Published On: Sat, Dec 8th, 2012

Weeydii Tagtada.‏ WQ: Maxamud Xaji Cilmi

Si aad u ogaatid halkaad taagantahay, isuguna diyaarisid horumar aad ku tillabsato, waxaa lagama maarmaan ah in aad yar milicsato taariikhda uu soo maray aadmiga.

Socodka taariikhda waxaad ku arkeeysaa khaladaad uu aadanuhu sameeyay, intaa kuma ekeeynee wuu  ku soo celiyay khaladkii mar kale, waxaana taa markhaati u ah dgagaalkii koowaad  ee adduunka iyo kii labaad oo isku xigay, ahaana falal khassarooyin badan kaga tagay dunida guudkeeda.

Haddaad booqatto Hiroshiima ee ku taal dalka Japan waxaad ku arkeysaa taallo laga dhissay meeshii lagu dhuftay atoomik bomka. Taallada waxaa ku qoran far jappanees ah oo macnaheheedu yahay :  ha sameeyn fal sheeydaameedkan mar kale ” Do not repeat this evil”.

Waxaad mooddaa in ay sirtii lagyu sameeyay  hubka nuklearka uu faraha ka baxay, oo la wada ogyahay, dowlado badan ayaa lagu tuhunsanyahay in ay faraha kula jiraan sameynta hubkan halista ku ah jiritaanka aadmiga, waana tan keentay in dowladaha waaweeyn in ay ku mashquulaan xakameeynta baahidda hubkan , waase goorma – waa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Duni aan laysu tureyn leeysuna awood sheeganayo ayaa kaliftay in cilmigu ku sii jeessto soo saaridda wax aan dan u ahayn nabadda iyo horumarka caalamka aannu ku nool nahay.Waxaa hubaal ah oo cidna ka qarsoonayn cabsi la kala qabo awgeed in  laysu hub urursanayo. Dowladaha waaweyn ayaa horay u sameystay hubka wax gumaada, kana ilaalinaya inay gacantooda gasho wax ka baxsan iyaga,  si ay u cabsi geliyaan kuwa aan qabin, una isticmaalaan markay la kulmaan khattar.

Somalia wax maka baratay tagtadii xanuunka badnayd

Intaa hore arar beey ii ahyd laakin muhiimmadda qoraalkeeyga ayaa ah in aan tuso ummadda Somaliyeed in aadmigu khaladaad geli karo – balse ay haboontahay in aan lagu soo cel celcelin ee laga waantoobo.

Tagto xanuun badan ayaa u gashay Somalia Taarikhda dhow,  waa mid ay ka dhaxashay dagaalkii sokeeye ee labaatan jirsaday galaaftayna hanti wuxuu dalka lahaa , barakiciyayna malaayiin Somali ah oo ku kala baahay dunida dacalladeeda. Waxay ahayd  musiibad nagu soo socotay laakin aan la dareemin waqti hore. Waxaa hubaal ah haddeey ogaan lahaayeen in ay sidan ku dhamaaneyso, in labada daraf ee uu dagaalka ka dhexeeyay  maslaxada la dhex  dhigay mid walba orod ku aqbali lahaa.

Dib  ayeey isu weeydiiyeen dad badan oo ah  wax garad Somaliyeed ah sababta heerkaa na gaarsiisay, hase yeeshee mid waliba jawaabtiisa wuxuu ku soo koobay laba eray oo ah  Cadaalad Darro.

Taa ayaa hooyo u noqotay fal kastoo xumaa e ka dhacay dalkeenna. Waxaanan oron lahaa dadkeenna     ” Ha sameyn fal sheeydaamedkan mar kale”, maxaa yeelay waxey noo dhibtay sida japan Hiroshiima  u kahsaday una nacay dagaal oo idil wixii dhacdadaa ka dambeeyay.

 

Tagto aan ku habooneyn in loo sheekeeyo ubadkeenna, ayeey  soo martay ummadda Somaliyeed labaatankii sano ee u dmbeeyay.Waa waqti lumay oo aan lahayn tarikh lagu faano, balse cashar laga qaadan karo si aanay u dhicin mar kale.

Maxaa ma mid ahaa khaladaakii nasoo maray:

1)      Caddaalad arro

2)       Siyaasad Xumi

3)       In ummadda loo jiheeyo dagaal ka baxsan difaaca dalka

4)      Danta ummadda oo aan laga hormarin tallaabo kasto oo la qaadayo

5)      Awoodda oo si ka baxsan sharciga loo isticmaalo

Maxamud Xaji Cilmi

UK   London      melmi@mail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.