Published On: Mon, Oct 22nd, 2012

Soo caan-bixiddu ma inaad saaxiibadaa aflagaadeysaa?! WQ: Caaqil Dalmar

Soo caan-bixiddu ma inaad saaxiibadaa aflagaadeysaa?!! WQ: Caaqil Dalmar

Dadka adduunyo u saaxiibka ah inta badan waxa ay raadiyaan magac iyo maal, labadaasi arrimoodna sida lagu helaa waxay ahaan jireen si adag, balse sanadahan dambe way iska fududaadeen.

Haddii aad dooneyso inaad magac yeelato sida aad ku yeelataa waa wax iska sahlan, kaliya waa inaad la xiriirtaa warbaahinta oo aad hadafkaada sax iyo qalad wuxuu ahaadaba ku gudbisaa ama aad samaysaa wax la yaab leh, markaas ayaad noqon kartaa qof magac leh oo caan ah.

Haddii aad ka hadasho Telefishin, Idaacad ama warkaada lagu qoro wargeys caan ah si fudud ayaad ku noqoneysaa shaqsi caan baxay oo magaciisa la sheeg-sheego.

Qormadan waxay dulucdeedu tahay oo aan uga gon leeyahay inaan ku hoga tusaaleeyo wariyihii dhawaan qoraal uu ku dacaayadeynayo wariyeyaasha dhigiisa ah ku soo bandhigay wargeys ka soo baxa dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo The Guardian, isagoo wariyeyaasha Soomaaliya ka howl gala ku tilmaamay kuwo iyaga is ugaarsada oo dilalka isu geysta, kuwo aan aqoon lahayn iyo kuwo laaluush qaatayaal ah.

Weriyahaasi ujeeddadii uu ka lahaa qoraalkaas waxay ahayd oo kaliya inuu soo caan baxo oo warkiisa la naqdiyo, hebellaa waxaas iyo waxaas sheegay la yiraahdo, mudaaharaadyo isaga ka dhan ah la qabto, maqaalo in laga qoro oo laga daba qaato, wareysiyo lala yeesho, si todobaadkaas isaga uun loo hadal hayo, taasina way dhacday oo waa tan qormadiisa laga bannaanbaxay, maqaallana laga qoray, isagana wax laga weydiiyey, welibana uu ku sii adkaystay gefkiisa, sidaasina waa siduu isagu doonayay una sii bidhaamisay caan bixiddiisa.

Sida la ogsoon yahay Weriyaha falkaas sameeyay lagama yaqaano gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna rabay in qormadaas uu ku soo caan baxo oo Soomaaliya laga barto maadaama uu u shaqeeyo Channel Soomaaliya aan sidaa looga aqoonin, badiyaana aysan dadka Soomaalidu daawan, siduu doonayayna way u ahaatay oo todobaadkan isagaa saaran masraxa saxaafadda oo magaciisaa la sheeg-sheegayaa.

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa wuxuu aad u jeclaaday gabar, dedaal badan ayuu u sameeyay sidii uu gabadhaasi mar uun ula kulmi lahaa, markii uu fursad u helay lakulankeeda ayaa waxay ku tiri “Anigu kama helo ragga aan caanka ahayn” isagoo qushuucsan ayuu isaga soo tagay gabadhii, wuxuuna ku fakaray in uu sameeyo qorshe uu caan ku noqdo, kolkaas ayaa waxa uu soo qaatay bastoolad, wuxuuna si dirqi ah ku galay xafiiskii Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna lugta kaga dhaawacay Bastooladdii, kadib warbaahintiyoo dhan baa ninkii raadisay, sawirradiisaa Telefishinnada iyo wargeysyada lagu soo wada daabacay, raadiyeyaashaa hadal heyntiisa badiyey, sidaasna uu caan ku noqday, isaguna wuxuu saxaafadda u sheegay in uusan dooneynin inuu madaxweynaha toogtee uu doonayay kaliya inuu noqdo qof caan ah oo magaciisa la hadal hayo, taasna ay ku xambaartay sida uu yiri gabar uu jeclaaday oo ku tiri qof caan ah ma tihid.

Haddaba dadka doonaya in ay dunida caan ka noqdaan mid waliba wax buu sameeyaa si loogu qoro buuggaagta lagu diiwaan-geliyo dadka caanka ah ama warbaahinta looga sheeg-sheego, marka wariyahan qaldamay markii uu dhan kastaba wax ka dayay oo uu si kastaba u fakaray waxa ay la ahaatay in sida uu ku soo caan bixi karaa oo saxaafaddu u buun-buunin kartaa, Soomaaliyana looga baran karaa ay tahay in saaxiibadiisa ku mihnadda ah uu wax ka sheego.

