Saraakiisha AMISOM ee Baladweyne oo sheegtay in la dhan-taalay awoodii Al-shabaab
Baladweyn : HN : Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM kana howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa sheegay in la dhantaalay awoodii kooxda Al-shabaab.
Jen Cismaan Subagle oo ka mid ah saraakiisha sar sare oo ciidamada AMISOM ayaa ku tilmaamay kooxda Al-shabaab mid awoodeedii ay dhaafin weyday weeraro aan naf badan laheyn iyo in ay qaraxyo geystaan.
‘’AMISOM waa ay ka go’an tahay in ay gacan siiso dowladda Soomaaliya, Al-shabaab hadda taag badan malaha, marka laga reebo weerarada yar yar iyo qaraxyada ay geysanayaan,’’ ayuu yiri Jen Cismaan Subagle.
Habeen hore ayeey aheyd markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weeraro ku soo qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana weeraradaas ku dhintay rag sar sare oo ka tirsan saraakiisha Al-shabaab.
Hiiraan Net.


















