Published On: Sun, Oct 21st, 2012

Dardaarano ku Gaar ah Dul-Xaj Qeybta 4-aad Udxiyada Meydka laga bixiyo!!

Udxiyada Waa Sharci sida ku Cad Nusuustii aan shoognay Muslimiintana waa isku wada raacsan yihiin Sharci ahaanshaheeda, waxaana ay Udxiyada leedahay Axkaam aad u fara badan oo aan qaar si dul mar ah usoo tilmaanay.

Waxaan Maqaalkan si gaar ah uga hadli doonaa arin faahfaahin u ah qeybtii hore ee kusaabsaneyd Axkaamta Udxiyada, waxaanan uga jawaabaynaa suaal ay Dad badan oo Soomali ah isweydiiyaan oo ah Udxiyada malaga bixin karaa Dadka dhintay?

Jawaabtu waa haa si kooban..

Meydka oo laga udxiyeeyo waxa ay la mid tahay ayada oo laga Sadaqeeyo ama laga Xajiyo waana arin sharciga ku banaan mana jiro wax farqiya oo u dhaxeeyo gaaritaanka ajirka sadaqda, Xajka iyo gaaritaanka Udxiyada qofkii kala saarana laba isla mid ah ayuu kala saaray, Arintaas daliilaadeedana waxaa ay ka buuxaan Kitaabka Sunnada Ijmaaca Muslimiinta iyo qawaacida sharciga ah sida uu sheegay Ibnul-Qayim (allaha u Naxariistee) mana diidaan ilaa qaar ka mid ah Ahlu Bidcaha {waxa uu yiri ibnu taymiya qofka sheegto inuusan gaareynin meydka waxa ay u hadiyeeyaan muslimiinta kale waxa uu meel uga dhacay Ijmaaca muslimiinta}.. mar la weydiiyay malaga udxiyeyn karaa meydka waxa uu ku jawaabay ? {waxaa banaan in laga Udxiyeeyo sida looga Xajin karaba}.

Sidaas daraadeed culimada in badan waxay si faahfaasan uga hadleen arinkaan waxeyna sheegeen qofka Camal walba oo suuban oo uu sameeyo uuna hadiyeeyo ajirkisa inuu gaaraayo waxayna tusaale ahaan uga dhigeen sida salaada, soonka, xajka iyo sadaqada waxaana sugan in Nabigu Nabad iyo Naxariis korkiisa allaja yeelee gowracay wan yirina kani waxan ka goowaracay Muxamad iyo Reerkiisa sidaas daraadeed culimada muslimiinta waxa ay yiraahdeen “Rasuulka waxa uu u hadiyeeyay Ajarka udxiyadiisa Naftiisa iyo Ahalkiisa, ahalkiisana waxaa ka mid ahaa kuwa nool iyo kuwa geeriyooday.

Ibnul-Qayim (allaha u Naxariistee) kitaabkiisa Ar-Ruux waxa uu ku sheegay marka uu soo arooriyay Daliilada Kitaabka iyo Sunada kadib sida tan { Nusuustan waxa ay xoojineysaa camalka suuban ajarkiisu inuu gaaraayo meydka hadii uu ka sameeyo qofka nool arinkaana waa Qiyaas cad maxaa yeelay ajarka waxaa xaq u leh qofka sameeyay hadii uu u hibeeyo walaalkiis muslimka ahna ma reebana..}

waxaa kale oo ka hadlay arinkaan Shiekh yusuf al-Qardaawi oo ka mid ah culimada Casrigan waxa uuna yiri {waa sharci in laga sadaqeeyo meydka sida ay ku mideysanyihiin Muslimiinta, waxaana jiro labo arin oo aysan isku khilaafin Madaahibta waana meydka oo laga sadaqeeyo iyo meydka oo loo duceeyo oo ilaahey dambi dhaaf looga dalbo….”} Sheeq ibni cutheymiin (Allaha u Naxariistee) oo arinkan ka hadlayna waxa uu tilmamay in aan lagu gooni yeelin Meyda waxaa uuna yiri :-
{udxiyada waxaa asal ku ah sharci ahaan kuwa nool balse sida ay maleeyaan dadka qaar oo ah in lagu gooni yeelo dadka dhintay wax asal ah malaha..}

