Published On: Mon, Feb 4th, 2013

Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

MakaWaxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa waxaa jiray wiil dhallinyaro ah oo Ilaah ka cabsi badnaa cilmigana aad u raacan jiray hawlo oo dhanna faraha uga qaaday sidii uu cilmi diineed u korodhsan lahaa.

hasee yeeshee wiilkaasi faqiir ayuu ahaa, waxaa haddaba dhacday inuu maalin aad u gaajooday oo markii uu gaajadii xamili waayay a

yuu gurigiisii iskaga baxay isagoo halkii ku toosnayd uun iska qaaday, siduu u socday ayuu markii dambe wuxuu ku soo baxay beer bustaan ah oo ay ka buuxaan geedo tufaax ah oo wada bislaaday, geedaha mid ka mid ah ayaa laamaha tufaaxu dibadda u soo laalaadeen, markaasuu wuxuu naftiisii ugu sheekeeyay xabad tufaax haddaad ka goosato laamahan bannaanka soo jira gaajada way kaa biin doonaan, sidii ayuu yeelay markaasuu intuu xabbad tufaax ah ka goostay laantii iska cunay gaajadii gubaysayna ka yaraatay.

Haddaba markii uu gurigiisii ku soo noqday ayay maskaxdiisii dib uga fikirtay falkii uu xabbadda tufaaxa ahaa kaga goostay beertii uu ag marayay isagoon ka fasax qaadan ninkii beerta lahaa, taasoo ah dareenka qof kasta oo muslin ahi inuu dib u soo gocdo dambigii uu sameeyay. Wiilkii dhallinyarada ahaa wuxuu goostay inuu raadiyo ninkii bustaanka lahaa waydiistana inuu u saamaxo xabbaddii tufaaxa ahaa ee uu ka goostay beertiisa, markii uu soo raadiyay ayuu ninkii beerta lahaa helay waxuu ku yiri:- “Adeer shalay ayay gaajo xuni i qabatay, markaasaa anigoo beertaada ag maraya waxaan arkay laan futaax ku yaala oo xagga bannaanka u soo laalaada markaasaan xabbad tufaaxa anigoon kaa fasax qaadan ka goostaye ii saamax”, ninkii beerta lahaa ayaa wuxuu ku yiri:-” Ilaahay baan ku dhaartaye inaad kuu saamaxaynin maalinta Qiyaamana Ilaahay agtiisaan kiis kugu soo oogayaa”.

Wiilkii ayay talo ku caddaatay markaasaa isagoo ooyaya uu baryay ninkii beerta lahaa isagoo ku oranaya wax kasta oo aad iga dalabto diyaar baan u ahaye ii saamax xabbaddii tufaaxa ahayd.

Hasee yeeshee ninkii beerta lahaa marba marka ka dambaysa wuuu ku sii adkaystaa, intaa ninkii beerta lahaa kuma ekaanine wiilkii oo baryootamaya ayuu iskaga dhaqaaqay, wiilkiina kama uusan harine wuu daba galay isagoo baryootamaya oo ooyaya ilaa uu ninkii gurigiisii ka galay.

Wiilkii albaabkii guriga ninka hortiisii ayuu iska fadhiistay isagoo sugaya bal marka uu Salaadda Casar u soo baxo inuu haddana baryo inuu ka saamaxo .Salaaddii Casar markii loo eedaamay ayuu ninkii gurigiisii ka soo baxay isagoo xagga masaajidka u socda markaasaa wuxuu arkay wiilkii oo wali halkii taagan oo oohini garkiisii qoysay . Markuu wiilkii dhallinyarada ahaa arkay ninkii beerta lahaa ayaa wuxuu ku yiri:- “Adeer waxaan diyaar u ahay inaan beerta kaaga shaqeeyo inta cimrigayga ka harsan anigoo waxba kaa rabin, waxaa diyaar u ahay inaan fuliyo wax kasta oo aad igu xukunto laakiin i saamax” , ninkii beerta lahaa intuu hoos u foorarsaday yarana fikiray ayuu ku yiri wiilkii:-” Wiilkayaw waxaan diyaar u ahay inaan hadda ku saamaxo , laakiin shardi ayaa ku xiran”, wiilkii ayaa intuu aad u farxay yiri shardi kasta iyo wax kastaba diyaar baan adeer u ahay.

Ninkii beerta lahaa ayaa yiri:-” Shardigaygu waxa waaye inaad gabadhayda guursato”, wiilkii ayaa markuu shardigaasi maqlay dhulku la wareegay wuxuu ku hadlana garan waayay……Ninkii ayaa hadalkiisii sii watayoo wuxuu sii raaciyay:-”

Hase yeeshee wiilkaygiiyow ogow inantaydu way dhago laadahay, way indho laadahay, hadalkuna wuu ka xiran yahay, intaasna waxa u dheer waa curyaan, muddo badanna caruus ku habboon oo aan ku aamino kuna oggolaada tilmaamahaa ay leedahay ayaan u raadinaayay waan u waayay,markaasi shardigaygaas haddii aad oggolaato xabaddii tufaaxa ee aad cuntay waan kaa saamaxayaa”,

wiilkii oo shardigii gabadhayda guurso ahaa la dhakafaarsan wixii uu ka oran lahaa ayaa markii inanta tilmaamaheedii odaygu u sheegay madixii sii ballaartay, waxaana maskaxdiisa mar kaliya buuxiyay jawaabo is khilaafsan, waxaana jawaabtii uu oran lahaaba kaga waynaaday bal sidii uu ula noolaan kari lahaa gabadhan duruufaha adduunku xarkaha ku xirxireen isagoo nin dhallinyaro ah iyo bal sidee bay talow ugu shaqayn dooni kartaa illayn dhinac kasta waatan ka xirane.

