Dowladda oo sheegtay in kiiska Wariye Koronto si cadaalad ah loo qaadayo
Muqdisho : HN : Kadib markii ay soo baxeen eedeymo iyo waliba dhaliilo jeedinayay gargoorka iyo cadaalada dowladda Soomaaliya, ayeey arintaa beenisay dowladda Soomaaliya waxaana ay sheegtay in garsoorka sidii loogu talagalay u shaqeynayo.
Xassan Max’ed Jimcaale wasiir ku-xigeenka wasaarrada cadaalada iyo garoorka oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in eedeymaha la xiriira habka loo qaadanayo kiiska ama dacwada ku socta wariye C/siis Koronto yihiin kuwo waxba kama jiraan ah, islamarkaana garsoorku sidii loogu talagalay u gudanayo waajibaadkiisa.
‘’Waa wax laga xumaado eedeymaha iyo dhaliilaha aan raadka laheyn ee loo jeedinayo garsoorka, waxaan leenahay dacwada wariye Koronto si wanaagsan ayeey u soctaa,’’ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.
Maalintii shalay ayeey aheyd markii ilaa todobaadka danbe maalinta Arbacada ah dib u dhigtay maxkamada racfaanka gobollka Banaadir go’aan ka gaarista xukunkii horay loogu riday wariye C/siis iyo Luul Cali Cismaan oo ah haweeney sheegtay in la kufsaday.
Hiiraan Net.


