Waxaa uuna hadalkiisa sii raaciyay udxiyadu meydka waxay u qeybsantaa Saddex qeybood :-

1) Inuu ka bixiyo Udxiyada kuwa dhintay isaga oo raacinayo kuwa nool sida inuu qof ka udxiyeeyo Naftiisa iyo Ehelkiisa una niyeysto mid nool iyo mid dhintay arrinkaasna waxaa asal u ah udxiyada Nabiga (Nabad iyo Naxariis allaha yeelee) uu ka bixiyay Naftiisa iyo Qoyskiisa waxaana ka mid ah ahalkiisa kuwa marhore dhintay

2) inuu ka Udxiyeeyo kuwa dhintay asaga oo fulinaayo dardaarankoodii arinkaasna waxaa asal u ah Allah hadalkisa Suurada Albaqra Aayada 181: {Ruuxiise badala dardaaranka intuu maqlay ka dib dembiga waxa uu saaran yahay uun kuwa wax badala, Eebana waa Maqle Og}.

3) Inuu ka Udxiyeeyo kuwa dhintay Samafal ahaan ayaga oo ka madaxbanaan kuwa nool, arinkaasna waxaa qabo Culimada Xanbaliyada ajarkeeda inuu gaaraayo meydka kuna intifaacaayo ayaga oo uga qiyaastay sadaqada meydka laga bixiyo waxa uuse yiri ibni Cutheymiin: {hasa yeeshee ma qabno in lagu gaar yeelo meydka udxiyo iney Sunnada ka mid tahay maxaa yeelay Nabiga Suuban kama udxiyeynin qof ka mid ah ehelkiisa geeriyooday ka mid ah si gaar ah kamana udxiyeynin Adeerkis Xamza oo ahaa kuwa ugu jecelyahay ehelkiisa kamana udxiyeynin, caruurtiisii geeriyootay asaga oo nool waxayna ahaayeen saddex gabdhood oo reero lahaa iyo saddex wiil oo aan qaan gaarin mana ka udxiyeynin haweeneydiisii khadiijah oo uu xaasaskiisii ugu jeclaa, mana sugna in axad ka mid ah saxaabada xilligii nabiga inuu ka udxiyeeyo qof kamid ah ehelkiisa geeryooday…} waxa la weydiyay Hey,ada culimada Sacuudiga meyd malaga udxiyeen karaa ? Waxa ay ku Jawaabeen in ay banaan Tahay Sida ay culimada kalaba uga Hadleen oo kale.

Hadaladaas Culimada muslimiinta waxaa si kooban looga qaadan karaa in meydka muslinka ah udxiyo laga bixin karo laba arin darteed:

1=hadii udxiyada loo wada niyeesto kuwa nool iyo kuwa dhintay ee Ehelada qofka udxiyada la baxaayo.

2=Hadii uu ka dardaarmo qofkii inta uusan geriyoonin waa laga udxiyeeynaa ayadoo la fulinaayo dardaarankiisii.

3= arinta Sadaxaad ee soo hartay waa in sigaar ah looga udxiyeeyo meydka waa arin Culimada isku khilaafsan tahay, waxaana wanaagsan inaan lagu gooni yeelin.

Qeybtaan waxaan kusoo gabagabaynayaa Axkaamtii ku saabsaneyd Udxiyada waxaan noo xigo doona Dardaaranka 5aad oo ah mid ka hadlayo Ciida iyo Waxyaabah Muslimiinta looga baahan yahay.

W/Q: SHCalinuur Xoogs


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.