Published On: Wed, Jan 30th, 2013

Xoriyadda & gumaysiga‏. WQ; Omar Sulaiman

GUMAYSI

Ka hor inta aanan ka hadlin gumaysiga waxaan doonayaa in aan wax ka taabto xukumidda. Xukun حكم waa erey afka Carabiga ka soo jeedaa in kasta oo ay ila tahay in uu yahay af Soomaali. Culumada luqadduna waxay isku raacsan yihiin in ereyga laga soo qaatay xakamaha fardaha, sida aad la socotaan markii uu farasku xakamaysan yahay ayuu qaataa amarada qofka fuushan. Hase yeeshee dadka oo Alle ka dhigay mid garaad leh si caqli ah in lagu xakameeyo mooyee bir la laqsiiyo in lagu xakameeyo Alle ugu ma talo gelin, sidaas darteed wuxuu Alle aadamiga iyo inta kale ee caqliga leh ku xakameeyaa sharci ama xad iyo xuduud. Marka cid kasta oo dad aadami ah u samaysata xad iyo xuduud waa cid isu ekaysiisay Alle waana dembi aad u xun loona dulqaadan karin oo ah shirki.

Haddii ummadi qaadata ku dhaqanka shareecada Islaamka macnaheedu waxa weeye Alle ayaa xukuma oo madaxda tooska ah u ah waayo amarkiisa wax aan ahayn oo soconayaa ma jiro, dadkuna way isku fulinayaan sharciga oo isaga ayaa isu keen diray, rasuulku isaga dadka ma xukumin ee wuxuu ahaa dige qofkii xumaan sameeya uga diga cadaab Alle (maya cadaab uu isagu mariyo) kii wanaag sameeyana wuxuu ugu bishaaraynayey naxariista Alle.

Soomaalidu markii ay qaateen xornimadii beenta iyo indho sarcaadka ahayd waxaa xukumayey gaaladii Talyaaniga ahayd ee dejisay sharcigii loo yiqiin Codice Penale commune o civile, ama Somali penal Code. Taas macnaheedu wuxuu yahay iyagaas ayaynu manhajkooda ku soconnay aynuna sidaas darteed caabudi jirnay. Waxaa la yaab ah marka in ummad Islaam ahi caabudaysay gaalo talyaani ama Ingriis ah, taasina wax kale kuma dhicin ee waxay ku dhacday aqoon darro. Welina waxaa muuqata in aanay jirin cidi raalli ku ah xukunka Alle iyo shareecadiisa laakiin waxaa raalli lagu wada yahay dastuurka ay soo qoreen gaaladu iyo xeer ciqaabeedkooda.

Marka haddii aan dib ugu noqdo cinwaankii ahaa Gumaysiga

Gumaysigu waa dawlad xoog ku qabsata ummad kale iyo dalkoodaba si ay hantidooda uga dhacdo khayraadkooda dabiiciga ahna uga qaadato iyo in ay diintooda ka saarto oo ay gaaleeyso. Markii gumaysatadii Yurub gaalayn kari waayeen dadkii Islaamka ahaa waxay ka beddeleen dhaqankoodii diintuna waa dhaqan ee wax kale ma aha, sidaas ayay markaas dadkii uga dhegeen munaafaqiin iyo wax la hal maala.  Gumaysiguna diinta Islaamka waa xaaraan sida ku cad xadiiskan Bukhaariga ah.

حَدَّثَنِي بِشْرُ بْنُ مَرْحُومٍ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ سُلَيْمٍ عَنْ إِسْمَاعِيلَ بْنِ أُمَيَّةَ عَنْ سَعِيدِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ قَالَ اللَّهُ ثَلَاثَةٌ أَنَا خَصْمُهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ رَجُلٌ أَعْطَى بِي ثُمَّ غَدَرَ وَرَجُلٌ بَاعَ حُرًّا فَأَكَلَ ثَمَنَهُ وَرَجُلٌ اسْتَأْجَرَ أَجِيرًا فَاسْتَوْفَى مِنْهُ وَلَمْ يُعْطِ أَجْرَهُ(البخاري).

