Published On: Wed, Nov 28th, 2012

SAFARKEYGII SOMALIYA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY (Qeybtii 3-aad)

SAFARKEEYGII HARGEEYSA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY!

“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii  hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee loo yaqaano Somaliland.

Inkastoo aan dano kaloo gaar ah u tagay, hadana aad ayaan u xiiseeynayey in aan indhaheeyga kusoo arko, sifiicanna bal usoo indha indheeyo, si aan u kala saaro xaqiiqda iyo wixii kasoo hara. Nasiib wanaag!Waxaan kala soo noqdey in badan oo badashey fikradii aan markii hore ka heystey, badalina doonta tan eey dadbadani ka heystaan, waxaana jecleeystey in aan aqristayaasha la wadaago, waana tan ee kusoo dhowaada.

Aan ku bilaabo’e, maadaama Airport-ga Hargeeysa uu dhismo ku socdey markii aan gobollada waqooyi tagayey, waxaan ka dagay Airport-ga Barbara, oo xaqiiqdii kuleylkeeda heerka uu gaarsiisanyahay uu ii dhinnaaba. Mid saaxiibkeey ah oo ila socdey ayaa wuxuu iiga qosliyey maanlintaa, anigoo kuleyl dartii la yaaban,wuxuu igu yiri, “War Cabdiboqorow maxaa la inoo yiri  Cilmi Boodhari jaceylbaa diley, war waa nin uu kuleyl dilaye kawaran!”.

Waxyaabaha aan horey usii maqley, Airport-ga Berberana aan kula kulmey waxaa ka mid ahaa, in eey ka jiraan laba saf. Midka muwaadiniinta iyo kan Ajaanibta. Hadii aad wadato Passport-gii Soomaaliyeed ee hore, ee cagaarnaa, waxaad galeeysaa safka “Muwadiniinta”, waxaana galida Somaliland iyo ka bixideedaba lagaa kala qaadayaa min $10/=  oo canshuur ah,  ama Gobollada Waqooyi u dhalo ama Koonfur ka imoow, waa isku mid. Hadiise aad wadato Passport-ga cusub ee E-Passport-ga, balse Gobollada Waqooyi looga yaqaano “Passport-gii C/llaahi Yuusuf”, waxaad galeeysaa safka “Ajaanibta”, oo waxaad isku saftihiin kuwa wata passport-yada dowladaha kalee shisheeye. lacagtana wey kugu kordheeysaa, oo waxaa lagaa qaadayaa, min $40+ marka aad galeyso iyo marka aad ka baxeyso Somaliland intaba, meeshii aad rabtaba u dhalo’e. Sababta arintan marka aan xuuraansadeyna, waxaa la igu yiri, Passport-ga cagaaran wuu “Inaga dhaxeeyaa”, Midkanse dowladii C/llaahi Yuusuf baa keensadey. Su’aashu waxeey tahay, yaa bixinaya marka-Waa inta dantu kasoo gashee- lacag $90/= ku dhow, isagoo heli kara in uu $20/= bixiyo? Waxaana arintan sii fududeeyey, oo dadkuna eey  sameeyaan, in  Airport-ga caalamiga ah ee Aadan Cade, horey usoo maraan, ayey lacag $15/=ahna kusoo sameeystaan passport-kii cagaarnaa,kaasoo inta aad taagantahayba laguu kala tuurayo, hadiiba sawirada iyo lacagtu kaa diyaar yihiin.Wareerba haku daayo!

Waxyaabaha igu cusbaa waxaa ka mid ah, marka Airport-ga Barbara aad banaanka uga soo baxdo, waxaa boorsooyinkaada kala dafaya Xamaaliyaal, mana ka kartid war boorsada ii daa, Baska aad hoosta ka taagantahay ayuu dushiisa ku tuurayaa, kadiba horey ayuu kaa leeyahay, “War iinoo  dhiib kuu xamaalnaye!” Oo anigaaba saarankaraye inteed ula ordeysey, subxaankee, War cusub!

