Published On: Sun, Oct 21st, 2012

Dadarano ku Gaar ah Bisha Dul-Xaj Qeybta 5aad Edebta Ciida Muslimka

Waxaan Qeybtaan 5aad kaga hadleynaa Daardaaranka ugu dambeya iyo Axkaamta Ciidda iyo aadaabta looga baahan yahay ruuxa Muslimka ah maalmaha Ciidda ah, Ciid magac ahaan waxaa la yiraahda wax dadku ka caado yeeshaan soona Laalaabta mar walba, waana wax laga helo Mujtamac kasta oo Dunida Jooga ha ahaado Muslim, Masiixi Yuhuud, ama Mushrik, waana wax Insaanka oo dhan jecel yihiin in ay yeeshaan Ciiddo ay Dabaaldagaan, Farxaan kuna kulmaan..

Waxaa aad u Muhiim ah in Ruuxa Muslimkaa ogaado Farqiga u Dhaxeeya Ciidda Muslimka iyo ku Gaalada Noocyadooda kala Duwan, waayo waxaa uu taas ku garan karaa Sharafta iyo Maamuuska ay leeyihiin Ciiddaha Muslimiinta.

Ciiddaha Gaalada waxey ku qotomaan Tusaale ahaan Dhalasho sanad Cusub Bilaawga Xeliga Abuurka, Jawiga Xiliga uu noqdo mid dhexdhexaad ah, ama Doowlad xili la dhisay ama Dowlad la riday, waxaa kaloo dhici karta qaar Munaasabaadkooda ka mid ah in ay ahaadaan kuwa Diineed sida Ciidaha Yuhuuda iyo Masiixiyada iyo Giriigii hore sida Olombiga ama Roomaankii Diimahooda..ama Ciiddaha ay leeyhiin kuwa Majusta ee Dabka Caabuda ee loo yaqaan Ciida Neyruuzka (Dabshidka soomalida qaar ay samayso) iyo Ciida loo yaqaan Mahrajaanka, waxaa kaloo jira Ciido ay leeyihiin Shiicada oo u gaar ah.

Marka waxaa laga maarmaan ah inaan ogaanaa in Muslimiintana leeyihiin Ciiddo u gaar ah oo ay kaga Duwan yihiin Ummadaha kale ee Caalamka ku Nool sida uu Cadeeyay Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee] {إن لكل قوم عيد وهذا عيدنا} (Qolo walbaa waxey leedahay Ciid kana waa Ciideena), Sidaa daraadeed ma haboona in Ruux muslim ah ka qeyb galo Ciid uusan shaqo ku laheyn iyo inuu ku Hambalyeeyo.

Nabiga Suuban waxaa uu sheegay In Muslimiinta leeyihiin laba Ciidood oo lakala yiraah Ciidul-Adxaa iyo Ciiddul-Fidri waxaanu Muslimiintii Reer Maddiina oo lahaa Ciiddo laba ah oo ay Dabaal dagaan ku yiri Illaah waxa uu idinkugu Badalay labadinii Ciiddood laba ka Kheyr Badan sida ku Cad Xadiiskan:
{عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ قَدِمَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْمَدِينَةَ وَلَهُمْ يَوْمَانِ يَلْعَبُونَ فِيهِمَا فَقَالَ مَا هَذَانِ الْيَوْمَانِ قَالُوا كُنَّا نَلْعَبُ فِيهِمَا فِي الْجَاهِلِيَّةِ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ اللَّهَ قَدْ أَبْدَلَكُمْ بِهِمَا خَيْرًا مِنْهُمَا يَوْمَ الْأَضْحَى وَيَوْمَ الْفِطْرِ }
[سنن أبي داود 1134]
Waxaa xadiiskaan tusayaa in dadka Muslimiinta ah ay Diinta Islaamka fursad u siisay in ay yeeshaan Dabaaldagyo iyo Ciiddo sida Ummdaha kalaba u leeyihiin kana kheyr badan kuwa Dadka kale, sidaa daraadeed ma haboona in aan wax kheyr badan khilaafno oo aan ka doorano wax liita oo aan wax Qiima ah ku fadhin weliba Dembi iyo Xumaan laga kasbado.

