Xukuumada Falastiin oo loo ogolaaday in ay xubin joogta ah ka noqoto gollaha amaanka QM
New York : HN : Gollaha amaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku golaaday in xukuumada Falastiin xubin joogta ah ka noqonto gollaha amaanka QM kadib fadhi ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Waxaa ogolaaday oo codadkooda siiyay 130 dal oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee gollaha amaanka, kuwaasoo sheegay in ay Falastiin xaq u leedahay helista xubin joogta ah oo ka tirsan gollaha amaanka.
Laakiin waxaa jira wadamo ka soo horjeestay arintaa oo ay ka mid yihiin Israel, Britain, Canada , Germany. Czech Republic, the Marshall Islands iyo Panama.
Sidoo kale waxaa iyaguna ka aaamusay oo aan wax cod ah dhiiban 41- dal, laakiin xubnaha taageeray Falastiin in ay ka hesho xubinnimo joogta ah gollaha amaanka dalka Faransiis-ka oo ka mid ah dowladdaha waaweyn ee qeybta ka ah gollaha amaanka.
Soomaaliya ayaa ka mid aheyd xubnaha u codeeyay in Falastiin ay ka mid noqoto gollaha amaanka sida uu sheegay Cumar Jamaal oo ka tirsan safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka.
Madaxweynaha maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas oo hadlaayay markiii codka loo qaaday Falastiin ayaa sheegaya in uu ku faraxsan yahay tallaabada ay qaadeen waddamada ku jiray golaha loo dhan yahay.
“Waxan hubaa Falastiin in ay caawa guuleesatay.” Ayuu yiri Cabaas.
Arrintan ayaa timid iyadoo toddobaad ka hor marinka Gaza uu ka dhacay dagaal u dhexeeya kooxaha Xamaas iyo dowladda Israel, dagaalkaas ayaa markii is-taagay kaddib markii labada dhinac loo diray codsiyo ku aadan in dagaalka ay joojiyaan.
Hiiraan Net.


