Inta uusan saxafigani qalinka u qaadan qormadaas uu ku aflagaadeeyay saaxiibadiis ma isweydiiyay in waxa ay saaxiibadiis yihiin uu isaguna yahay ileyn horaa loo yiri “Qofka aad sirtiisa bixin weyso saaxiibkiisaa la dayaa”, marka haddii aad xumaan ka sheegtay saaxiibada aad isku shaqada tihiin ogow adiguna waxa aad tahay waxa iyagu yihiin (wanaag iyo xumaanba) ileyn magaca aad wadato waa saxafi kan iyaga ay wataana waa saxafi, wax aad ku kala beddelan tihiina ma jirto wariye ayaad tahay iyaguna waa wariyeyaal, misana waa suuragal inaad is tiri adigu waxaad u shaqeysaa Chanel.4-TV oo saxafiyiinta Soomaaliyeed waad ka darajo iyo qiimo sareysaa, kana mushaarad badan tahay..?!!.

Sida muuqata weriyaha qoraalka meel-ka-dhaca ah ka qoray wariyeyaasha dhigiisa ah kolay ma aha mid uu ka fiirsaday, waayo ma jiro qof isaga is ceynaya, dad isku mihnad ah oo isku shaqo ahna cadow isuma noqdaan, cadowga kaliya ee ay leeyihiina waa midka dilaya, dhaawacaya, gowracaya, qaraxyadana la beegsanaya.

Dhanka kale qarashaadka uu ku sheegay laaluush oo wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ay qaataan ma ahayn inuu ereyga laaluush adeegsado, waayo qof waliba waa uu ka dheregsan yahay dhibka, tasiilaad-la’aanta iyo mushaar-yarida ay ku shaqeeyaan wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala, qarashaadka ay ka qaataan dadka ay warbixinnada ka diyaarinayaana waa mid dadka wax laga qorayo sida mas’uuliyiinta iyo kuwa xafladaha qabsanaya ay wariyaha u gartaan si ay uga dhigtaan baabuur-raac ama biyo-cab, marka waxaa haboonayd in wariyuhu isweydiiyo inta uusan qalinka u qaadan qormada gefka ah maxaa u sabab ah oo ku xambaaraya in wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ay lacagtaas qaataan adiguba ma qaadatide, waxa weeye adigu lacag adag ayaad ku shaqeysaa oo waxaad ku sugan tahay oo aad ka howl gashaa waddan xuquuqda shaqaalaha laga dhowro iyo waddan horumarsan, balse ogow wariyeyaasha Soomaaliya ka howlgala ma helaan tasiilaad iyo mushaaraad ku filan, taasna waxaa ugu wacan dalka Soomaaliya oo aanay ka jirin kala dambeyn iyo tixgelin, qofkuna maba helo waxa uu xaqa u leeyahay, marka maadaama aysan helin wariyeyaasha Soomaaliya ka shaqeeya mushaaraad ku filan ama tixgelin gaar ahaaneed ma aha inaad ku aflagaadeyso kista baabuur raaca loo siiyo, waxaadna ogaataa haddii mushaar ku filan la siin lahaa inaysan qaateen waxa aad aad ku dacaayadeynayso.

Midda kale ogow mar waliba wariyeyaashu ma qaataan qarashaadkaas aad ku aflagaadeynayso, tusaale marka ay war ka diyaarinayaan, Madaxweyne la doortay ama Ra’iisul wasaare la magacaabay, wasiirro lagu dhawaaqay ama shil dhacay lacago ma qaataan oo waa war ay iyagu u baahan yihiin, sidoo kale marka ay war ka diyaarinayaan meel masiibo ka dhacday, sida dab kacay, dad la dilay ama la dhaawacay, dad barakacay oo dhibaateysan ama dad xaalad murugeysan ku sugan dadkaas lacag miyey ka qaataan?, jawaabtu waa iska caddahay oo waa maya, marka ogow warku waa mar aad adiga u baahan tahay iyo mar qofka laga diyaarinayo u baahan yahay, marka mas’uul doonaya in warkiisa la shaaciyo ama urur iyo xisbi doonaya in la buunbuuniyo iyagaaba diyaar la ah bixinta qarashaadkaas oo iyagana warkoodaa loo sii deynayaa, wariyeyaashuna waxay ka helaan bas raac, taasna ma aha xumaan haddii aan xumaan laga dhigeynin.

Marka weriye Jamaalow kolay gefkaada qaadan meyside waxaad ogaataa caan bixiddii aad ku doonaysay inaad wariyeyaasha saaxiibadaa ah aad ku kasbato way kaa fashilantay waxaadna ku sameysatay cadaawad saaxiibadaa ah, adiguna maalmo uun bay saxaafaddu ku sheegsheegaysaa, anaguna haddii aanu nahay wariyeyaasha Soomaaliyeed ee aad u geftay anagaa is raali-gelinayna, inta ogsoon dhibka aad ku shaqeynana way inoo garaabaysaa, adigana waxaan kuu arkaynaa wariye caan bixid doonayay oo fashilmay sabab kastaba hakugu xambaartee.

Qalinkii: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com


About the Author

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.