Gabar Muslimad ah oo ka mid noqotay golaha wasiirada Norway
Oslo: HN: Waxaa markii ugu horeysay taariiqda Norway wasiiraada wadankaa ka mid noqday gabar muslimad ah oo 29 jir ah asal ahaana ka soo jeeda wadanka Pakistan.
Gabadhaan waxay ka mid noqotay wasiirada waddanka norway, waana qofka ugu da’da yar golaha wasiirada cusub ee shalay lasoo saaray.
Ra’iisul wasaaraha waddanka norway ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada waddanka, taasoo looga go’leeyahay habacsanaan ku timid dawladda uu hogaamiyo xisbiga shaqaaluhu, taasoo loo aaneeyay in ay sababtay dhibaatadii xisbiga iyo dadka reer norway gaartay 22 juli 2011, sidoo kale kalsoonidii xisbigaan oo hoos usii dhacaysa lagana yaabo in ay ku guuleysan waayaan doorashada sannadka dambe waddanka ka dhici doonta.
Arrintaan joornaalada Norway waxay ka qoreen arragtiyo kala duwan, laakiin adreskaan hoose waxaad ka heli kartaa warbixin sidii uu uga hadlay Jens Stoltenberg oo ah ra’iisul wasaaraha gabadhaan soo magacaabay.


