Marka aan soo dhaqaajinney, waxaan soo marney wadada Dheer ee Barbara iyo Hargeeysa isku xirta, tasoo ah -Inta aan arkey-wadada kaliya ee si wanaagsan u dhisan. Nasiib darro! Inta aad ku socoto, waxaad ka argagaxeeysaa tirada baaburta ah ee ku gadoontey/qalibmatey, ee wadada dhinacyadeeda isku wada buusbuusmey, sababtuna waa darawallada oo Maan-Dooriyaha Qaadka aad isaga badiya, gawaaridana God, Tog iyo Dalcad toona aanan ka qabaneeynin darteed, waloow dadka qaarna leeyihiin wadadaa ayaa Jinniyo iyo wax la mid ah laguba xantaa.

Waxaad Buuraleey iyo dhul geedo gaagaaban leh soo dhexmartabe, marka aad Hargeeysa kusoo dhawaato ayaa cimillada hawada isbadalayaan, oo kulleeylkii aadka u darnaa ee Barbara ka baxeeysaa. Nasiib darrose! Hargeeysana waa meel aan dhaxanta kula yaabey. Dadka weey iskala qabsadeen, balse aniga oo ku cusbaa intii aan is lahaa Xarakoo, oo Shaar isku taag, ayaan Burunkiito ka qaadi gaarey, waloow dhaxantu aaney xad kabax u aheyn sidii Kuleeylkii Barbara, hadana waa xoogaa Nin dhalinyara ah oo Xaniintiisu qac leedahay, uu dareemayo, odeyna warkiisa daa.

Waxyaabaha igu cusbaa, oo aan sida gaarka ah ula yaabey, waxaa ka mid ahaa, in Magaalada Hargeeysa loo kala daganyahay Reer-Reer ama lookala badanyahay, oo reerbaa ku tilmaaman meelkasta.Waxaad maqleeysaa “Daanta Reer hebel iyo Daanta reer hebel”, marka laga reebo xabad-xabad iska Dool ah, ama Gobollada kale ee Soomaaliya ka yimi, iskana dhexdaga meelkasta.

Waxyaabaha Hargeeysa eey caanka ku tahay, balse aniga igu cusbaa ayaa sidoo kale waxeey ahaayeen, in dhulkeeda oo dhami wada Dhagax yahay, waxaaba looga yaqaanaa Hargeeysa “Miskiin kalkaale”, micnaha hadii dagaal uu meel kugu qabsado, waad haabaneeysaa oo kaliya. Dhibkiisa ayaase wuxuu yahay, waa kan isdagaalka Xaafadahasiina fududeeya. Waxaa iska caadi ah in dhagax meel uu ka yimid aadan garaneyn, uu guriga kuugu soo galo ama dusha uga soo dhoco, gaar ahaan habeenkii, hadii qof reerka ka mid ah uu ku daqramana waa yeelkii.

