Published On: Mon, Nov 5th, 2012

Saynab Labo-dhagax oo magaalada Kampala si diiran loogu soo dhaweeyay, bandhig Fanneedna ka dhigeysa SAWIRO

Fanaanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Saynab Maxamed Xaaji (Saynab Labo Dhagax) ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda habeenka 5-ta bishan ka dhigaysa bandhig faneed ay ugu talo gashay in ay ku wacyigeliso bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.

Saynab Labo-dhagax oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2012 soo gaartay magaalada Kampala ayaa waxaa soo dhaweynteeda ka qeyb qaatay dadweyne aad u fara badan oo sitay sawirkeeda iyo caleemo qoyan iyo sidoo kale calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Fanaanadda oo aan ku booqanay Hotelka ay ka degtay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo lagu magacaabo Hotel Tagy ayaa waxaanu halkaas kula yeelanay wareysi kooban, waxayna sheegtay in ay ka timid magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaasoo iyada iyo Al-fannaan Axmed Naaji Sacad ay ku casuuntay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Fannaanadda Saynab Labo-dhagax waxa ay sheegtay in ay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay ku sameeyeen iyada iyo fannaanka Axmed Naaji Sacad heeso waddani ah oo lagu taageerayo dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Saynab Labo-dhagax waxa ay sheegtay in ay samaysay NGO la magac baxay International Art and Youth Intiative kaas oo lagu fulinayo mashruuc la magac baxay Partnership for Change, Empowering Youth Through Art oo loogu talo galay in lagu wacyigeliyo dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo 22-sano ku dhex jiray dagaalo sokeeye.

Saynab Labo-dhagax oo ah fannaanad heer qaran ayaa Hotelka ay Kampala ka degan tahay waxaa ku booqday oo ay kula kulantay mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Uganda, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan oo dhawaan soo gaaray dalka Uganda, madax ka tirsan Xisbiga nabadda iyo horumarka (PDP) ee Kampala oo ay ka socdeen Muuse Maxamed Cusmaan iyo Xuseen Ibraahin Nuur iyo dadweyne fara badan.

Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba Dhagax) waxa ay sheegtay in ay dhawaan tegi doonto magaalada Muqdisho oo ay dooneyso in ay ka hirgeliso NGO lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si loo dhaqan celiyo dhalinyarada, maskaxdoodana looga tir-tiro dagaallada sokeeye iyo waxyaabaha dhaqan xumada ah.

Fanaanada Saynab Labo-dhagax bishii Maarso ee sanadkan aynu ku jirno ayay tagtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, xilligaas oo ay Muqdisho geysay mucaawinooyin ay u qeybisay dadkii barakacayaasha ahaa ee ay saameeyeen abaarihii ka dhacay dalka Soomaaliya, waxayna fannaanada barakacayaashii ku sugnaa magaalada Muqdisho u qeybisay gargaar kala duwan oo isugu jiray Bariis, Caano, Timir, Saliid iyo Sokor, kuwaasoo ka maqsuuday deeqdaas ay fanaanada gacanteeda ugu qeybisay, iyagoo uga mahad celiyay fanaanada sida sharafta leh oo ay u maamuustay, waxayna illaah uga baryeen in fanaanada uu Ilaahay karaameeyo, maadaama ay sharaftay.

Fanaanadda Saynab Labo-dhagax ayaa xilligaas ugu baaqday fanaaniinta, abwaaniinta iyo dadka dibada jira in ay dalkooda yimaadaan iyadoo xustay in dalku uu nabad yahay, wuxuuna socdaalkeeda Muqdisho daahfur u yahay amniga ka jira Muqdisho iyo inay fannaaniinta kale tagaan caasimadda dalka.

Waxa wareystay: Caaqil Dalmar

caaqildalmar@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.