Published On: Wed, Nov 21st, 2012

Soonka Muxaram Waa Fursad Q:1aad WQ: Calinuur Xoogsade

Mohamed. SCW
Bilaha 12ka ah ee aan tirsano hadii aan nahay Muslimiin waxaa ugu horeeya Muxaram oo ah mid ka mid ah Afar bilood oo si gaar ah Xurmad u leh, bishaan Muxaram waa waxaa la jeedeeyaa in la Soomo maadaama uu Nabigeena Suuban Nabad iyo Naxariis Korkiisa Allaha yeelee Soomay Maalinta Tobanaad asagoo ku faraxsanaa Xasuusta Munaasabadii Nabi Muuse iyo Qoomkiisii lagu badbaadiyay lagauna halaagay Fircoonkii Kibarka badnaa.

Taariikhda Soonka Muxaram

Sida ku Cad Axaadiista Bukhaari iyo Muslim Soonka Muxaram waxaa uu bilaawday markii ay Muslimiinta Magaalada Madiiinah usoo Hijroodeen ka dib, markii Nabiga Nabad iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee uu arkay Yuahuudii Madiinah oo Sooman ayuu weydiiyay Sababta ay Maalinkaas u Soomayaan? Waxa ayna ku yiraahdeen: waa Maalin Wanaagsan, waa Maalinkii uu Alllaah ka badbaadiyay Israaaiiliyiinta cadawgoodii Fircoon, Nabi Muusana wuu soomay , markaa ayuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee ugu Jawaabay: {Muuse anaa Idinka Xaq badan} wuuna soomay Maalinkaas in la Soomo ayuuna Muslimiinta Faray, waxa uuna ku yiri: {Idinkaa Muuse Yuhuuda uga Xaq badan ee Sooma}. sidaas ayuu ku bilaawday Soonka Caashuuraa taariikh ahaan.

Saxaabada qaar ayaa Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee ku yiri:Caashuuraa way Xormeeyaan Yuhuuda iyo Nasaaradaba waa weyneeyaan, waxaa uuna ku yiri: {Hadii aan Sanadka dambe la gaaro Sagaalkana waan Soomi doonaa} hase yeeshee Nabiga ma gaarin sanadkii xigay oo ka hor ayuu geeriyooday.

Sidaa darteed waxa ay yiraahdeen Imaamu Shaaciy iyo Asxaabtiisa, iyo Imaamu Axmad iyo Isxaaq iyo Culimo kalaba :[waxaa suna ah in Sagaalka lala Soomo Tobanka Muxaram].

Xikmada ku jirta in Sagaalka lala Soomo Tobanka Muxaram

Imaamu Nawawi waxa uu yiri: [Culimada waxa ay Sheegeen..: ula jeedada Sagaalka loo soomo waa ulo jeedooyin kala duwan: Marka koowaad waa in Yuhuuda lagu qilaafo maadama ay Tobanka kaliya Soomaan, …waxaana uuna sheegay Xikmado kale…. ]

Xikmadaas  ah in la qilaafo Yuhuuda ayaa ugu weyn sababta ugu weyn ee Sagaalaadka loo raaciyanayo, sidaa darteed ayuu Ibnu Teymiyah yiri: [Rasuulka waxa uu reebay Axaadiid fara badan in la isku ekeysiiyo Ahlu Kitaabka, ….waxaana  ka mid ah hadlkii Nabiga ee ahaa: {Hadaan noolaado ilaa Sanadka xiga sagaalka Muxaramna waan Soomi  doonaa}] waxaa uuna sidaas ku qoray Kitaabkiisa Fataawiga ah ee weyn Mujalada Lixaad.

 

Tobanka kaliya waa la Soomi karaa

Marka waxaa haboon in la isla wada soomo Sagaalka iyo Tobanka Muxaram, hadiise ay dhacdo ruux inuu soomo Tobanka kaliya waa u Banaan tahay Ajarkii iyo Fadliga Soonkana Caashuuraana wuu helayaa, in leys raaciyana ugu fiican sida aan horey usoo sheegnay.

Ibnu Teymiyah waxa uu leeyahay: [Soonka Caashuuraa waxaa  uu kafaaro u yahay hal sano, karaahina ma aha in kaligiis la soomo] Fataawaha weyn Mujaladka 5aad.