Labada Ciiddood ee Muslimiinta waxa Qiimahooda Tusaya Xiliyada ay ku beegan yihiin iyo sababta Ciidaba loo Sharciyeeyay, Ciidda Fidriga waxa ay ku Beegan tahay Dhamaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay MUslimiinta soo gabagabeeyeen Soonkii Ramadaanka, waxaana loo Sharciyeeyay in Allaah[Cw] kaliya lagu Weyneeyo, waxaana lagu Maamuusaa Takbiir Sadaqo, Salaad iyo Booqasho Ahalada la booqdo.

Ciidda Labaad oo ah Ciidul-Adxaa waxaa ay ku Beegan Tahay Gabagabada Camalada Xajka kaasoo ah Rukni ka mid ah Arkaanta Islaamka, waxaana loo sharciyeeyay in Illaah lagu weyneeyo sida aad ka Dheehan kartaan Halheeska Maalmaha Ciiddaas Socoto oo ah Takbiirta Udxiyada iyo Booqashada.
{ولتكملوا العدة ولتكبروا الله على ما هداكم ولعلكم تشكرون }

Sidaa darteed Ruuxa Muslimka waxaa la gudboon inuu ilaaliyo Aaadaabta Ciida uuuna ka digtoonaado in Ciidihii ASal ahaan Diinka Islaamka Sharciga ku ahaa inuu ka dgigto Fursad uu ku Tunto ama Tamashleeyo, sidoo kalana Muslimka waa inuu ka Digtoonaado inuu ka qeyb qaato Ciid aan aheyn Labadaas Ciidood waayo Ciidaha Caalamka ka jira oo dhan waxa ay Salka ku hayaan Dhaqmo Diinta Islaamka khilaafsan amaba Diimo kale, sidaa darteed waxaa Muslimka la gudboon inuusan ilbaxnimo moodin Ciidaha UMadaha kale inuu ka qeyn qaato kana digtoonaado islamarkaana ogaadaa waxa Ciidahaas ASal ahaan loola jeedo si uusan Ruuxa Muslimka ah u noqon Doqoni dhaan raacday.

Axkaamta Labada Ciidood
Hadaba Ciidaha Muslimiinta waxa ay leeyihiin Axkaam iyo Aadaab lagama maarmaan ah in aad loo dhowro maadama ay yihiin Cibaado Allaah uu Sharciyeeyay..waxaana ka mid ah Axkaamta labada Ciiddood:

1- In aan la Soomin labadaas maalin ee Ciidda ah, Soonkooduna uu Xaraam yahay; maxaa yeelay Nabiga Suuban [Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee] ayaa Reebay labadaas Maalin Soonkooda sida ay Saxaabada Suuban tilmaameen:
{لحديث أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنْ صِيَامِ يَوْمَيْنِ يَوْمِ الْفِطْرِ وَيَوْمِ النَّحْرِ }
[رواه مسلم 827]

2- Salaada Ciida waa Salaad laba Rakco ah Dhameestiran ah sifo ahaan,oo lagu Tukado Meel Banaan ah oo kabaxsan Masaajidda hadii la heli karo, waxaa lagu Bilaawdaa Takbiirta Xerashada ka dib Rakcada hore Todobo Takbiirood, Rakcada Labaadna Shan Takbiirood Marka laga Reebo Takbiirta loogusoo Istaagay Rakcada Labaad, sidaasna waxaa ay ku cadahay Xadiiskan soo socda:
وعن عائشة رضي الله عنها : التكبير في الفطر والأضحى الأولى سبع تكبيرات وفي الثانية خمس تكبيرات سوى تكبيرات الركوع رواه أبو داود صحيح بمجموع طرقه

