Published On: Tue, Oct 30th, 2012

Muranka Madaxda Dawladda, Yaa yiri isbedel baa dhacay. WQ: Bashiir Diraac

Yaa yiri ISBADAL baa dhacay? Yaayiri marxalad cusub baa la galay? Yaa yiri murankii waa laga gudbay? Yaa yiri Profyadanayaa wax tari kara? Yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? Yaa yiri is qabqabsigii baa idlaaday? Yaa yiri is maandhaafkii baa haray? Yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? Yaa yiri waxaa la gaaray bisayl siyaasadeed? Yaa yiri AL baa laga xoroobay? Yaa yiri … Yaa yiri… Yaa yiri….

Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay Maalinnimadii Talaadada ee 28-ka bsihii Agoosto, ee la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka mudane Jawaari, 10kii bishii Sebtembre, ee la doortay Madaxweyne Xasan Sheekhiyo 06-dii bishan lagu jiro, ee la magaacabay Mudane Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u gaystay kolleey kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush Timo yix ka jilic marisaa, Suujinadu inaysan qaadmayn ma moogi, balse, waxaan is leeyahay armaysan ka darayn “Cayri caymo ma diiddee!”

Si aan digasho loogu qaadan, bal aan soo reebo qayb aan is iri, marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray,Kacaankii Luggooyo ee maalmahan la xusayeyna u gaystay, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, illeen Duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale.

Marka aan afeeftaa dhiibto ka dib, haddaan maalin walba u joogno warin wax dhacay ama la sheegay, ee aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah in maalin walba ay nala soo gudboonaynso midda hadda taagan oo kale, maxaa yeelay hore ma aannaan eegin, haddana ma aannaan eegin, gadaalna ma aannaan eegin, hawtul hamag iyo hayaan aan hadaf lahayn.

Dunidaan isdaba mari

Majarahayku socotaa

Milicsiyo hummaag iyo

Saadaalyo muuqaal

Inaan meehaannawnaa

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!     

Ayaandarrada jirta baa ah, qormadu inay ku soo aadayso iyada oo wali ay socdaan mashxaradaha loo dhigayo kuwan is khilaafsan, waaba iga weydiin, ma mudan yihiin in loo alalaaso? Hadday taa haa, waa DHILAALKA DHAQANKA wax noogu hagaagi la’yihiin, illeen waxaanba u sacbinnaa wixii dhibkeena ah oo kaliya, haddiise ay maya tahay, maxaana keenay in loo sacbiyo?

Muruqeenna kala maqan

Muuqeenna kala jaban

Madmadowga badaniyo

Mugdiguna ku kala jiro

Maankeena maran iyo
miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Waxaa muran ugub ama curdun ah ka dhex taagan yahay Madaxeyane Xasan Sheekhiyo Wasiirka 1-aad Saacid, waxaa la isku mari la’yahay tirida Golaha Wasiirrada laga dhigayo, Sagaal ama Toban waxaa ku dhaggan Madaxweyne Xasan, oo dabcan loo qiilin karo, balse, aanan anigu wali arag qiil i qanciya ama lala soo shir tagi karo, ugu yaraan Shan iyo Toban ilaa Siddeen iyo Toban waxaa taagan Wasiirka koowaad Saacid, oo ah sida caqligu keenayo.

Inta aanan sii falanqayn, su’aalaha ugu waaweyn waxay yihiin: bil is lama joogine, goorma ayey is khilaafayaan? Miyeysan wax ku heshiin inta aysan dadka u caddayn inay wada shaqayn doonaan? Gaar ahaan, haddiiba ay ka go’nayd Madaxweyne Xasan inuu tirada Sagaal ama Toban meel marasho saw kuma habboonayn ama ma ahayn inuu inta uusan shaacin magacaabista Saacid shardi ahaan ugu xiro, si uusan caqabad ugala kulmin, anagana noo niyad dilin? Miyeysan ahayan niyad jab xun oo la billowday Xukuumadda Saacid? Su’aashuna noqonaysaa: imisa ayey sii jiri doontaa?

Marka laga soo tago yaa qumman yaa qaldan? Ma tahay xilli ay murmaan? Ma isla qaateen waqti ay isku qilaafaan? Ma wadaageen aragtiyo kala duwan ee ku addaan:

Nidaamka Beelaysiga “Federalka”

Sugiddaa ammaanka Dhismaha hayadaha dhaqaalaha

Dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka

La dagaallanka musuqmaasuqa

La dagaallanka  argagixisada

Dhismaha garsoorka iyo cadaaladda

Dhammaystirka dhismaha dawladda IWM?

Marka warcelinta weydiimaha la isku soo duubo, waxay wada noqonayaan waa “MAYA” haddana, maalmihii la magacaabay weydiimo taagnaa baa jiray oo dhacdadan oo kale  baajin lahaa inay dhacdo waa haddii la isweydiin lahaaye, sida aan hore la isugu weydiin bay iminka u maqan yihiin isla weydiimahan sare ku xusuni, marka laga reebo jawaabta iska cad ee ka imaan karta.