Dhinac kasta markuu arrinkii ka eegay wiilkii wuxuu talo ku gaaray inuu adduun iskaga sabro oo gabadha caynkaas guursado si uu uga nabadgalo qaanta iyo dambiga ay leedahay xabadda tufaaxa ah.

waxuu odaygii beerta lahaa ku yiri:-”Adeer waan kaa oggolaaday inaan gabadhaada guursado waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu igu abaal mariyo niyadayda wanaagsan iiguna baddalo dhibaatadani adduun khayr agtiisa ah”,waxaa lagu ballamay in maalinimada Khamiista ah uu dhaco guurku, wiilkuna uu guriga odayga yimaaddo, wuxuuna odaygu ku ballanqaaday inuu isagu bixin doono kharashka ku baxaya xafladda arooska gabadhiisa.

Maalinimadii Khamiista markii la gaaray ayaa wiilkii oo cagajiid ah u soo dhaqaaqay gurigii loogu meherinayay gabadhii odaygu tilmaamaheeda u sheegay,isagoo aad mooddo in buur dusha laga saaray, murugaysan oo aan farxaddii nin aroosaya ka muuqan lahayd ay wajigiisa ka fog tahay,guur uma arkee wuxuu ugu xilanayaa dambiga xabadda tufaaxa ah inuu kaga badbaado kaliya ayaa ku kallifaya.

Gurigii ayuu garaacay waxaana ka furay odaygii oo goorahaaba sugayay….Meherkiiba dhacay odaygii baa intuu wiilkii si kalgacalyooyo leh u salaamay uguna duceeyay in Ilaahay isku barakeeyo khayrna dhexdooda ka yeelo ayuu xaggii qolkii gabadhu joogtay u kaxeeyay, markuu albaabkii hor geeyayna iskaga soo noqday.Wiilkii ayaa qolkii si cagajiid ah ku galay, albaabkii uu galayba soona xiray ayaa wuxuu arkay waxaanu filaynin….Qolka waxa dhex fadhida gabadh Ilaahay joog iyo jamaalba u dhaliyay, intay soo kacday ayay hadal naxariisi ku jirto ku tiri:-

“Saygaygiiyow soo dhawow”…Sidii isagoo dhimbiil daba ku joogsaday oo kale ayuu dib u booday…Waa filan waa,wixii uu malaysanayay iyo sida xaqiiqdu noqotay ayaa laba aan is lahayn ku noqday, hadalkii ayaa ka soo bixi waayay,waxaa ka soo haray amakaag iyo yaab,quruxda iyo joogga gabadha ayaad moodaysay inay tahay xuural cayntii Jannada oo dhulka loo soo dejiyay,waxaa kale oo uu qaadan laayahay tilmaantii odaygu ka siiyay gabadha iyo weliba waxa uu is waydiinayay tolow maxaa ku kallifay inuu tilmaantaa bixiyo…

Gabadhii markay aragtay sida uu saygeedu iskugu buuqsan yahay dareentayna waxa madixiisa ku wareegaya ayay intay xaggiisa u soo dhaqaaqday gacantiisana dhuunkatay si qabow ugu tiri:-

“Waan ka indho laayahay inaan xaaraan eego, waanan ka dhego laayahay xaaraan inaan maqlo, waanan ka hadal laayahay inaan wax xaaraan ah ku hadlo, lugahaygana waxaa ka reeban inaan xaaraan ugu dhaqaaqo.. Aabahayna kaligay ayuu dhalay,sanado badan ayuuna ii raadinayay say(nin) wanaagsan oo i dhaqi kara,markaa markii aad ugu timid adigoo xabbad tufaaxa uga faxas qaadanaya una ooyaya arrinteeda, ayuu aabahay yiri qofka cunista xabbad tufaaxa oo uu xaaraan ku cunay ka baqanaya dambigeeda, inuu Ilaahay dartii gabartayda u daryeeli doono, markaa waan kuugu hambalyaynayaa inaand saygayga noqoto, aabahayna waxaan ugu hambalyaynayaa xididnimada aad la yeelatay.

Sanad kaddib gabadhaasi waxay ninkeedii u dhashay wiil ka mid noqday hormoodada cilmiga ee umaadda Islaamku yeelatay…..Ma garanaysaan wiilkaasi kuu ahaa……Wuxuu ahaa Abii Xaniifa oo ka mid ahaa afarta Imaam ee Mad-habaha waawayn ee muslimiintu ku dhaqmaan lahaa waa mad-habta Xanafiyada

https://www.facebook.com/TaariikhdaSaxaabada


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.