Published On: Mon, Feb 11th, 2013

Maxaa kala heysta Mukhalas, foojariiste iyo umadda Somaliyeed ee Maleysiya

Masaakiinta sida halista loo safrinayoHORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ahkorkiisa Allaha yeelo.

Intaas kabacdi,waxaan aqristayaasha sharafta badan rabaa in aan usoo gudbiyo qormadan muhiimka ah, si aan ugu wada baraarujiyo dhibkan ummada heeysta meelkastaba ha joogtee, si kuwa eey ku dhacdey ee aan ogeyna ugu baraarugaan, kuwa eeysan ku dhicna mustaqbalka uga gaashaantaan si aaney ugu dhicin.Hadal badan haan ma buuxshee, qormadan oo aan qodobeeyey,waxeey inoogu bilaabaneeysaa sidata:

1-Bal Kawaran! Hadii ardeyda iyo guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee Malaysia qaar ka mid ah, lagu qanciyey marka eey wadanka kasii baxayeen, iyo waliba qaar jooga gudaha wadankaba, in eey kaararkooda Bank-ga eey siiyaan ama ka gataan niman Mukhalisiin “Soomaaliyeed” ah, kuwaasoo kasii gata niman kaloo Nigerian ah, oo tuugo waaweyn ah “High Profile Criminal Gangs” oo eey dadka kaararka uga soo aruuriyaan, kuwaasoo iyana Bank-yada waaweyn ee wadankan Malaysia kaararkaa ku jabsada. Ogoow! Taa micnaheedu waa in ardayadii laheyd ama Ardeygii lahaa Kaarkaas in uu yahay dambiilaha dhabta ah ee Bank-yadaa jabsadey, ileyn magaciisa, iyo dhamaan data-diisa ayaa wax lagu dhacayaaye. Nasiib darro! In sidaa xaalku yahay, iyagana ma fahamsana, kuwan hungurigu qaadey ee maqaarka sare Soomaalida ka ahna uma sheegayaan, oo Shilimaadkaas Nigeriyaanku siinayo ayaa kala qeeymo badan. Crime-kaa ardeygaa iska miskiinka ah, ee Soomaaliyeed, ee aan waxba fahamsaneyn qoorta loo galinayana waxba kama galin oo cidi uma jixinjixeeyso. Nasiib darro! Qaarkood iyaga oo wadanka ka maqan ayaa dambiyadaa/Crime-kaa halista ah darteed ayaa documents halis ah wadankan Malaysia kawada yaallaan, qaarna maba ogaba in “Black List” eey wadankan Malaysia uga jiraan, oo eeysanba soo gali karinwadankan inta cimrigooda ka dhiman, hadii eey isku soo dayaana, lala kicidoono.

2-Bal Kaawaran! Maamadii cunugeeda qalliin wadankan Malaysia ugu keensatey, ee mukhallasiin aan naxeyn heleen, oo inta Isbitaal eey la shaqeeystaan geeyeen, Lacag xoogan markii hore ka qaateen, hadana markasta uu Isbitaalkii dhahayo, “Wiilkaada infection ayuu qaadayaa ama waxaas iyo waxaas ayaa ku dhacaya, hadii aan qalliin kale degdeg loogu celin, si qalliin loogu sameeyana waa in intaas oo KUN oo Doolar, aad degdeg ku bixisaa”, waxyar kabacdi hadana, waa mashruuc cusub iyo Dhowr Kun oo Doolar oo kale. Illaa eey oohin aflabadii yeertey, oo Soomaalidii kusoo dhexdhacdey, oo odayaal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo damiirku dhaqaaqey Isbitaalkii ku baxeen, oo la hadleen, ee la yiri “Waan u cafinney, qaliinnada dhimanna, waan u dhameeyneeynaa!”

3-Bal kawaran! Bukaan Soomaaliyeed oo la geynkaro Isbitaallo dowlada leedahay, rakhiisna ah, walibana Tayo sareysa leh, ayaa Waxaa Bukaanadaa Soomaaliyeed dadkii eey qaraabo ahaan u Miciinbidayeen, geynayaan Isbitaallo gaar loo leeyahay (Private ah), oo aad qaali u ah, Sababtuna eey tahay oo kaliya, in Isbitaalkaa Private-ka ahuu Calaa qof Lacag Commission ah kusiinayo Mukhalasiintaa. Imagine! Qofkii Dumarka ahaa ee Bukaanka liita ahaa ee $30,000/ la galiyey, iyadoo eeysan lacagtaa iyo wax u dhowba aaney u baahneyn. Nasiib darana! lacagtaa inteeda badan “1/3=$10,000/” Commission loo qaatey. “Just to mention one of the many examples I know”.

