Maanso Jiifto ah oo la yiraa: Shardi. W/A:Maxamed Cilmi Dhicisow
Jiiftadan la yiraa: “Shardi” waxay warcelin u tahay jiiftadii Shiinleeyda ahayd ee: “Shurugdiid” ee uu curiyey Bashir M. Hersi. Jiiftadaa oo sawir guud ka bixinaysay marxaladda haatan marayso Soomaaliya, xambaarsanaydna weydiimo ku saaban tagtada, taaganta lagu sugan yahay iyo timaaddada foodda nagu soo haysa. Anoo intaa maanka ku haya, yaan jeclaytan inaan dhawr eray ka dhaho, isku dayo su’aalaha la soo jeediyey jawaabahooda. War iyo dhammaan, aan idiin kala boxo idinka iyo tixda, ee ka bogasha wacan:
Silsiladdaan Sha’laydaa
Suugaanta shubantaa
Shurugdiidiyo Shaandhays
Shardi aan ka daba diro
Samahana ku shaaciyo
Ha la showro aan dhaho
Su’aalihi shurdaysnaa
Shakamada ka sii furo
Kuwa shaafka wado iyo
Shiqiyada u sii digo!
Afartaa ma kala shirey
Maw sheegay sharafoo
Ma shirribay raggii hore
Shiinleeyda noo furay
Hadal shaacir maw diray
Runta lagama sheexee
Xaqa lama shaxeexee
Ma ka qaaday shaarkii
Afar kalana iga shuba.
Soomaalidi sharfoonayd
Shacabkii sinnaan jiray
Cudur shaamiyaa helay
Annagoo Shareeciyo
Qeynuunya sharafba leh
Mar baa shabaq naloo dhigay
Iyo shaafta dadabya leh
Shalay iyo dorraatiyo
Sanadooyinkii shubay
Shil baa dhacey shamuumya leh
Dalki baa god shulug yiri
Iyo ceel Shabeella leh
Dil baa dhacey Shahiidya leh
Shar baa timid sharuuba leh
Oday Sheekh ah lama dayn
Shan dhal Naag ah lama dayn
Gabadh Shaash leh lama dayn
Shanya toban jir lama dayn
Saqiir shaaba lama dayn
Wax Shahaata lama dayn
Hays shiidda mooyee
Hays shuuqda mooyee
Hays shuufta mooyee
Hays shabisa mooyee
Hays shirayso mooyee
Hays shabaqdo mooyee
Ha shakaakto mooyee
Hana shoogto mooyee
Shixnad gaasa mooyee
Hays sharafta laga waa
Hays shifayso laga waay
Haysla shoobto laga waay
Haysla showrto laga waay
Kala sheelo mooyee
Kala shiraya mooyee
Shan wejiila mooyee
Hoggaan sharaf leh laga waa!
Xumaha shir wacayoo
Dhibaata shax dhigatoo
Ummadduna shib wada tiri.
Afartaa shilkii dhacey
Maw sheegay shacabkii
Ma shirribay raggii hore
Shiinleeyda noo furay
Hadal shaacir maw diray
Runta lagama sheexee
Xaqa lama shaxeexee
Ma ka qaaday shaarkii
Afar kalana iga shuba.
Shaaciyow Diraacow
Sharta kuwi horkici jiray
Haddaad shuuftayoo tiri
Shirar baa socdee joog
Waxaan kuugu shedayaa.
Faalshaha wax sheegee
Shimbiraha adeegshiyo
Kaahinliyo sharrowgiyo
Ka shabaabanow joog
Ka shirqool wadow joog
Ka shiddada hurow joog
Ka shuftada ahow joog
Nabad baa shakuuriye
Xumahaa shareeranoo
Samaa shaal la saariye
Ha shallaayinee jog.
Afartaa ma kala shirey
Maw sheegay sharafoo
Ma shirribay raggii hore
Shiinleeyda noo furay
Hadal shaacir maw diray
Runta lagama sheexee
Xaqa lama shaxeexee
Ma ka qaaday shaarkii
Afar kalana iga shuba.
Shurugdiid su’aalihi
Shuruudihi is daba yiil
Jawaab aan ku shaabbado
Shardi aan ku wada furo.
Waxa qaranka shirin kara
Waxa nabad shamili kara
Waxa cudur shifeyn kara
Waxa sharaf hibeyn kara
Waxa shaqaaqa bi’in karo
Wax hidaha sharrixi kara
Wax shahaado bixin kara
Waxa shaqaale qori karo
Shisheeyeha xayiri kara
Gumeystaha shib dhihi kara
Shakadaha u xidhi kara
Oo sharkiisa celin kara
Gunta shoobareyn karo
Gobta shaar u gelin karo.
Shaajaca halyeeyga ah
Sharcigana aqoon u leh
Shareecana dabbiqi kara
Shaabicyahay Imaamkuna
Sida Sayidki shubi jirey
Shucuurtii dadkeeniyo
Shuhadada xorriyaddii
Leegadeenii Sheegnayd
Ama shayb waddaniyiyo
Qaranka u shaqaale ah!
Badda shilama siinayn
Dhirta holac ku shiilayn
Hanti jeeb ku shubanayn
Qolo gaara sheegayn
Shareecada ku Suufiya
Shisheeyaha sheeraroo
Ibliis shaah ka guranayn
Sharna kuu daboolayn
Hammigiisu shiri yahey
Maatada shifee yahey
Shacabkaaga dhawr yahay
Inaan dhiig la shubin yahay
Xumahana Shareer yahay
Qabiil shallow ka tuur yahay
Xaqa kor u shareeryahay.
Afartaa ma kala shirey
Maw sheegay sharafoo
Ma shirribay raggii hore
Shiinleeyda noo furay
Hadal shaacir maw diray
Runta lagama sheexee
Xaqa lama shaxeexee
Ma ka qaaday shaarkii
Afar kalana iga shuba.
Sharadkii ma kuu furay
Shandaddii daboollayd
Ma ka qaaday shaashkii
Iyo Shaalkii saarnaa
Shinta hadalka maw dhigay
Ragbaa shaaric jiiraye
Shucaacii ku lumayoo
Hilinkeeda shuufine
Ma shalwiyey halkaan rabay
Hootada shan geesta ah.
Maansada nin sheegtiyo
Nin shahaado haaystiyo
Mid ku shaaribbaystiyo
Shaacirkii gaboobiyo
Shayb iyo shabaabkoow
Kala shiila hadalkoo
Runta sheega weliboo
Shiinleeyda maanta ah
Iyo sheekadaa xidhan
Shawrkaa naloo wacay
Shifa iyo wanaaggeed
Sharciyo hannaankiis
Shiin iyo dhigaalkiis
Sharaf iyo dadnimadeed
Innagoon shallaayeyn
Shishe aan u booyeyn
Shimmee baan la helayaa?
Shaariceena loo mari?
Shushub laga baxaayaa?
Iyo sheegatadan baas
Shaydaanka koorta leh
Duulkan aanan sheexayn?.
Dhammaad.