Kitaabka la yiraahdo Tuxfatul-Muxtaaj ee uu qoray Ibnu xajaar Al-heythami waxaa ku qoran: [Caashuuraa in kaligiis la Soomaa dhib malaha] Juzka Sadaxaad Qeybta Soonka Sunaha looga hadlay ayuu kaga qoran yahay.

Caashuuraa Sabti ama Jimco Xataa waa la Soomi karaa

Imaamu Dhaxaawi waxa uu yiri: [Rasuulka Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee waxa uu idmay in la Soomo Caashuuraa si gaar ah ayuuna u Cadeeyay, mana dhihin Caashuuraa hadii uu Sabti noqdo ha Soomina, arintaas waxa ay Daliil u tahay Maalmaha oo dhan in Soonka Caashuuraa soo gali karo...] Mushkilul-Aathaar Juzka 2aad Qeybta Soonka Sabtiga.

Fadliga Soonka Muxaram:

Imaamu-Bukhaari waxaa ku Qoray Kitaabkiisa Inuu Ibnu Cabaas Alaha ka raali noqdee yiri: [Ma arkin Rasuulka Allaah oo ku dadaala Maalin Soomitaankeed  asagoo Maalinkaas ka Fadilo Maalmaha kale marka laga reebo Maalinta Tobanaad ee Muxaram iyo Soonka Bishaan Muxaram].

Imaamu-Muslimna waxaa uu ku wariyay Kitaabkiisa inuu Nabiga nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee yiri: {Waxaan Soonka Caashuuraa Illaah uga arajeynayaa inuu Dembiga ku dhaafo Sanadkii ka horeeyay}.

Imaamu Nawawi waxaa ku yiri Kitaabkiis Almajmuuc: [.. Asxaabteena waxa ay yiraahdeen: Caashuuraa waa Maalinta Tobanaad ee Bisha Muxaram, Taasuucaana waa Maalinta Sagaalaad ee Bisha Muxaram sidaas ayaa Mad-habkeenu Qabaa, waxaa kaloo Sidaa Qaba Jumhuurta Cilimada Muslimiinta..]

Imaamu Ibnu Qudaama waxa uu asagana yiri: [Caashuuraa waa Maalinta Tobanaad ee Muxaram sidaas waxaa qaba Saciid Ibnu Musayib iyo Xasal-Bisri maadama maadama la wariyo Ibnu Cabaad inuu yiri: [Rasuuka Allaah-Nabad iyo Naxariis korkiisa Alha yeelee- waxa uu amray Caashuuraa in la Soomo ee ah Tobanka Bisha Muxaram] Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay, waxa uuna yiri Waa Xadiis Xasan oo saxiixna ah.].

Dambiyada lagu Dhaafo Soonka Muxaram

Soonka Muxaram waxaa lagu helaa Dembi dhaaf gaarasiisan sanadkii tagaya Dembiyadii la galay marka la yiraah waxaa muhiim ah in la cadeeyo nooca Dembiyada lagu dhaafo Soonka Caashuuraa si aan si aldan loogu fahmin Nusuusta Fadliga lagu Yaboohay.

Imaamu Nawawi waxa uu yiri: [waxaa lagu dhaafaa Dembiyada yaryar oo dhan ayadoo aysan ku jirin kuwa Kabaairta ah..].

Imaamu Nawawi waxaa sii raaciyay hadalkiisa hore i: [.. Hadii ruuxa uusan laheyn Dembi yar iyo Dembi weyn toona waxaa loogu qoraa Ajaro ahaan, waxaana lagu koryeelaa darajooyin , hadiise uu ku dhcay Dembiyo waa weyn ama Dembi weyn mid yarna uusan laheyn waxaan rajeyneynaa in Dembiyada waa weyn looga qafiifiyo] Kitaabka Majmuuca Juzka 6aad

Ibnu Teymiyahna waxa uu yiri: [Dembi dhaafka lagu helo Weesada , Salaadaha, Soonka Ramadaanka, Soonka Carafo, Caashuuraa waa Dembiyada yaryar kalaiya] Fawaaha weyn Juzka 5aad.

Illaah hanaga dhigo kuwa Demniyadooda laga dhaafo kana faaiideesta Munaasabaadka kheyrka ee Maalin Bil iyo Sanad kastaba ku dhex jira Aamiin Aaamiin Aamiin 05/Muxaram/1433.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.