Published On: Sun, Sep 2nd, 2012

Saar: Waraabe (Saar ku saabsan cunista Hilibka Waraabaha)‏ Cabdiraxiin H. Galayr

Saarkan “Waraabe” waxaan curiyey ka dib, markii ay soo shaac baxday, Arrintii ahayd  in Goboladaa Jubooyinka laga bilaabay cunista iyo ugaadhsiga Waraabaha.  Arrintan oo Ugub ah oo ku cusub Geyiga Soomaaliyeed iyo maqalka dhegaha Ummadda Soomaaliyeedba, ayaa waxaa soo baxay guux badan bulshada dhexdeeda ah  muujiyeyna in laga biyo diiday ,, Sidaa awgeed ma jirto baahi inagu kelifaysa inaan cuno hilibka Waraabha ama Habardugaag dhan, Haddaan Soomaali nahay, waxaan leenahay xeebta ugu dheer  Afrika oo Kaluun(Malaay) nooc walba ku jiro, waxaan nahay wadanka ugu xoolaha badan Afrika waxaan haysaa meesiyo xoola ah oo kala duwan  sida: Geela , lo’da , AdhigaDigaaga, waxaan leenahay Ugaadh badan , Sida : Geriga, Biciidka, Lo’kisida, Garanuugta, Goodirka, Cawsha,  Deerada, Sakaarada, Goroyadaiyo Digiirinka iqb sidda awgeed maadaama, bad iyo beri iyo webi mid walba aan ka helayno Hilib  nagu fillan u malayn maayo inay jirayso ama daruuri ay noqonayso inaan cuno, Xayawaan aan hore loo cuni jirin, haddaba waraabihii oo arrintaas laftiisu ka murugaysan ayaa Saarkan tiriyey ee ka bogasho wacan:

 

Saarkii Waraabe

Aduunyadu waa wacaal

War iyo waydiimo wada

Waaga kuu soo beryaba

Wax uunbaa laga dhaxlaa

Duruus buu kuu wadaa

Waqtigu oo laga bartaa

Waxsheegiyo waana iyo

Wacyigelin baan wadaa

Bal weedhaydaa dhugtoo

Ku weeleeyoo cindiga

Qalbiga wehel uga dhigo

Walaal dhegihiina fura

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiillada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi weerarba

Dadku igu waalayoo

Waa lay waaxyeynaya

Sidii weedhaan laxdii

Wankeedii baan noqdoo

Warmaa lay wada sitaa

Waraaq baa igu dhacoo

Washaaqaa igu furmayo

Waxaan ahay magan Islaam

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi weerihii

Waraabe iyo Dhurwaa

Walow Mukulaal ku tahay

Weligood maysan jirin

Islaam walaqyada jaroo

Wacdina ku bannaysta

Wadnaha kala soo baxee

Maxaa wacay maanta oo

Walaaloow laygu galay?.

 

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi waa la yaab

Adoo waayeel hashii

Sacii waydaar ahaa

Wankaagii woodhaqa ah

Riyaha waaxyeysan kara

Ugaadhuna weel ku shuban

Waraabe maxaad ku fali?

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi wiil Dhurwaa

Waryaa Soomaaliyeey

Haddaad wadankii gubteen

Haddaad xaqa weeciseen

Haddaad wehelkii disheen

Walaalkiin iibsateen

Waabayo walaaqaysaan

Waraabe cun aad tihiin

Wacdaraha aad dhigteen

Wax sheega aduun ma jiro!

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Ninkii waran kugu ganee

Wadnaha dacalkiisa muda

Waxaa abid kaaga daran

Midkii warwareejiyee

Warxuma kugu sii dilee

Wadaadka waa sax iyo

Xalaal la wareegayoo

Wallee hoog baad dhigteen.

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi weerarkani

Aduunya wareegtayoo

Aakhiro weydaaratoo

Samaanta ka weecatoo

Xumaanta ku waalanbaa

Waqtigu nagu soo simee

Wehelkii Soomaaliyeed

Wadanka aan wada lahayn

Maxay nagu weerareen

Wadnaha noo goynayaan?.

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi waagi hore

Waraabe haddaan ahaa

Baadida aan walamsan jiray

Xoolaha waaxyaha ka jara

Nimaan waxba reebanoo

Habeenkii weerar gala

Waxshiya oo aan xishoon

Waxaa iga daran Shabaab

Waraabe hadday cuneen!

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Wuxuu yidhi macallinkii

Wacdigii mariyee aqriyey

Waraabuhu waa dawoo

Ninkii wadnihiisa liqa

Waslad hilibkiisa cuna

Fuudkiisa waraaba abid

Wuxuu noqon Maalikoo

Wedkuna dili maayo abid

Waayeelnimo kala tagoo

Wuxuu ku dhex waarayaa

Wareegta aduunyadee

Siduu u wanjalay bal daya!

 

Wawgii kale waxaan lahaa

Waraabe doodayoo

Waraaqo dacwa qoroo

Wadaadada diinta iyo

Waageerkaa madaxda iyo

Wasaaradaheena iyo

Wakiilada dunida iyo

Waqooyi bari u diray

 

Kitaabka wanaagsan

Xadiisku ma warininoo

Wadaadii hore ma qabin

Waraabuhu waa xalaal

Waxaa dhigay waallidaa

Wareershay adduunyadii

Shabaab wiilkii la baxay

Warjaafkii noo yimide

Wacdiga beena ah wadoow

Waraabihii wuu baxayoo

Wadanka ka dhoofyaye

Wixii ku hadhay u taal.

 

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.