Published On: Mon, Aug 6th, 2012

Naftaa igu kaa qasbeysee, uma qalantid Caashaqa. (Qaybtii 1aad) WQ: Adan Jama Kahin

Qisadani waa sheeko dhab ah oo Jacayl xanuun badan xambaarsan. Sheekadanina waxa ay ku dhacday wariyaashii sanadadii todobaatanadkii ilaa sideetanadakii kuwii ugu caansanana mid ka mid ah barigaa kaasoo loo yaqaan Abdala Nuuradin Alaha u Naxariistee. Waxanu sida la ogyahayba uu ahaa nin wariye ah oo aad u cod macaan, islamarkaana ah hal abuure.

Waxa heesaha uu alifay badankooda qaada Fanaanka loo yaqaan Cumar Shooli oo isna ah fanaan katirsan Hobalada Waaberi, kaasoo qaadi jiray heeso uu alifay Cabdala oo ay ka mid tahay ta imika kor ku xusan.

Abdala Nuradiin wuxu ku sookoraydhulka loo yaqaan Somali Galbeed magaalada JigJiga kadibna xagaa iyo Muqdisho ayay isaga iyo walaashiiba u soo wareegen. Wuxu ahaa wariye la jecelyahay hadaan idin xasuusiyo barnaamijyadii uu ka sheegi jiray Radio muqdisho, waxaa ka mid ahaa barnaamujkii I maqashii I madadaalioo ay isla daadihin jireen isaga iyo wariyayaasha kala ah Ahmed Hassan Cawke iyoLuul Ali Hassan (Luula) waxa intaa u dheerayd isagoo Cabdale ahaa jilaa wax ka metela ruwaayadihi Kooxda Banadir oo ay ugu danbaysay ruwaayadii loo yaqaanay (Shumeey) ee aadka looga wadahelay. Waxa kale oo ay isaga iyo Cawke hadana si wadajir ah u sheegi  jireen barnaamujkii ciyaaraha kooxaha Seera A iyo Qarankaba.

Wakhiga aaan sheegayo wadankuna barwaaquu ahaa, dadkuna dad aad isujecel bay ahaayeen. Hadaba, waxa dhacday in Cabdala Nuuradin uu jeclaaday Inan aad u qurux badan, dheer, indho qurux leh, socod macaan,hilib meel dhexaadna leh iyo waliba cod aad u macaan oo ku soo jiidanaya adiga, kaasoo ay ku soo ifbaxayan akhlaaqwanagsan, ixtiraam iyo degananshaba.

Wuxu ku arkayCabadale sida  la sheegay sheegay suuqa iyadoo kaligeed maraysa. Wuu ka dabategay waxa uuna  isku dayay inuu iska dhigo ninaan garanayn Bangiga dhexe ee Centrale kaasoo aan sida uga fogayn halka.

Wuxuu waydiiyay inantii (gabadhii) iga raali ahaw Abaayo ma ii tilmaami kartaa adigoo raaliya meesha uu ku yaalo Bangiga dhexe ee Dawlada. Waxay ku tidhihaa Aboowe macane oo wuxu ku yaalaa halka danbe Shaneema Xamar ka danbaysa. Wuxu yidhi waad mahadsantahay Abaayo, laakin mid kale Abaayo an ku waydiiyee meel baan hore kuugu arkay mise talaw waa qof kale miyaad adigu ka shaqaysa Somali Airlaynta, waxay tidhi maya Abowe malaha qof  kale aad aragtay. Wuxu ku yidhi Abaayo adigoo iga raaliya gabadh fiican baad tahay ee ma ii sheegi karta magacaaga iyo meesha ku nooshahay markiiba magaceedi iyo meeshi ay degenayd ayay u sheegtay.

Halkaa ayay arrinta kulankii hore ku dhamaatay, hadaba inanta ama (gabadha) qofba siduu u yaqaanaba.Waxa dhalay Aabo Somaliya iyo Hooyo Hindiyad ah. Waxa inanta walaalo ahaayeen ilaa dhawr caruur ah oo yar yar ah. Waxay inanta reerkeedu degenaayeen Xaafada Via Liberia ee ka tirsanayd degmada Waaberi ee magaaladaMuqdisho.

Abdala markiiba jacelybaa duxay wuxu markiiba in uu heeskii ugu horeyay uu katiriyo inanta , taasoo uu ku amaanayo qurxdeeda , socodkeeda iyo akhlaaqdeedaba, waxa heesta markii ugu horeyay laxanka iyo luuqdaba ku heesay Fanaanka Cumar Shooli , waxana ka mid ah ereyadeeda ( ma iyadoo kaleeta , aqal lalagelaya…..).

Sidaan la wada socono,bariga wadanka Telephono sidaasi majirin, marka A.Nuradiin wuxu soomari jiray xaafada agteeda marwalba aanu shaqaynayn bal si uun mar uun idhihiisu inanta u qabtaan. Maalin Khamiis ah oo ay casar ku sii degaayo qoraxduna heerkulkeedu dhexdexaad yahay saacaduna tahayila  4 tii galabnimo ayuu soo agmaray xaafada dukaan u dhaw si uu arko inantii (gabadhii) isagoo halkaa markii horena dhawrjeer oo horena kuhungoobay. Nasiib wanaag, isagoo xagii gurigeeda eegaya ayay dukaanki ka soobaxday si lama filaan ah. Markuu arkay wuu naxay oo markiiba salaam ayuu boobsiiyay Abaayo see tahay, waxay tidhi aboowe nabada ma wiilki maalinkii baad tahay haa uu wuxu yidhi waxan ahay Cabdala Nuradiin. Haa aboowe cod fiican baad leedahay oo waxan dhegays taa Radio Muqdisho wuxu yidhi waad mahadsantahay.

Inta ha inoojoogtoqaybt 1aad , lanasocoqaybta 2aad.

Waa Qalinkii :Adan Jama Kahin

Milton keynes, UK.

 


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.