Waxyaabaha sida gaarka ah iiga yaabiyey, oo aanan ka filaneyn Hargeeysa, oo caasimdii Somaliland ah, waliba mudana 20+Sano nabad heysatey, ayaa ah in wadooyinkeeda oo dhami aad u burbursanyihiin, xitaa tan hormarta Madaxtooyada oo magaalada gudaheeda ku taala.Dhamaan waa bohollo, iyo karakeeyshan.Roobka marka uu da’ana waxaad soo xasuusaneeysaa, Suuqa Bakaaraha oo uu Roob ku da’ay.Dhiiqada, Dacda ureeysa ee wadada dhex ceeygaagta darteed.Maxaa loo dhisi waayey ayaan dadka weydiiyey, maadaama mudo Somaliland nabad aheyd, waxeey dadka kudhahayaan, Musuqmaasuq maamulka ragaadiyey iyo Qaad ama Qayilaad darteed, ayaan cidiba dhiseyn.Waxeey kuugu sii darayaan, Musuqmaasuqa marka laga soo tago, waqti yar ayaa xafiisyada dowlada laga shaqeeyaa, inta badanna Qayilaad ayaa loo fadhiyaaa,ummadana waa iska wada fuqaro, oo ninnkii meel loo dhiibaba inta aan laga qaadin ayuu is leeyahay, war xoogaa aad kusii noolaato meesha kala hadh, Maxaa wax la dhisaa marka! Waxeey dadku isweydiinkaraan maxeey tahay sababta kooxda la yirhaado “The UN’s Somalia Monitoring Groupoo uu badaxda u yahay ninka la yiraahdo “Matthew Bryden” eey warbixino la mid ah tan eey Madaxda Xamar joogtaahi sida joogtada ah uga qorta, eey uga qori weysey?Waxaadse ogaataa in madaxa hey’adaasi uu madax u yahay Matthew Brydenoo ah nin aaminsan kala goyngoynta dalka Soomaaliya, waa ninka ku faana in uu sito passport Somaliland ah, waa nin Xaakiisuna oo dhowr cunug u heysaahi eey kasoo jeeda  gobollada waqooyi-Somalilandee Soomaalida.Ninkani wuxuu ka tirsanyahay koox la yiraahdo “ The Somaliland International Recognition Group”, oo ah koox dacallada caalamka si joogta ah uga ololeeysa in Somaliland laga jaro Soomaaliya!Nadiib darro!Madaxda Soomaliya wali uma eeysan tilaaboqaadin sidii isaga iyo kuwa la midka ahba eey meel cad ummada uga saaro laheyd.Fadlan si aad wax uga ogaato ninkan madaxda ka ah hey’adaa muhiimka gaarka ah u leh Soomaaliya, lifaaqyada hoose kasii aqri(2 & 3).

Dhinaca kale waxaad si aad ah ula dhaceeysaa hantida gaarka loo leeyahay, iyo  sida eey u kobacdey, oo bilicda magaaladana eey u hormarisey, gaar ahaan dhismayaasha Hotellada oo eey ugu caansanyihiin Hotel Mansoor, iyo Hotel Ambassador, dabcan hotella kaloo aad u waanaagsanna weey jiraan. Marka aad tagto ma maleyn kareeysid Cadaanka dhooban iyo kuwa soo dagaya.Qaar hey’ado ayaan u shaqeeynaa ayey leeyihiin.Qaar suxufiyiin ayaan nahay ayey leeyihiin.Waa hubaal in inbadan oo Jawaasiis caalami ahi ama waxyaabo kale u yimidna eey ka buuxaan. Waxa bilicda magaalada sii biley waxaa ka mid ah: Dhismayaasha Shirkadaha gaar ahaan sida:kuwa Isgaarsiinta iyo Baararka. Magaalada oo Dadka u dhashey aad ugu soo laabanayaan darteed, ayaa waxaa kasii sameysmaya Xaafado cusub, gaar ahaan  kuwo eey dagaan dadka dhaqaalaha leh ama ganacasto ha ahaadeen, ama Dad mudo Qurbo-Joog soo ahaa.Xaafadahaas oo aad ka garankarto naqshadaha guryaha iyo nuucyada gawaarida intaba.Waxeey sidoo kale magaaladu leedahay goobo dhowr ah, oo ah nuucyada kala duwan ee waxbarasho. Jaamacadaha ka furwan waxaa ugu caansan: Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Hargeeysa, dabcan kuwo kalana weey jiraan oo isku soo wada xigxiga.

Xaafadaha magaalada Hargeeysa waxaa dhexmara, Togag Biyo-Mareeno ah, oo marka uu roob da’o magaalada biyaha ku wada fataha. Baabuurtana aad ugu rafaado marka eey wadooyinka xaafadaha qaarkood goynayaan, Waxaa ku filnaan laheyd Buundo yaroo aad u gaaban, oo meelaha togaga magaalada dhex maraahi lasaaro,ama siyaabo kaloo uga haboon loo xalliyo, mase jirto cid howshaa u kacdey illaa iyo hada.  Nasiib darro! Wixii eey dowladi qaban laheyd ayaa magaalada ugu liita, Marka laga reebo dhinaca nabada.

