Iran oo sameysatay diyaaradaha aan la wadin ee dronarka
Dowlada Iran ayaa soo bandhigtay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, diyaaradahan ayay dowlada Iran sheegtay inay gaarayaan masaafo dhan 2000 km, iyadoo macneheedu yahay in diyaaradahan aay duqeymo ka geeysan karaan dhamaan barriga dhexe oo aay ku jirto dalka Israel.
Israel ayaa horey ugu hanjabtay in aay weerari doonaan goobaha Nucklearka wadanka Iran inta aanay sameysan qumbuliyada wax bur burisa, sirdoonada caalamka ayaana saadaalinayay in Israel aay qorsheynayso inay weerarto Iran inta lagu jira doorashada wadanka Mareykanka oo ku aadan 2–november ee sandkan 2012, Iran ayaa dhinaceeda ku hanjabtay in cid kasta oo soo weerarta aay ka shaleyn doonto.
Horey ayaaa Iran waxay gacanta ugu dhigtay mid ka mida diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo laga lahaa wadanka Mareykanka, kadib markii aay ku soo dhacday dhulka Iran, dalabaad kaga yimid dowlada Mareykanka ayay Iran ku diiday in aay dib ugu celiso doyaaradaas dhulkooda ku soo dhacday.
Wadanka Iran ayaa waxuu ku jiraa hanjabaadyo joogtaa oo kaga imaanaya wadamada reer Galbeedka oo aay dabada ka riixeyso dowlada Israel, iyadoo cunaqabateyn dhinac walba ahna la saaray, dowlada Iran ayaa iyadu goáansatay in aanay joojin barnaamijkeeda Nuklearka oo aay sheegtay inuu yahay mid uun koronto laga dhalinayo.
Hiiraan Net


















