Published On: Wed, Jan 2nd, 2013

Shaqaalo dowladeed awood u yeeshay ku takrifalidda hantida Qaranka

Dowlad kastaa oo jirtaa waxa ay leedahay sharci u gaar ah oo ay ku maamusho dalkeeda iyo dadkeeda, sharciguna waa inuu qabtaa shaqsi kastaa oo dambi galaa ha ahaado shacab, madax, askari, xildhibaan, safiir, wasiir, biitooni(dhul xaaqe) iyo shaqaale kastaa oo dowladda u shaqeeya.

Shaqaalaha dowladdu waa kala heer heer, weyna kala darajo sareeyaan, mid walibana waxa uu qabtaa shaqooyin u gaar ah oo uu u hayo Qarankiisa, waxaana muhim ah in shaqaale kastaa lagu abaalmariyo haddii uu qabto wax wanaag ah oo uu kor ugu qaadayo sumcadda dalkiisa, sidoo kale haddii uu qalad ama dembi Qaran galo waa in sharcigu qabtaa oo lagu qaadaa ciqaabta heerka dambiyeed ee uu galay.

Sida aynu ogsoon nahay Safiirradu waxa ay ka mid yihiin shaqaalaha dowladda, dal kasta oo ay safiir ka yihiinna waxa ay ku metelaan Qarankooda, waxayna ku howl galaan oo ay ku shaqeeyaan awaamiirta dowladdooda, taasoo ay jirto ayaa waxaa haddana muddooyinkan dambe soo ifbaxay in qaar ka mid ah safiirradii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka caalamka ay yeeshaan awood u gaar ah iyagoo aan ka amar qaadan wasaaradda arrimaha dibadda ee howshooda qaabilsan.

Waxaa dhacday in safiirro Soomaaliyeed ay awood u yeesheen ku takrifalidda hantida Qaranka iyagoo aan dowladdooda wax amar ah uga heysan amaba latashi la samaynin, sida in safiir uu si iskiis ah u kireysto dhismaha iyo xafiisyadii Safaaraddii uu magaca Soomaaliya ku matalayay, weliba waxaa layaab sii ah in safiirradaas qaarkood ay ku doodaan inay arrintaas ku saxsan yihiin….. “Lacagaha kirada laga helo waxaan ku dayactireynaa dhismaha safaaradda” ayaa laga hayaa qaar ka mid ka mid ah safiirrada kireystay safaaradaha Soomaaliya, iyadoo qarashaadka ay ku kireeyeen aysan dowladdoodu la ogayn amaba ka war heynin, ayna markaasi noqoneyso hanti dowladeed si marmarsiyo ah loo dhacay una gashay jeebabka shaqsiyaad safiirro ah, ileyn ma jiro heshiis dowladdu saxiixday ama wax ka ogtahaye, kaliya waa awood ay si gaar ah isu siiyeen safiirro shaqaale dowladeed ah.

Sidoo kale waxaa jira dhismayaal safaarado iyo dhisayaal kale oo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo aan ilaa iyo hadda gacanta dowladda ku jirin oo safiiro Soomaaliyeed ay ka kireysteen ama ay ka iibiyeen hay’ado, ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah, waxaa kale oo jira safaarado ay dhex degan yihiin qoysasaka safiirrada kuwaasoo hantidii qaranka u isticmaala sida inay iyagu leeyihiin oo kale.

Haddaba dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon la xisaabtan gaar ah in ay ku samayso safiiradaha aan dhicin ee aan la beddelin, hantida qaranka iyo qarashaadka soo gala safaaradahana iyaga u isticmaala hanti u gaar ah, iyagoo weliba ku dooda “Dowladdu wax mushaar ah nama siiso inagaa si kasta oo aan wax ku heli karno ka samaysanayna safaaradaha aan ka talinno”.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay in safaaradaha qaar ay qabtaan howlo dhaqaalo uu ku soo galo sida iyagoo bixiya Baasaboorro, warqado dal ku gal ah, kuwo dal ku joogid ah iyo arrimo fara badan oo ay dhaqaalo ku kasbadaan, mana uu jiro la xisaabtan dhab ah oo wasaaradda arrimaha dibaddu ay la samayso safiiradaas takrifalidda samaynaya.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya ay xildhibaannada Baarlamaanku wax ka weydiiyeen safaaradaha lagu takri-falay ee safiiradu ay iska kireysteen amar dowlo la’aan, waxayna ku doodday oo ay isku difaacday wasiiraddu  in markii la kireynayay safaaradahaas ay ka horreysay xilligii magacaabisteeda, hase ahaatee aysan sidaasi uga hari doonin oo ay baaritaan ku samaynayso iyadoo xustay in ay Guddi  gaar ah ay u saartay arrintaas.

Haddaba eeddu kuma koobna safiirado kireystay safaarado ee sidoo kale waxaa jira safiirro aan waxqabad muuqda lahayn, kuwaasoo weliba is laheysiiyey howsha safiirnimo  uguna shaqeysta si shaqsi ah ee aan si Qaran ugu shaqeynin, iyadoo qaar ka mid ah safiiradahaas ay ku dhex milmeen ganacsatada iyo maalqabeennada Soomaalida ee dalalka ay safiirrada ka yihiin, kuwaasoo awooddooda safiirnimo uga qaata dhaqaale iyagoo kula gorgortama in wax kasta oo ay safaaradda uga soo baahdaan ama isku xirka madaxda dalka ay ku ganacsadaan u fududeynayaan, marka waxaa loo baahan yahay in kuwaasi ay dowladdu il gaar ah iyaguna ku eegto.

Su’aalaha jawaabaha u baahani waxa ay yihiin: Safiiradu shaqaale dowladeed ma aha miyaa…? Sharciga dalka u degsan iyagu ma qabto miyaa…? Mar haddii ay ka howlgalaan meel dalka ka baxsan wey ka madax bannaan yihiin miyaa dowladda iyo sharciyada dalka oo shaqaalaha iyo shaqsiyaadka gudaha dalka ku sugan kaliya ayuu sharcigu qabtaa miyaa macnuhu….? Jawaabaha su’aalahani waa kuwo u yaala dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha u yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.

 

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.