Macnaha xadiiska:

WUXUU II SHEEGAY BISHRU BIN MARXUUM, YAXYAA BIN SALIIMNA WUXUU NOOGA SOO WEIYEY ISMAA’CIIL BIN BIN UMAYATA, OO ISNA MARKIISA KA SOO WERIYEY SACIID BIN ABII SACIID, OO ISNA KA SOO TEBIYEY ABII HURAYRE ALLE RAALLI HA KA NOQDEE WUXUU NEBIGA SCW KA SOO WERIYEY IN UU DHAHAY WUXUU ALLE DHAHAY SADDEX ANNAGA AYAA MAALINKA XISAABKA QIYAAME LA DAGAALAYA QOF WAX HESHIIS ILA GALAY OO JEBIYEY HESHIISKII, NIN SUUQA GEYSTEY QOF XOR AH OO LACAGTII UU KU GADAY CUNAY IYO NIN QOF SHAQAALAYSTAY EE MARKII UU HAWSHII U QABTAY SIIN WAAYEY GUDAALKIISII.

Gumaysatadu ummaddii ay qabsadaan way ku amar ku taagleeyaan sidii ay doonaan ayayna ka yeelaan sidii ay iyagu Alle u yihiin oo kale. Dadka dad gumaysanaya ma kala duwana haddii ay yihiin shisheeye iyo haddii ay yihiin sokeeyaba marba haddii ay dadka iyagu xukumaan si alla sidii ay doonnaan ka yeelayaan waa gumaysi. Waxaa gumaysi noogu horreeyey markii uu gumaysigii shisheeye uu adduunka ku baahay oo wada qabsaday.

Sokeeyaha gumaysiga ahi wuxuu noqon karaa waalidka oo Alle nagu baraarujiyey in haddii ay isku dayaan in aad ka talo iyo xukun qaadato cid aan aniga ahayn ha ka yeelin hase yeeshee samafalka inta ay nool yihiin ha ka joojinin.

Labadan aayadood ayaa noo caddaynaya in aynaan wax khilaafsan manhajka Alle ka dhegaysan labada ruux ee rasuulka ka dib naga mudan wanaag iyo maqal.

وَوَصَّيْنَا الْإِنْسَانَ بِوَالِدَيْهِ حُسْنًا وَإِنْ جَاهَدَاكَ لِتُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ(العنكبوت 8).وَإِنْ جَاهَدَاكَ عَلى أَنْ تُشْرِكَ بِي مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ فَلَا تُطِعْهُمَا وَصَاحِبْهُمَا فِي الدُّنْيَا مَعْرُوفًا وَاتَّبِعْ سَبِيلَ مَنْ أَنَابَ إِلَيَّ ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأُنَبِّئُكُمْ بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ(لقمان 15).

Macnaha aayadaha:

Waxaanu dadka u dardaarmaynaa in ay waalidkood u samafalaan, hase yeeshee haddii ay isku dayaan in aad cid aydaan aqoon Alle ugaga haysan aad igu sidigtaan ha ka yeelina, waayo aniga ayaa ugu dambayn ii soo wada laabanaysaan markaas ayaan idiin kala garsoorayaa(8).

Aayaddani waxay ku xidhan tahay aayadda 14 ee iyada ka horraysa:

Haddii ay isku dayaan in aad igu sidigto wax aadan aniga daliil cad iiga haysan ha ka yeelin inta ay nool yihiinse wanaagga ha ka joojin, kana mid ahaw kuwa aniga ii toobadda keena, ugu dambaynna aniga ayaad ii soo wada laabanaysaan markaas ayaan idiin kala garsoori doonaa.

Aayado fara badan ayaa Alle noogaga digayaa in maalkeenna iyo ubadkeennu aanay naga sii jeedin ama na illawsiin xasuusta Alle. Waxaana ka mid ah aayaddan hoos ku xisan.

يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تُلْهِكُمْ أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُمْ عَنْ ذِكْرِ اللَّهِ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ فَأُولَئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ(المنافقون 9).

Macnaha aayadda:

Kuwa xaqa rumeeyaw maalkiinna iyo ubadkiinnu yuusan idinka sii jeedin xasuusta Alle, kii ay dhacdo in maalkiisa ama ubadkiisu ka sii jeediyaan Alle waxaa ku dhici doona tacab qasaare.

DAWLADDA

Dawladdu waa koox dad ah oo dal iyo dad aanay cid kale xukumin xukunta, xukunta waxaa loola jeedaa iyada xad iyo xuduud dadka u dejisatay, xadkii iyo xuduuddii Allena meesha ka saartay.

Sidoo kalena dawladda waa awood dalka iyo dadkaba xukunta kuna amar ku taaglaysa oo gumaysato ah. Dawladdu sida Alle oo kale ayay u dejisaa shacbigeeda xad iyo xuduud ay ku xakamayso dhaq dhaqaaqooda iyo waxyaabaha ay samaynayaan. Cid aan Alle ahayn oo dadka xad iyo xuduud ku xakamaysaana waa gaboodfal. Waxaa intaas laga garan karaa in aanay bannaanayn in Alle mooyee cid kale laga xukun qaato qabiil iyo qoysba ha ahaatee.

Dastuurka shareecada ayuu waafaqsan yahay waa qayaamo isu hoos gelis ah ma aha shareecada ayaa lagu dhaqmayaa ee waa wax aan shareecadii ahayn use eg. Alle mooyee cid kale oo dadka u dejin karta xad iyo xuduud ma jirto. Ciddii u dejisaana waa cid sidii Fircoon oo kale Alle sheegtay.

Waxaa dadka u noqotay caadi nooc doorasho ah oo laga dhaxlay gumaysigii gaalada kaas oo ku dhisan been lagugu doorto sheeg markii lagu doortana dadka gumayso. Waxaana ku baxa lacag aad u fara badan iyo nafba oo dad islaam ah oo baahni u baahan yihiin. Doorashada waxaa ugu xoog badan munaafaqa oo ay ahayd in aan wax xil ahba loo dhiiban. Waxaa nalagu cabsi geliyey in aynu haweenka xuquuqdooda ku tumanno haddii aynu Islaam nahay taas oo naloo hoos gelinayo in uu yahay Alle waxa haweenka neceb ee ka eexday. Markaas ayaad maanta arkaysaa haweenkii uu gaalo dabada ka waddo oo lee yihiin fadhiga ka kaca. Raggiina haddii aanay maamulkooda haween ku jirin waxay la tahay in aanay deeq bixiyeyaashu oo ah gaalada aanay ogolaanayn waxna siinayn markaas ayaa la gaadhay in la dhaho xubnaha baarlamaanka waa 30% laga dhigo haweenka waana laga dhigay. Marka ma manhajkii Alle ayaynu tuurnay oo midka gaalada ayaa nagala caadilsanaaday. Waxaan lee yahay haweenaw jooga garawna jooga oo xaqa been ha ku dheehina idinka oo og weliba waxa aad isleedihiin waad helaysaanna Alle ayuun baa bixiya ee gaalada aad raalida gelinaysaan waxba ma bixiyaan, marka Alle raalli geliya.

GUNAANADKA

Gunimo waa in aadami ku xukumo shisheeye iyo sukeeye kii uu noqdaba. Xukuumad Soomaaliyeed waa gumaysi cad oo aan biyo isku daahirin. Sidoo kale maamul guboleed ku sheegyadu waa gumaysi waana dad Allenimo sheegtay, ciddii daacad u noqotaana waa mushrikiin cad oo aan biyo isku daahirin. Igala soo xiriira omersul04@gmail.com.

Qaybaha dame kala soco xoriyaddu waxa ay tahay.

Gle-Sare-Omer-Suleiman-AliOmer Suleiman Ali                                                                                                                                               29/01/2013


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.