helay 51% halka ninkii ka soo horjeedayna la sheegay inuu helay 49%.
Xisbiga akhwaanul muslimiin ayaa mudo dheer ku jiray sidii aay wadanka Masar taladiisa u qaban lahaayeen, aas asihii xisbigan ayaa 1930 waxaa dilay ciidamada dabagalka Masar, madax kasta oo soo marta dalkaana waxay madaxa uga istaagi jireen xisbigan, iyadoo xabsi iyo dil joogta ah lagu heyn jiray.
Waxaa maanta bog cusub oo taariiqi ah u furantahay dalka Masar, waxaase leeys weeydiinayaa ciidamada talada haya sida aay madaxweynaha cusub ugu ogolaan doonaan inuu howshiisa socodsiisto
Hiiraan Net.


















