Kooxda Al-shabaab oo sheegtay in tiro askar AMISOM ah ku dilleen Sh/hoose
Janaale : HN : War ay soo saartay kooxda Al-shabaab ayeey ku sheegeen in khasaare xoog leh iyo dhimasho balaaran gaarsiiyeen ciidamada midowgga Africa AMISOM kadib dagaal ku dhaxmaray labada dhinac deegaannka Janaale ee gobollka Sh/hoose.
Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan kooxda Al-shabaab Sheekh C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in ay weerar ay qaadeen xoogagga Al-shabaab gudaha u galeen fariisimo militari oo ay AMISOM ku lahaayeen deegaannka Janaale halkaasoo ay khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen AMISOM.
‘’Xoogageena waxaa ay gudaha u galeen saldhigyo militari oo ay lahaayeen ciidamada cadawgga, gaar ahaan kuwa midowgga Africa AMISOM waxaana ay dilleen 25 askari oo ka tirsanaa ciidamada midowgga Africa AMISOM,’’ ayuu yiri C/siis Abuu-muscab.
Waxaa uu sheegay in markii ay dagaalyahannada Al-shabaab gudaha u galeen deegaannka Janaale sida uu hadalka u dhigay kala garan waayeen Al-shabaab iyo ciidamadooda, taasoo keentay ayuu yiri in xitaa dhaxdooda ay madaafiic isku garaacaan.
Waxaa kaloo uu sheegay Abuu-muscab in ay ku qasbeen sida uu hadalka u dhigay saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM in ay diyaarado u kala raacaan gobollka Sh/hoose iyo Muqdisho, kadib markii ay naftooda u cabsadeen.
Inkastoo afhayeenka Al-shabaab uu sidaa sheegay, ayaan ilaa iyo hadda waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM.
Hiiraan Net.


















