Published On: Thu, Nov 8th, 2012

Tartankii kubadda cagta ee is-dhex galka dhalinta da’da yar ee Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo oo la soo gabagabeeyay.

Waxaa garoonka ciyaaraha ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug lagu soo afmeeray tartankii kubadda cagta ee dhalinta da’da yar ee ka kala socday Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, kaasoo ay ka qayb galayeen 8eed kooxood, soona socday illaa iyo 13kii September dhamaadayna maanta oo taariikhdu tahay 6da bisha 11aad sanadka 2012.

Munaasabaddii tartan kubadeedkan lagu soo gabagabeynayay waxaa ka qayb galay gudoomiyayaasha dhalin-yarada iyo ciyaaraha ee labada maamul ee Puntland iyo Gal-mudug, iyo boqolaal qof oo daneeya ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta.

Ugu horayn waxaa munaasabada xiritaanka tartanka ka hadlay gudoomiyaha dhalin-yarada iyo cayaaraha gobolka Mudug ee Puntland C/hodan Cali Xasan (Dayax-Leef), gudoomiyaha ayaa mahad-celin ka dib waxaa uu si weyn ugu ammaanay kaalintii kooxaha ka qayb galay koobka ay ka qaateen is-dhex galka dhalin-yarada iyo sida wanaagsan ee ay u sameeyeen xiriirka walaaltinimo oo qota dheer, isagoo ku soo dhaweeyay garoonka Cawaale gudoomiyaha dhalin-yarada iyo ciyaaraha ee dhanka Gal-mudug Ayaanle C/dulaahi Ducaale, Ayaanle ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu ku odorasay mid qiimo weyn uu ugu fadhiyo dhamaan qaybihii soo abaabulay gaar ahaan gudoomiyaha tartanka C/qani Khaliif Carabey oo bil ka hor Tvga Universal qaybta ciyaaraha ay u garatay shakhsiga Sportska ee Soomaaliya sanadka.

Madaxa tartanka C/qani Khaliif (Carabeey) oo isaguna dhankiisa hadalo ku aadan munaasabada jeediyay ayaa tilmaamay inay tartankani u soo mareen marxalado kala gadisan kuwaasoo ay ku jiraan u dulqaadasho dhibo badan oo uu kala kulmay, maadaamaa la isku keenay dhalin-yaro fara badan, Carabeey ayaa xusay inay dhabarka u riteen caqabad kasta oo ka hor-timid hadana ay diyaar u yihiin inay sidii dadaalka hor-marka leh intaasi looga sii ballaarin lahaa.

”Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Mudane C/rashiid Xasan Xirsi (Baki) oo ku sugan dalka Canada, qayb weyna ka ah dhamaystirka koobkani”, Ayuu yiri Carabeey.

Gabagabadii xiritaanka koobka waxaa khadka taleefoonka kaga soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Mudane C/rashiid Xasan Xirsi (Baki), oo ahaa laf-dhabartii ciyaarihii gobolada dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe sanadkii 2010kii, kuwaasoo si weyn loogu xusuusan doono.

Baki ayaa ayaa dhalinta da’da yar ku baraarujiyay inay kor u sii qaadaan heerkooda ciyaareed, waxaa uu gudoomiyuhu tilmaamay inay farxada gaara isaga u tahay maadaamaa Cawaale Stadium ay ku kulmeen labo kooxood oo ka socda Koonfurta Gaalkacyo, taasoo uu sheegay inuu ku dhashay xaafadda Hormar oo labadani kooxood e Finalka isku yimid ay ka socdeen, waxaana uu ku micneeyay arintaas inay tahay mid taariikhiya, Baki ayaa sheegay inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada ciyaaraha meel walboo uu ka jiro hannaan Sports maadaamaa uu huwan yahay magaca Soomaali oo dhan.

Waxaa tartankan oo ay isku soo baxeen kooxaha kala ah Topaz iyo Sohdo oo ciyaartoodu ay ahayd mid soo jiidatay indhaha daawadayaashii garoonka yimid, ugu danbeyntii guusha ay ku raacday oo koobka la hoyatay kooxda Topaz ka dib markii 5 – 4 lug ku laad lagu kala baxay.

Tartankan ayaa ku dhamaaday jawi dagan, iyadoo qaban-qaabiyaha tartankana uu ballan qaaday inuu sii wadi doono qabashada koobab noocaan oo kalaa si ay dhalintu is-dhex gal u samayso, cid walboo gacan ka gayanaysana uu soo dhawaynayo, iyagoo la soo xiriiriyo Addresyada hoos ku qoran.

Email; Cabdiqani0903@gmail.com

Tell    ; 0025290 621638


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.