3-Aadaabta Salaada waxaa ka mid ah in ay Salaada Ciida ahaato waxa ugu horeeya ee la Tukanaayo, taasoo macnaheedu yahay malaha Salaad Sunna ah oo ka horeysa Labada Rakcadod ee Salaada Ciidda sida ay noosoo Guuriyeen Saxaabadii Rasuulka Suubanaa:
وعن أبي سعيد قال : كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يخرج يوم الفطر والأضحى إلى المصلى فأول شيء يبدأ به الصلاة

4-Waxaana Sunno ah in lagu Aqriyo faataxada Kadib labada Rakcadood Suuradaha kala ah:
{( ق ) و ( اقتربت الساعة )} ama Suuradaha kala ah {ِسَبِّحِ اسْمَ رَبِّكَ الْأَعْلَى وَهَلْ أَتَاكَ حَدِيثُ الْغَاشِيَةِ} labadaan suuradood waxaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa ugu Badn ee uu ku Tikado Rasuulka Saaladaha Ciidda ah.
5- Waxaa kaloo Sunnada ka mid ah in Salaada Ciidda Tukashadeeda ay hor marto ka dibna Imaamka inuu aqriyo khudbadii Ciiddasida ku cad Xadiiskan:
كما ثبت في مسند أحمد من حديث ابْنِ عَبَّاسٍ أَشْهَدُ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَّى قَبْلَ الْخُطْبَةِ فِي الْعِيدِ ثُمَّ خَطَبَ .” مسند أحمد 1905 والحديث في الصحيحين

5- Waxaa u Banaan ruuxii dan leh ee dagdagsan inuu ka tagi karo Khudbada Ciidda inta ay socoto sida Xadiiskan Cadeynayo:
عن عبد الله بن السائب قال : شهدت العيد مع النبي صلى الله عليه وسلم فلما قضى الصلاة قال : إنا نخطب فمن أحب أن يجلس للخطبة فليجلس ومن أحب أن يذهب فليذهب . إرواء الغليل 3/96
Xadiiskan waxaa uu tusayaa Nabiga Suuban inuu i Idmay Saxaabadii la tukatay ruuxii doonaa inuu iska tagi karo, oo waxaa uu yiri:waan Khudbeynaynaa ee ruuxii doona inuu fadhiisto ha fadhiisto kii doono inuu baxana ha baxo.

6- Waxaa maalinta Ciidda ah looga baahan yahay Haweenka in ay ka soo qeyb galaan Salaada Ciidda sida uu amray Nabiga Suuban, xataa kuwa aan Daahirka aheyn waxaa looga baahan yahay iney u soo Baxaan meesha Muslimiinta ku tukunayaan ayagoo ka fogaanayo Meesha la tukanaayo si ay wax uga helan kheyrka isla markaana ducada muslimiinta uga qeyb qaataan {وَلْتَشْهَد الْخَيْرَ وَدَعْوَةَ }.

Hadaba waxaa jira Aadaabo loo baahan yahay in la dhowro sida in loo Labisto labis ka ugu quruxsan Marka la aadayo Salaada Ciidda, in aan wax la Cunin Salaada ka hor hadii ay tahay Ciidda Udxiyda, in wax la Cuno Salaada Ciida ka Hor hadii la Joogo Ciidii Fidriga, waxaana caado ahaan jirtay Muslimiinta in ay isugu Bogaadiyaan Ciidda, waxaa sidoo kale Sunnaha ka mid ah in marka Saladda la aadayo jidka la maro aan lagu soo laaban marka laga yimaad Salaadda.

Waxaan illaah ka baryeynaa inuu na waafajiyo kheyrka iyo Raxamaadka ay xambaarsan yihiin Bilahan iyo Mowsimyadaan Barakeysan, iyo inuu illaah na waafajiyo Sanado Badan Munaasabaadkan oo kale nagana dhigo kuwa ka faaiideysta Aamiin Aamiin….

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.