Published On: Wed, Dec 5th, 2012

December Bil Murugo iyo Gocosho Badan‏. WQ: Bashiir M. Xersi

Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku dul wareegaan. Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo caddaan, murugo iyo farxad. Jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto Qofka, Qoyska, Bulshooyinka, Shucuubta, Umadaha iyo Qaramada, tilmaanta ay qaadanayaan maalmuhu waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay ku yeelato nolosha dadka iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalintu waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareeyaan nolosha.

Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbardhig.Maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, sanadihii murug maarugta, colaadaha iyo dagaallada sokeeye, kuna baahday gees-ka-gees dadlka dhaliyana fawdada iyo jaantaa rogan, ee la galay tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn.Waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan(soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhiibtay maalin.

Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto wixii dhacay inta bil December na soo martay, balse, waxaan isku dayeynnaa inaan ka soo qaadanno dhacdooyin kala duwan oo wada dhacay isla bashaa, waxaan u adeegsannay sida ay u kala horreeyeen xagga sanadka, inagoo ka soo billownay sooyaalka hore deedna ku keennay kiwii ugu dambeeyey ee dhacay, marka qofkii aweeddiisu tahay inuu wax ku daro taariikhdan way u furan tahay.

Burburkii Dawladdii dhexe!

Balaan ka billaabo 31 December sanadkii 1990-kii oo ku beegan burburkii dawladdii dhexe, waxaa maalintaa iyo bishaa wixii ka dambeeyey dalku galay dagaal magacyo kala duwan yeeshay, qaabab kala duwanna isu rogay, dhibaatadii ka dhalatay ay wali taagan tahay oo aysan dhammaan ama aan laga gudbin, waxaa maalintaasi horseed u noqotay heeryada habacsanaanta iyo hiilka qabiilka aan loo hayb dayin ee aan la hubsan.

December 1990-kii waxaa dalku u gacan galay jabhado hubaysan oo ka soo wada duulay dhanka Itoobiya, waxayna ku guulaysteen inay dalka diirtaan oo aysan hambayn Jiingad Lamayeeri iyo Mutuleel, waxay ku guul darraysteen inay ammaankii jiray wax ku biiriyaan ama sii adkeeyaan maadaama uu meesha ka baxay nidaamkii kali taliga ahaa, mindhaa lagama fekerin; maxaa dhacaya haddii sidaan wax loo maareeyo?!

Runtii bisha December waxay reebtay xanuunno aan waligood bogsoonayn lagase yaabo inay wax iska badalaan sida wax yihiin ama wax ku socdaan, bishan waxaa lagu xasuustaa maalmo aad u qaraar oo Soomaali soo maray ayna ugu horrayso rididdii dawladii dhexe iyo burburintii qarankii Soomaaliyeed, oo aan filaayo inay tahay mid sabab u ah wixii xigay ee dhacay ama ka dambeeyey.

Dagaalkii sokeeye iyo colaadihii ka dhex qarxay Soomaali ilaa jibsin hoose waa midda ilaa hadda taagan ee aan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, dhacdooyinkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii u ku jiray burburka waxaa lagu xisaabin karaa xilkeeda bishaDecember, oo ah bishii ay dawladdii dhacday, ujeedka ma ahan in maalin bil, sanad iyo xilli go’an la eedeeyo ee waa uun tilmaam xilliyeed timid xilligaa oo la eeday!.

Burburka qof, qoys ilaa qaran ku timid waa mid natiijadiisa la arkay ama la gartay, maxaa yeelay Soomaali wixii astaan dawladeed ay lahayd waa la wada moosay, dhaqan wixii ay lahaydna waa laga wada tallaabsaday, hidde la ilaalsho isaga warkiis haba sheegin, wax badan oo laga sarriingan jiray maanta wa lagu dhiirraday, taasna waxaa u sababa buburka aan waxba hambayn ee dhammaan wada gaaray ee lagu wada gumoobay!

Dabcan December 1990-kii ka sheekaynteedu dhammaan mayso oo ma ahan mid sadarro iyo dhowr xariiqmo lagu soo koobi karo, balse, waxaa mar walba meesha yaalla ee aan la illoobi karin wixii dhacay dhammaadkii bishaa iyo sanadkaas oo noqday billowga burburka Soomaali, beegsiga biri magaydada iyo bililiqada baahday ee waxba aan baal marin, waxay astaan u noqotay sanadaha ballowga colaadaha.

Galitaankii Xabashida ee Muqdisha.

Waxaan ku labaynaynnaa maalintii Xabashidu ay soo galay Muqdisha, Ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay, gaar ahaan Goballada iyo Degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: Goballada Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December 2006-dii waxay Ciidanka Xabashida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii Waddanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun badan leh,waxay ahayd maalin Waddani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan, iyo sida ay wax u dheceen? Waa hubaal in waddaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala go’ayn inta ay nool yihiin.