4-Bal Kawaran! Mukhalastkii dad Maras ah oo dumar iyo caruur u badnaa, inta doon ka buuxdhaafiyey, oo calaa qof dhowr Kun oo Doolar, oo reerahoodii eey ugu qeeylo dhaansadeen Buufis darteed, inta ka urursadey, Nasiib darro! Geeyey gobol Jaziirad ah, oo isla wadankan Malaysia ka tirsan, ee inta xilli habeen ah ku daadiyey meeshaas, ku yiri “Haye Australia ayaad joogtaane, Doolarka Dhulka iska daadsan ee buux dhaafiyey, farqaha ka buuxsada!”.

5-Bal Kawaran! Midkii gabdho Soomaaliyeed wadankan Malaysia kaligiis Buufis ku keeney, ee inta Islaamihii gabdhahaa dhalay lacag kasoo dhacay, isagoo leh Ingiriiska ayaan dhowr saacadood idinkugu geynayaa, ee kadib inta xaafad Soomaalidu aad ugu badantahaydajiyey, hadana ka dhaadhacsiiyey in eeysan albaabkaba tagin, maadaama meesha Soomaaliduba lagu diimo, oo aaney hal qof xitaa joogin. Ogoow xaafadaa Ajaanibta dagani85% waa Soomaali, ee mudo markii eey ugu huursanaayeen, qaarkood Soomaali dariishadaha ka arkeen, ee qaar si qasab ah banaanka ugu baxeen, Soomaali lasoo sheekeeysteen, una sheekeeyeen, kadibna Soomalidii ogaatey. Nasiib darase! Inta aan lagu soo bixin ayuumeeshooda inta uga dhaqaajiyey, ayuu lacagtoodiina isagiiba kusii tahriibey.Waa kuwa murugo iyo Ilmo Dhulka la wada fariistey!

6-Bal Kawaran! Mukhallasiintii Soomaalida ee tuugada waaweynka ahaa, ee 13-ka ardey ee Soomaaliyeed inta Lacag calaa qof $5000/ ugu yaraan ka qaatey (13 x 5000=65,000/)-Waa inta la maqlaye-Ee ku yiri, waxaan idiin heeyna deeq waxbarasho (Full Scholarships) oo Malaysia ah, oo eey ku jirto deeqaankii, cuntadii, oo waxkastaba free ah, illaa aad ka dhameysataan, ee Nasiib darro! Qarash Ticket soo galiyey, iyo waliba shopping-kii safarka, ee Nasiib darro! Iska daa qeeq waxbarasho oo eey helaane, dhamaantood diyaaradii keenteygaroonkacaalamiga ah ee Kuala Lumpur (KLIA) ee Malaysia, dhamaantoodDalkii dib loogu wada celiyey, Lacagtoodiina tuugadu sidaa ku dhacdey, oo afka iska marisey. “Allow Nin aan wax ogeyn, ha cadaabin!”

7-Bal Kawaran! Ardeygii Miskiinka aha, ee iska da’da yaraa, ee waxbarasho wadankan Malaysia loogu soo dirsadey, ee Nasiib darro! Soomaaligii Airport kasoo qaadey, ee meeshuu rabay geynayey, uu Drop-kaa ama meelgeyntaa oo kaliya Ijaar Taksi ahaan uga qaatey, lacag gaareeysa $900/, waa sida uu ku qanciyaye. Lacagta ugu badan ee saxda ahina aheyd ($30/=RM:90/=).

