Published On: Sun, Oct 21st, 2012

Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Qeybta 3aad

Fadliga Maalinta Carafo 
Dardaaranka Lixaad: ee Bishaan Dul-xaj waxaa uu yahay ianana ka faaiideysano Maalinta Carafada, Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
 1- Maalinka Carafo waa maalintii la dhamestiray Diinka iyo Nicmadauu  Allaah ku Maneestay Muslimiinta, waxaaana soo dagay ayadoo carafo la taagan yahay aayado Muslimiinta ugu Bishareynaya in Diinkoodii loo Kaamilay, Allaahna uu Diinkaas raali uga yahay inuu Diin u ahaado.

Bukhaari iyo Muslimba waxaa ku Qoran inuu nin Yuhuud ah Cumar ku yiri: Amiirkii Mu’miniintow Aayad Kitaabkiina ku qoral oo aad aqrisaan hadii ay Aanaga Yuhuuda nagu soo dagan laheyd waxaan Beshaaradaas ka dhigan laheyd Ciid, markaasuu Cumar ninkii Weydiiyay: Waa tee Aayadu? Yuhuudii wuxuu yiri:  Aayada ku jirta Suurada Maaidah {اليوم أكملت} Cumar ayaa markaa Yuhuudii ugu Jawaabay: Waa naqaan Malinka ay soo dagatay, iyo Meesha ay Rasuulka akulasoo dagatay, asaga oo taagnaa Carafo maalin Jimca ah.

Xadiiskaas waxaa uu nagu baraarujinayaa in Aayadan Bishaarada ah ay Muslimiinta kusoo dagatay Maalin Jimca ah ayadoo Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee iyo saxaabadiisuba carafo taagnaayeen, Maalintaas oo dhan kasta ka aheyd Maalin aad u weyn hadii Jimcaha la yiraahdo iyo Hadii Maalin Carafo la yiraahdo iyo Aayada Bishaarada ah ee kusoo dagatay la yiraahdaba, taasna xataa waxaa dareemay inay tahay Bishaaro qiima gal nin Yuhuudii Reer Madiinah ka tirsanaa arintasnaa ilaa u ka weydiiyay Cumar Qiimaha ay Muslimiinta ku dhex ledahay, Jawaabta Cumarna waxay noqotay inay Maalinta Aayadaas soo tagatay aheyd Maalin carafo Maalin aad u weyn.

2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan Ay wariyaan Ahlu-Sunanka:
Nabiga Suuban waxa uu yiri:{Maalinta Carafa Maa;linta (9aadka) Gowraca (10aadka) iyo Maalmaha Hilba warashada (11.12,13aadka) waa Ciidaana dadkeena Muslimiinta ah, ..} Ahlu-Sunanka ayaa wariyay Xadiiskan.

 3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, sidaa darteed ayaa waxaa laga fahmayaa Maalinta Carafo inay tahay Malin aad u weyn una Qiimo badan sida ku Cad Xadiiska uu Abuu Hureyrah wariyay inuu Nabiga yiri: {Maalinta Mowcuudka ah [Maalinta la isu yaboohay] waa Maalinta Qiyaamaha, Maalinta Mash-Huudka ahna waa Maalinta Carafo} Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay Albaanina Xasan ayuu ku tilmaamay.
Suurada AlBuruuj Aayada 1,2, 3aad: {Eebe wuxuu uu ku dhaartay Samada Xidigaha leh. iyo Maalinta la isu yaboobahay (Maalinta Qiyaamaha iyo dadka joogsan Maalintaas iyoi waxyaalaha imaad Maalintaas)}Sidoo kalan Ibn u Cabaas waxa uu ku macneeyay Aayada 3aad  ee ku jira Suurada Alfajr in loola jeedo qeyb ka mid ah Maalinta Carafo: {1-Eebe waxa uu ku dhaartay waa Bariga. 2- iyo Habeenada Tobanka ah (ee Dul-Xaj u horeeya) iyo Tirada Siman [Maalinta Ciida 10aadka] iyo Tan isdheer [Carafo 9aadka]}

4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, midkii tagay iyo kan soo socda sidaa waxaa sheegay Nabiga suuban markii laga su’aalay Maalinta Carafo sida ku Sugan xadiiska uu Muslim ku wariyay saxiixiisa: {Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo Sanadka soo socda}.

Yabooha Nabiga Suuban sheegay inuu helayo Ruuxii soomaa waxaa uu nagu baraarujinayaa inaan ku dadaalno Soonka Carafo, Fadliga uu leeyhay Maalinka Carafo, islamarkaana waa inaan Soonka Maalintaas uga tagain dooda Culimada qaar ka qabaan hadii uu Maalinka Cafaro Sabti kusoo aado, maxaa yeelay ula jeedada Soonka waa carafo iyo fadliga Maalintaas ku jira in la helo ee ma aha in sabtiga dartiis loo Soomayo, waxaan intaas dheer Xadiiska ay daliishanaayn rag badan ayaa muran badan ayaa ka taagan saxiixnimadiisa, haduu saxiixoobana waxa uuu Noqonayaa Shaad waayo waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Bukhaari iyo Muslim ku qoran oo ka saxiixsan, waxaana Intaas sii dheer Abuu Daauud Alaha u raxmadee waxa uu ku Tilmaamay inuu yahay xadiis la Nasaqay. faahinta arintaasna  ka eeg linkisyadaan  http://tebiye.com/?nid=612 ama http://somalitalk.com/2011/11/02/sabtiga-sagaalaadka-carafo-waa-la-soomi-karaa//.

5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen Waad Tahay wanan Marqaati kaceynaa, sida ku Cad Aayadaha 172.173aad ee Suurada Al-Acraaf: {172- [Xusuuso] markuuu Eebaha ka qabtay Dadka Dhabarkoodii Faracoodii uuna marag uga yeelay Naftooda, kuna yiri: miyaanan Eebihiin aheyn oy dhaheenna inaad Eebehenna tahay yaan Marag kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame anaga waan halmaansaneen kan. 173-Ama aydaan dhihin waxaa wax la wadaajiyay (Eebe) Aabayaalkeenii mar hore anaguna waxaan anahy Farac ka dambeeyay, oo miyaad noo Halaagi waxay faleen Xumo falayaal}
arintaas oo muujineysa in Maalinkan carafo yahay Maalin Qiimo iyo darajo weyn ku leh Illaah agtiisa, anagana ay wanaagsan tahay inaan weyneyno sidaasna waxaa cadeeyay xadiiska uu wariyay Imaamu Axmad ee uu Albaanina Saxiixiyay.

6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaahCW  Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabiga Suuban yiri: {Ma jirto Maalin ka badan inuu Allaah adoomaha ka xoreeyo Naarta Maalinta Carafo}
Imaamu Axmadna waxa uu wariyay Albaanina uu saxiixiyay Inuu nabiga yiri: {Illaah malaaigta ayuu ugu faanaa Maalinta Carafa dadka carafo taagan, waxa uu yiraahadaa fiiriya Adoomaheyga waxay ii yamaadeen ayagoo Timo Basaasaan Boorna korkoodu leeyahay}. 
 illaahna hana waafajiyo inaan ka faaiidaysano Munaasabaad qaaliga ee bishaan Dul Xaj ku jira aamiin aamiin..

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com  

About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.