Wasiirkii dafaaca Siiriya iyo madaxweyne Bishaar Seedigii oo qarax lagu dillay
Siiriya : HN : Wararka ka soo baxay dalka Siiriya ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu dillay wasiirrkii difaaca dalkaas iyo madaxweyne Bishaar Al-Asad Seedigii, kadib ay weerareen kooxaha mucaaradka.
Assef Shawkat oo ah madaxweynaha Seedigii ee qarax ku dhintay ayaa la sheegaa in uu ahaa nin awood badan ku dhax leh howlaha amaanka iyo sirdoonka dalka Siiriya.
Sidoo kale waxaa weerarkaas isagana ku naf-waayay oo lagu dillay Daoud Rajiha oo ahaa wasiirrkii gashaandhiga dalka Siiriya, waxaana ay dilalkan ku soo beegmeen xili ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxaha mucaaradku siweyn ugu soo dhawaanayaan magaalada caasimada ah ee Dimishiq.
Weerarkan ayaa ka dhacay ama lagu beesaday shir ay ku lahaayeen magaalada Dimishiq wasiiro iyo saraakiil amaanka qaabilsan, kaasoo looga arinsanayay dagaallada ka socda qeybo ka mid ah dalkaas.
Agagaarka dhismaha uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray waxaa isku gadaamay ciidamo ka tirsan kuwa nabad-galyada, oo halkaa ka wada baaritaano la xiriira qaraxa.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxweyne Bishaar oo la leeyahay dadka ku dhintay qaraxan waxaa ay ahaayeen saaxiibo ay siweyn isugu dhawaayeen.
Hiiraan Net.

