8-Bal Kawaran! Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa Kuala Lumpur-oo ah Caasimadadalka Malaysia- looga dhacay $2500/=Iyadoo lagu yiri waa qarashkii laguugu sameyn lahaa VISA sanad ah. Nasiib darro! Waxaa computer la dhexdhigey qolloogu soo farsameey Visa ardey kale uu lahaa, iyadoo Photoshop la isticmaalayo, ayaana qoraalkii ardeygu lahaa ee ku yaalley Visaha saxda ah, inta laga tirtirey, kuweeda lagu buux buuxiyey. Nasiibwanaag!Dad garankara ayey tustey, kuwaasoo tusiyey qaladaadka iska cad ee iskaba muuqda. Nasiib darrose! Marasta qaar ma fahmi karaan! Maxaa ka calool xumo badan, $2500/ oo si lagu keeney Allaah uun ogyahay, wax qol lagu farsameeyey, oo aan warqadaha qashinka waxaba dhaamin, halagaaga qaato, oo halagugu dhoco!

9-Balkawaran! Odayaashii Masaakiinta ahaa, ee maadaama wadankan Malaysia eey ku cusubyihiin, oo caafimaadna u yimaadeen, dhalinyaro eey ehel ahaayeean Lacagtoodiiku aaminey.Nasiibdaro! Markastoo lacag inoosoo sarifa yiraahdeense, meeshii $100/ loogu soo sarifi lahaa RM:300/= loogu soo sarifijireyhaafkeeda oo ah “RM:150/=”, ugu dambeynse, maalin maalmaha ka mid eey si degdeg ah lacag ugu baahdeen in eey u sariftaan odayaashi laftooda, kadibna $100 loogu sarifey RM:300/, tasoo yaabka aduunka ku noqotey!Iyagoo leh “War ma doolarka ayaa kacey, sidan  xaal ma ahaan jirine?” Nasiibwanaagse!Loo sheegey in uu sidan normal-kiisuba yahayba! Waa kuwa afka Gacanta saartey!

10-Bal Kawaran! “Safaarada Meeshan ah” oo wadan meeshan ah uu leeyahay, taasoo looga sii Tahriibo Yurub. Visahana Soomaalida si fudud, iyo lacag aad u yar kusiin jirtey, Soomaalidana aad looga jeclaa, aadna ugu dadaali jirtey in eey dhaqaaleeyso, ee kuwo Mukhalasiin ah ula tageen “Barnaamij” ah in Soomaalidu aaney waxba fahamsaneyn, aadna ugu baahanyihiin “Visaha wadankan” si eey ugu sii tahriibaan Yurub, dhaqaalo kastoo loosheegana in eey ogolyihiin, dad aad u farabadan oo Soomaali ahna iyaga keenayaan, oo waliba dhaqaalahaa intaa la eg calaa qof ku keenayaan, sidaa daraadeedna, eey tahay in just commission-ka intaa ah loo ogolaado oo kaliya. Wixii eey dadkaas kasoo qaadankaraana gaar uga soo qaadanayaan.Bal malee! Visihii Ummada degdega, rakhiista iyo wanaajinta ku heli jirtey, waa kuwaas cunaha Ummadii kawada qabtey, si Mukhallasiintaa eey shilimaad uga dhiig-miirtaan Ummadeena.Ogoow meelkastoo Soomaalida kazoo xeranto, Mukhallas ayaa soo xirey/xirtey.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Waxaan qormadan kusoo ururiyey qisooyinkii sida dhabta ahaa uga dhacay wadankan Malaysia, anigoo xaqiiqda ku saleynaya ayaan hadana waxaan ka taxadarey in aanan habayaraateekusoo qaadan wax magacyo ah dhinackastaba ha ahaadeene, maadaama ula jeedadu aaney aheyn ceebeyn qof ama koox gaar ah, balse eey tahay oo kaliya in ummada lagu baraarujiyo dhibaatooyinka ina heysta, si looga wada gaashaanto. Waxaan Allaah ka rajeeynayaa in uu noqdo qoraal waxtar leh, oo waxbadan inoo iftiimiya, waxbadanna inoogu wada badbaadaan.Waxaan Allaah ka rajeeynaayaa in uu dhamaan wanaag inooga wada abaal mariyo. Mahadsanidiin

“War Helaa, Talo Hela!”

TIXRAAC

http://www.jawiil.com/jawiil/index.php/news/waxbarshadda/3031.html

Wabillaahi Towfiiq.

 

ABDIBOQORW/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha
Al-Madinah International University, Malaysia
abdulkadirphd@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.