Published On: Mon, Feb 18th, 2013

Lacagaha Shillin Soomaaliga ee sii qiima dhacaya, yuu faaido u yahay. WQ: Caaqil Dalmar

100-ShilinMaqaal: HN: Shillin Soomaaliga ayaa waxa uu noqday wax aan qiimo lahayn,  waxaana booskii shillin Soomaaliga galay doollarka Mareykanka  oo guud ahaan dalka Soomaaliya isticmaalkiisu ku baahay.

Ganacsatadu waxa ay badeecooyinka ku soo iibsadaan lacagaha doollarka, mushaaraadka dowladdu bixiso iyo kan hay’aduhu bixiyaan waa doollar, shaqaalaha caadiga ah ee u shaqeeya ganacsatada mushaaraadkoodu waa doollar, inta badan lacagaha biilasha ee dadka dibadaha looga soo dhiibo waa doollar, Hoteellada, Baararka waaweyn iyo Super Marketyadu waxa wax looga iibsadaa, iyaguna ay adeegsadaan waa doollar, kaba sii darane miisaaniyadda dowladdu ansixisay waa doollar.

Dalku waa wada doollar, doollarkuna waxa uu noqday lacagaha badiyaaba laga isticmaalo Soomaaliya, marka dhanka kale laga eegana doollarku waa wax fudud oo Jeebabka iyo boorsooyinka lagu qaadan karo, qof kastana uu si fudud u adeegsan karo, dadka qurbaha ka yimid ee dalka ku soo qulqulayana waxa ay sitaan oo jeebabka uga buuxa waa doollar.

Dhammaan sababahaas iyo sababo kale oo fara badan ayaa waxa ay sababeen in doollarku uu ku bato dalka, lacagihii shillin Soomaaliguna yaraadaan, taasoo bedelkeedana aanay jirin lacago Kun kun cusub ah oo la soo daabacayo dalkana la soo gelanayo.

Haddaba su’aasha ah “Lacagaha shillin Soomaaliga ee xilligan sii qiima dhacaya dowladda iyo shacabku yuu dan u yahay, yuusana dan u ahayn” ayaa waxa ay jawaabtu noqonaysaa labaduba dan ayuu u yahay sababahan awgood:-

1.      Dowladda oo awood u yeelanaysa inay lacago cusub oo sarifaad leh soo daabacdo.

2.      Dowladda oo ay u sahlanaanayso inay si fudud lacagahaas ugu baahiso dalka oo dhan.

3.      Shacabka ku dhiban lacagaha Kunkunka ee aan sarifaadka lahayn oo helaya lacago cusub oo sarifaad iyo shillimaad la adeegsado leh.

4.      Shacabka oo si fudud ugu dhego nuglaanaya isticmaalka lacagahaas cusub, maadaama ay dhibsadeen lacagaha Kun kunka ee sii qiima dhacaya.

5.      Lacagaha doollarka ee Bankiyada dowladda iyo qasnadaha ganacsatada ku xarooday oo lagu beddelayo lacagaha cusub ee dowladdu soo daabacayso.

6.      Dowladda oo awood u yeelanaysa in sarifka ay xakamayso, Bankiyadeeduna shaqeeyaan.

7.      Shaqsiyaadka sariflayaasha idman ah ee aan iyagu cidna ka amar qaadan, sababna u ah qiimo sabaynta sarifka oo meesha ka baxaya.

8.      Goobo sarif gaar ah oo dowladdu sharciyeysay oo abuurmaya, sida kuwa caalamka ka jira oo kale.

9.      Sariflayaasha sharciga noqonaya iyo Bankiyada dowladda oo xiriir xagga sarifka ka dhexeynayo.

10. Sarifka lacagaha qalaad oo noqonaya mid ay dowladdu majaraha u hayso oo aan faraheeda ka baxaynin.

11. Ganacsatada oo maciishadahooda ganacsiga noqonaya mid degan oo sicir go’an ku baxa, kaasoo la soconaya hadba inta qiimaha sarifku marayo.

12. Shacabka oo helaya kalsooni xagga qiimaha maciishadaha oo wax go’an noqonaya.

Intaas iyo in ka sii badan oo shacabka iyo dowladdaba faa’iido u ah marka la helo ayaa waxaa sumcad dhaqaale helaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana qiimo yeelanaya lacagaha shillin Soomaaliga oo noqonaya kuwo sharci ah oo aan la daabacan karin,  iyadoo muhimaddu tahay lacagaha cusub ee dalka loo soo wado oo ku soo beegmaya xilli tii Kun-kunka ahayd ay sii daba gurmayso qiimaheeduna sii dhacayo, shacabkuna ay sii nacayaan.

Sida la ogsoon yahay Ganacsatada ayaa haatan awood gaar ah leh, hadbana waxa ay doonaan ka dhiga qiimaha sarifka doolarka iyo qiimaha lagu iibsado maciishadaha kala duwan, shacabkuna ay dhibsadeen waxa ayna ka faa’ideysteen jiritaan la’aanta Banki dhexe oo howlahaas qaabilsan iyo dowlad awood leh oo xakamaynaysa, balse la arki doonee waxa isbedela marka lacagaha cusub ee sarifaadka leh oo dowladdu soo waddo dhawaan dalka lagu baahiyo.

caaqil dalmarW/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.