Anigaa masuul ka ah
Adigaa masruuf raba
Isagaa maciin u ah
Annagaa muqaawila
Idinkaan midnimo rabin!
Is maandhaafka jira iyo

Is mari waaga taagani

Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Koobidda tirida Golaha Wasiirrada soo socda, waxay qayb ka tahay dhammaystirka qaab dhismeedka Dawladda Soomaaliyeed, balse, taa macnaheedu ma ahan in tirada dhanba lagu soo koobo Sagaal ama Toban, kaba sii darane, ma ahan in Maxdaxweynuhu tira tobnaad ku taagnaado, haba ku taagnaadee, markii hore ayey u ekayd inuu Tarriiqad afka ka tolan ku taabto Ra’iisul Wasaaraha, waligeedba xilli aan la mudnayd ayaa afka la meermeershaa.

Marka laga soo tago Gobollada dalka ee maamulladu ka dhisan yihiiniyo kuwa aysan ka dhisnayn, haddaan Dawladdu Muqdisho talo ku lahayn Amisom la’aanteed, saw ma ahayn inay xoogga saarto sidii ay u badin lahayd ciidanka jaad walba uu yeelan karo, inta ay isku mashquulin lahayd tiraynta Golaha Wasiirrada? Alla maxaa la isku war la’ yahay!

Haddii aysan wali aragti ka haysan ama ku soo bandhigin sida laga yeelayo ciidanka Kenya ee waqtigii ay ka midka ahaayeen ciidanka Amisom ka dhacay, haddii aysan wali mawqif ka qaadan sida laga yeelayo deegannada Jubbooyinka, ee dhawaan Alshaabab isaga bexeen, ee aysan cidna ka qarsanayn damaca ku jira Kenya ee ku aaddan hadday noqoto maamulka deegaanka ama dhaqaale ahaanba.

Haddii aysan wali aragti ka haysan kuna soo jeedin sida laga yeelayo ciidanka Amisom qudhiisa, oo aysan wali caddayn xilliga uu baxayo iyo xitaa qaabka uu ku shaqaynayo, marka laga reebo in loo oggolaaday ka gadaallanka deeganno ka baxsan Muqdisho, haddii aysan wali soo bandhigin qaabka loo suugayo ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba, oo maalin walba lagu dilo waxgaardka Soomaaliyeed, ee isugu jira Saxafiyiin, Abwaanno, Fannaaniin, Odayaal, GanacsatoIQB, maxay is khilaafaan?

Dhanka kale, dawladda ma waxay u dhisan tahay in la isla wadaago mise in la is waydaarsho? Waxaan uga jeedaa, haddii Madaxweynuhu ku dhaggan yahay Sagaal ama Toban Wasiir, sidee ku dhacaysaa in beelo markii horaba gunuunuc qabay loo qanciyo? Kaba sii darane, haddii tiradu intaa dhaafi wayso waxay ka dhigan tahay Dawlad u dhisan inta dhisatay oo kaliya.

Haddii markii hore laga cawday in dawladdii hore ay saamayn ku lahaayeen niman la yiraa AALASHEEKH oo xitaa Mahiga mar xusay, middan marka laga soo tago saamaynta ay DAMJADIID ku leeyihiin, waxaysanba soo dhaafayn afarta la magacaabay iyo irridaha ay ku jiraan, maxaa yeelay dal laguma maamulo ANAA IRI IYO IMA DHAAFTO! Midda socotana waa taa oo kale, ee armay ka fiirsasho u baahan tahay kuna habboon tahay?.

Muran dawlad noqon waa
Madax noo samayn waa
Manhaj gaara noo diid
Hiddihii mudnaa iyo
In la mooso Dhaqankii
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Madaxweynuhu markuu tirada Sagaal ama Toban ku dhagayo, waxay ahayd  markuu magaalada Kampala ku qaabilayey madaxda Uganda iyo Kenya, inuusan iska soo fariisan ama iska soo istaagin goobtii uu ka dhacayey shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walbaa garabkiisa surnaa calankiisa, keennuse meesha ka maqnaa!

Maamul aan hoggaan qabin
Majarahii hagaayiyo
Marjicuu u laabtaa
Maankeena maran iyo
Miyirkeena maqan iyo

Maskax aan shaqaynayn
Miraheeda weeyaan!

Arrinta kale ee muhimka ah baa ah, dunida waxaa xeer u ah, marka mudane Guddoomiye ama MadaxXisbiku guulaysto xilka Madaxweynaha inuu iska casilo xilkii uu u yahay Xisbigaa, xaalka waddanka marka lagu dabbaqo, madaxweyne Xasan wuxuu Guddoomiye u ahaa Xisbiga Nabadda iyo HorumarkaPDP” walina lama hayo meel uu xilkaa ku wareejiyey sidii loogu shubay xilka Madaxnimada.

Dhanka kale, haddii wax lagu murmo ay jiraan waxaan dhihi lahaa waa dhaarin la’aanta Guddoonka Baarlamaanka, ee uu ugu horreeyo Mudane Jawaari, taa uu ka hadlay GuddoomiyahaMaxkamadda sareAvvocato CaydiidIlka Xanafisagoona waliba ka cawday arrintaa oo yiri: “Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku Xigeennadiisa ayaga ayaanba ahayn Sharci! Sababtoo ah ma dhaarin, sidaa darted, waxay ku joogaan Sharci daro!”.

Maarayn xumaataa
Mashaqiyo abaar iyo
Mawd wadara kaba daran!

Dhammaad.

F.G:Dhammaan tuducyada aan ku soo qaatay qormada, dhawaan ayey maanso dhammaystiran ku soo bixi doonaan.

 

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.