Published On: Wed, Dec 5th, 2012

Waa sidee xaalada B/weyne kadib imaashiyahii ciidamada Jabuuti. Warbixin

B/weyne: Waxay ahayd Dec. 2011 waa sanad ka hore markii ciidamada Itoobiya iyo kuwii markaa watay magacii maamulka Dooxada Shabeele aay gacanta ku dhigeen magaalada xarunta u ah gobolka Hiiraan ee B/weyne.

Markii aay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Somalidu aay qabsadeen magaalada B/weyne waxaa ka dhacay qaraxyo iyo dilal joogto ah, taasoo markii dambe magaaladu aay gashay bandow joogto ah socodka shacabkuna uu ku soo koobmay saacadaha subaxdii 10,00 ilaa 17,00 iyadoo dadka laga mamnuucay inay socdaan xilagaa wixii ka baxsan.

Bandowga la geliyey magaalada ayaa wuxuu dadka shacabkaa ku noqday dhibaato iyo culaab maadaama ganacsigii iyo isku socodkii uu hakad weyn galay, naftooduna aay mararka qaar halis gasho, waxaase wax badani is bedeleen markii ciidamada ka socday dalka Jabuuti la keenay magaalada B/weyne, ciidmada Jabuuti ayaa iyagu bilaabay inay dadka dhex galaan la sheekeystaan, ciidamadan ayaa xitaa markey adeeganayaan ama biyaha aay dhaansanayaan sameynin wixii looga bartay ciidamada Itoobiya ee ahaa in wadooyinka dhan aay xirtaan wixii dhaqaaqana xoog ku kala kexeeyaan, xitaa bandowgii saarnaa magaalada inkastoo aan si cad loo qaadin hadana dadku weey socdaan xiliyadii bandowgu magaalada saarnaa iyagoon wax baqdin ah qabin.

Ciidamada Jabuuti ayaa dhawaan waxay tababar siiyeen ciidmada deegaanka ah 00 ku dhow 100-askari kuwaas oo si toosa u hoos taga maamulka AMISOM ee aay hormuudka ka yihiin ciidamada dowlada Jabuuti iyo maamulka gobolka, ciidamada la soo tababaray ayaa waxaa la sheegayaa in aay roondo joogto ah ka hayaan magaalada iyadoo la dareemayo in aay leeyihiin akhlaaq wanaagsan iyo dishibiliin, waxaa hada xareysan ciidamo kale oo gaaraya 150 askari hadii ciidamadaa soo dhameystaan tababarka ayaa waxaa la rumeysan yahay in magaalada B/weyne yeelan doonto ciidamo deegaanka oo ku filan lehna tayo iyo tababar.

Dhinaca kale ciidamada Jabuuti iyo maamulka gobolka ayaa waxaa ka dhex jira isfaham weyn, iyadoo mararka qaar aad is leedahay wax u kala soocanba ma jiraan, wadashaqeyntooda ayaana si toosa looga dareemi karaa , ciidamada Jabuuti ayaa sameystay kalsoonida shacabka magaalada B/weyne iyadoo dadku aad u soo dhaweeyeen joogitaankooda magaalada, shacabka qaar ayaa qaba in ciidamada Jabuuti aay uga dhow yihiin kuwa Somalida hadii laga eego hab dhaqanka iyo walaaltinimada.

Waxaa iyadana xusid mudan sidii ciidamada Jabuuti aay uga qeyb qaateen fatahaadii ka dhacday magaalada B/weyne taasoo dad badani ku naf waayeen kuwo kalana ku hanti iyo hooy beeleen, iyagoo macaawino intii tabartooda ka geystay.

Ciidamada walaalaha Jabuuti ayaa amaan iyo bogaadin badan looga hayaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, waxaana xaqiiqa haadii Jabuuti awood u lahaan lahayd in wadanka oo dhan ka howlgasho aay Somaliya dhaqso cago dhigan lahayd.

C/casiis Cali Kadeed

Hiiraan Net


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.