Waxyaabaha kaloo igu cusbaa, ayaa ahaa Goobaha tirada badan ee ganacsi ee Ethiopian-ku ku leeyihiin gudaha Hargeeysa, oo waliba calanka Ethiopia ku sawiranyahay ama ka babanayo. Waxaa sidoo kale la iigu waramey in guryaha badanaaba iyaga eey ka shaqeeyaan iyo gooba badanoo  ganacsi sida: Hotellada. Waa hubaal in Dowlada Ethiopia wax badan ka warqabto.

Waxyaabaha muhiimka ah waxaa ka mid ah, sida magaalada eey u daadsanyihiin ciidamada BS-ta ee Sirdoonka.Ethiopian-kuna dabcan qeybta ugu weyn ayey ku leeyihiin, oo waxaa uga furan meesha wax eey safaarad ku sheegaan-Ileyn ma aqoonsana Somaliland’e-.Waxaa odayaal ii sheegeen in Saraakiin waaweyn eey ka howlgalaan gudaha Hargeeyga, shabakadana u daadsanyihiin dhamaan gobollada Waqooyi ee Soomaaliya. Waxaan la yaabey markii saaxiibkey igu waaniyey in aanan kaligey Hotel iska dagin, oo aan Guri family ah dago,  sababta oo ah buu yiri, “Ma rabo in eey kugu dhacaan wixii aniga igu dhahay, oo aheyd in hotelkii anigoo indha ka duuban la igala baxay, nasiib wanaagse! Nimanka shirkada aan la shaqeeynayey, ayey arintii gaartey, oo isoo samatabixiyey”.

Magaalada waxeey leedahay Goobo badan oo caafimaadeed, waxaase ugu roon isbitaalka weyn ee Adna (Edna Adan Maternity Hospital), oo dhinaca Dhaliinka haweenka si gaar ah loogu Ammaano, Adna waa Xaaskii uu ka geeriyoodey (Allaha u naxariistee) Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Nasiib darro! Marwo Adna aad ayey Xagjir ugu tahay, xaqiiqdiina ugu talax tagtey, uguna dhardhigatey xumaan isaga sheegida Ummada walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koofur, oo hade waxkastoo xun ku sheegta guud ahaanba walaalaha Koonfureed, iyadoo waxyaabaha qaarkoodna aaney afkaba ku habooneyn Akhlaaqiyan iyo dadnimo ahaan intaba.Waxaa kawada marqaati kacay Indheer-Garadkii daawadey Qudbadii eey ka jeedisey Shirkii Biljam, ee nasiibdarrada aheyd(lifaaqa 1-aad ee hoose ka daawo Video-ga qudbadaa). Xaqiiqdiina mararka qaar ayaan is iraahdaa, waxaaba dhaama, Feeysal Cali Waraabe oo Xagjirnimo dhinaca kala goywnta dalka iyo naceyb abuurka lagu sheego.

