Kooxda Al-shabaab oo sheegtay in ay diyaariyeen haween is qarxiya
Muqdisho : HN : Kooxda Al-shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya waxaa inta badan la sheegaan in ay jiraan haween kala shaqeeya dhinaca sirdoon-ka, kuwaasoo siweyn u aaminsan aragtida kooxda ee ka dhan-ka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Laakiin horjoogayaasha Al-shabaab ayaa sheegay in hadda ay diyaariyeen sida ay hadalka u dhigayaan haween si toos ah uga qeyb-qaadan doona dagaallada looga soo horjeeda AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.
Sida ay warbaahinta ka soo xigatay guddoomiyaha gobollka Hiiraan ee kooxda Al-shabaab Yuusuf Cali Ugaas waxaa u diyaar ah in ay geysteen weeraro is qarxin ah haween badan oo sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay naftooda ku iibsadaan Jano.
‘’Haweenka gobollka Hiiraan markii horeba dagaallada siyaabo kala oo dadban ayeey ugu jireen, laakiin hadda waxaa ay diyaar u yihiin in ay naftooda gooyaan kana qeyb-qaataan jihaadka ayuu yiri,’’ Yuusuf Cali Ugaas.
Inkastoo guddoomiyaha gobollka Hiiraan ee Al-shabaab uu sheegay in ay diyaariyeen haween is qarxiya ayaa haddana waxaa xusid mudan in kooxda Al-shabaab markan wajahayaan dagaallo dhinacyo badan uga socda.
Hiiraan Net.


