28-ka December maalin kala barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira aayaha, maalin taariiq cusub u billaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse, waa su’aale maxay ku xusi doontaa? Maxay ku sheegi doontaa? Maxay ku tilmaami doontaa? Siday uga warbixin doontaa?!

28-ka December 2006-dii, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Waddaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho waxay isla markiiba baro ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida:Wasaaraddii Gaashaandhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amarradii dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada dal, waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u ahayd ujeedada gurracan ee Xabashidu la maaggan tahay Soomaaliya, bal u fiirso ciidankii huwanta ee UNISOM ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg, ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka diyaarada iyo dekedda weyn ee Muqdisha, balse, waxa Xabashidu u dageenWasaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Villa Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay usoo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!

Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka December oo kale? Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhex maro dabbaado gaashaaman iyo cudud Military? Dabcan taas waxaa ugu yeeray Wadaadadii waallida waday, waxaana ku marti qaaday DawladdiiC/laahi Yuusuf, waa la yaab in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey ay Soomaalidu u suura galiso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen! 28-ka Decemberwaa maalin uu la Cirroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed,28-ka December maalin billow u ahayd dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Barakaca, Xasuuqa, iyo burburinta Hantida Dadweynaha.

28-ka December maalin mugdi galisay aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaaddayTabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamaysay Xigaalada Xabashida.

28-ka December maalin Murugo! Maalin Naxdin! Maalin Gocosho! Maalin Xumeed! Maalin Tiiraanyo! Maalin Haydaaro! Maalin dareen! Maalin Dhiillo! Maalin walaac! Maalin Walaahood!Maalin Walwal! Maalin Balaayo! Maalin Dullinimo! Maalin Gunnimo! Maalin qiyaano! Maalin Lur! Maalin Marooro-Dillaac!

Qaraxii Hotel Shamow!

Waxaan ku sadaxaynaynnaa 03-ka December 2009 maalintaas oo qarax aad u xooggan lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhacaysay Hotel Shamow, qaraxaas oo ay ku naf waayeen Arday, Dhaqaatiir, Macalimiin, Wariyayaal, Waalid iyo siyaasin ay ku jiraan Wasiirro, qaraxaas oo runtii aad u gilgilay magaalada muqdisha beerayna xaalad aad u murugo badan, qaraxaas oo aan cidna sheegayn qolyaha afka duubtana ay iska wada fogeeyeen.

Qaraxaas wuxu beegsaday Dhaqaatiir markaas dhamaysay Jaamacadda Banaadir qaybta Caafiamadka oo dhiganaysay muddo shan sano ah, wuxuu indha tiray umadda oo u horseeday mugdi iyo jahli, maadaama la beegsaday Hal Aqoonyankii barri dadka u adeegi lahaa, dhacdadaan waxay ka mid noqotay dhacdooyinka aadka u saameeyey umadda Somali.

Dhacdadaan ka dib, waxaa hana qaadday SILSILADDII DEELEEY oo anigu aan billaabay, maansadii ugu horraysay waxay ahayd “Dareen” oo silsiladda magaceedu waa:Deelleeyda Qariga 21-aadoo ay ka wayb qaateen dhalinyaro Soomaaliyeed Meerisyo ka mid ahaa Jiiftadaa waa:

 

Dulmigii Shaamoow

Duhurkii la weeraray

Ardadii la duubee

Darajada mudneydee

Digriigiyo aqoontiyo

Dugisayada dhammeeyeen

Ninka dilay muxuu yahay?!

 

Ditoor caafimaadoo

Cudarrada daweeyiyo

Ubaxii dalkeennaan

Berri daadahaynlaa

Waalid soo daryeeliyo

Xubnaheeda dawladda

Ninka dilay muxuu yahay?!

 

Wariyaha diyaariya

Farriimaha dagaalkiyo

Dirirtiyo colaadaha

Dadka u adeegoo

Daabbula dhambaallada

Nabaddana u doodaa

Ninka dilay muxuu yahay?!

 

Intaa kaliya ma ahan, waxaa qaraxaa ka dib hana qaaday KOOXDA dib magacoodu ka noqon doono hees ay qaadeen qaraxa Shaamoow ka dib, oo magaceedu ahaa: “QAYLODHAAN” oo magaca kooxdu noqday: KOOXDA QAYLADHAAN.

Ugu dambayn, ma ahan bisha December mid dhacdooyinkeedu intaan ku eg ama ku kooban, balse, Aniga intaan ayaan ka soo qaatay ee qofkii wax ku daraya bal ha ku biiriyo wixii taariikh ah ee uu hayo, si loo aruurso taariikh dhaxalgal ah oo kooban si sahlanna loo heli karo.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.