Marka laga hadlayo dhinaca Qadiyada Gooni isutaagaSomaliland –Ama kala Jarida dalka-Dadka waqooyi joogaahi, waxeey ugu kala qeybsanyihiin laba qeeybood- waa dadka aan siyaasiyiinta aheeyne- A-Da’yarta soo koreeysa. iyo  B-Dadka waaweyn. A-Dhinaca dadka da’yarta ah, guud ahaan kuwa Qurbaha laga soo celiyey, gaar ahaan kuwa Ciyaal-Casiirka ah, aad ayey ula xamaasadeeysanyihiin Gooni isutaagaSomaliland.Programing joogta ah oo siyaasiyiinta eey ku hayaan darteed. Waxaana ka dhaadhacsan Reer Koofur oo dhan: Rag iyo Dumar, Caamo iyo Culimo, Sheikh iyo Shaab waxba isma dhaamaan, oo waa Umulo-Dooxyo, Marras iyo Maato leys ah. Waa kuwii ina xasuuqey oo waa wada Cadow. Kuwa Gooni-isutaaga kasoo horjeedana, waxeey raali ka yihiin dhibkii ina gaarey. B-Balse dhinaca kale; Dadka waaweyn waxeey ku leeyihiin, dhibka waxaa geystey Regime-kii Maxamed Siyaad Barre, oo Soomaali oo dhami ka wada tirsaneyd, oo waliba ragii ugu sareeyey qaar ka mid ah eey Waqooyiga kasoo jeedeen. Ragaasi waxaa ka mid ahaa: Sareege Gaas Xuseen Kulmiye Afrax, waxaa sidoo kale ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Faarax oo ka tirsanaa Gudigii siyaasada ee Golihii dhere ee Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo waliba geeridiisi kadid lagu aasey Hargeeysa kadib burburkii Dowladii Siyaad Barre, waliba isagoo “Geesi Qaran ah!”.Xaqiiqduna waxeey tahay, wuxuu regime-kaa ahaadaba Ummada Soomaaliyeed oo dhan ayaa la dagaashey, Koofur iyo Waqooyiba. Nasiibdarro! Kadibna iyadii dhexdeedaa is leeysey. Waxeey ila tahay in kala goynta dalka eey ka fududahay in Ummadu is cafiso, wixii xukun dowladeed ahna si cadaaladi ku jirto loogu wada heshiiso, Xaqiiqdiina waa waxa caalamku ina lahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafey. Wax aaney Waqooyi Koofur uga baahneyna, Koofur ugama baahna waqooyi, iyadoo la wada ogyahay in Koofuri tahay meesha Wabiyada dalku wada maraan, tahayna meesha dalku ugu kheeyraadka badanyahay. Waxaase maragmadoonto ah in shacab dhan oo walaalo ah aanu mudneyn in Jiil dhan loo cuqdadeeyo, oo dhaqaale, waqti iyo Juhdi intaa la egi la galiyo, ee ilaahoow Xamar nabad inooga dhig, iyadaa Hantideenii  maguurtada aheydi taallaaye, waxkastaahina meeshaan waa qaali, marka loo eego Muqdisho’e.

Gabagabo/Gunaanad

Nasiib wanaag! Dadka Koofureed guud ahaan sida Dadka waaweyn ee walaalaha waqooyiba aaminsanyihiin, waxeey ka xunyihiin wixii ku dhacay walaalahooda Waqooyi.Waxeey ka tiiraanyoodaan dhibkii eey gaarsiisey Dowladii Milateriga walaalihii waqooyi ee Midnimadi Ummadeena salka u ahaa, ee iyagoo Dal gooni ah noqonkara, ka doorbidey in eey walaalahood la midoobaan, hal dalna wada dhistaan.Marka eey walaalaha Koofureed diidanyihiin kala Goynta dalkana, ma aha in eey Xasuuq shacab ogolyihiine, eey tahay oo kaliya garashada in dadku walaalo wadayihiin dantooduna ku wada jirto midnimadooda iyo isku duubnidooda, ileyn horaa waxaa loo yiri, “Gacmo wadajirbey wax ku gooyaane”.Wixii Dulmi Kursi ama Kheyraad ah ee dhacayna, walaaluhu weey isaga garaabikaraan, isna xaqsoori karaan, waase in sidaa la isula fahmo, inta cadowgu midba gaar u didsanlahaa, oo uu yuubanlahaa. Marka aadse aragto Siyaasiyiin markii hore Qadiyada Gooni isutaaga meelkasta la taagnaa, oo inta Muqdisho iska xaadiriya xilal kasoo qabta, ee hadana Hargeysa xilal kale ka qabanaya, sida: Mudane: Maxamuud Cabdullahi Jaamac,“Sifir”, iyo Marwo: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, iyo kuwo kaloo la mid ahaaba, waxaad dareemeeysaa nuxurka meesha Ummaduba dhab ahaan kala joogto, siyaasiyiinta ayaa dano jago/Kursi u waalaya maahane.

 

“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com

Lifaaq

1-Shirkii Belgium iyo Qudbadii Adna: http://www.youtube.com/watch?v=SihG_cQCZg4

2-http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden

3-http://dissidentnation.com/who-is-matt-bryden/


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.