Published On: Wed, Mar 6th, 2013

Hay’adda CCD oo kulan u qabtay maamulka iyo waxgaradka gobollka Sh/dhexe

dhaqan-ka-2Jowhar : HN :– Kulan ballaaran oo uu soo qaban qaabiyay Hey’adda Wada hadalka Bulshada oo ay ka qeyb galeen Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Saraakiisha Ciidamada xooga dalka iyo Odayaasha dhaqanka ee heer deegaan ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kulankan oo looga hadlayay sida dhalinyarada looga wacyi gelin karo in aysan dhalinyarada ku biirin Al-Shabaab, isla markaana aysan qaadan fikradaha qaldan ayaa waxaa Khudbado ka jeediyay mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow oo ugu horeyn furay kulanka ayaa ku ammaanay Hey’adda CCD sida ay uga shaqeyso isu keenida bulshada iyo la shaqeynta maamulada dowliga ah, isagoo tilmaamay in fadhigan loogu tala galay in bulshada lagu wacyi geliyo, si looga shaqeynta nabadgelyada.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Hey’adda CCD wada shaqeynta maamulada, isu keenida bulshada iyo wacyi gelinteeda, waxay tani ka qeyb qaadaneysa in bulshada aayaheeda ka tashato, nabadeedana ay ilaashato”ayuu yiri Cabdi Jiinow Calasow.

Gudoomiye Cabdi Jiinow ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada inay ammaanka kala shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada, isagoo tilmaamay in xoreynta Gobolka Shabellaha Dhexe ay bilaabatay 26-kii June ee sanadkii hore, isla markaana sagaal bilood laga joogo, waxaana uu cadeeyay in gobolka aanu la mid aheyn gobolada kale, maadaama dadkiisa, maamulkiisa iyo ciidankaba ay wada shaqeyn ka dhaxeyso.

Gudoomiye Cabdi Jiinow ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay iskaashi joogta ah la sameeyaan maamulka, si nabadgelyada looga shaqeeyo, waxaana uu ku tilmaamay odayaasha dhaqanka inay yihiin Ahlul Xal Wal Caqdi, isla markaana umada masiirkooda ka shaqeeyaan, waxaana uu intaa ku daray in dhowaan Gobolka Shabellaha Dhexe uu casuumi doono ergooyin ka kala socda beelaha gobolka si ay hogaan u soo doortaan, isagoo iftimiiyay doorka dowladda uu yahay inay Sistem Federaal ah iyo xuquuqda laga rabo inay hirgeliso.

Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cusmaan Caqiil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay si joogta ah u wada shaqeeyaan, isla markaana ay ka qeyb qaataan nabadgelyada, waxaana uu balan qaaday inuu sii soconayo xiriirka iyo wada shaqeynta.

Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada xooga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Saney oo ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado adkeynta nabada gelyada, isagoo soo qaatay in odayaasha ay door muuqda ku leeyihiin nabadeynta, waxaana uu ka dhawaajiyay in xoreynta gobolka ay meel wanaagsan mareyso.

Jen. Saney ayaa uga mahadceliyay Hey’adda CCD sida ay uga shaqeyso isku keenida bulshada iyo wacyi gelinteeda, waxaana uu ugu baaqay inay sii wadaan howlaha wacyi gelinta iyo siminaarada, si bulshada loo awoodeeyo, ayna meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka.

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka ee goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cali Ibraahim Beesh, Caaqil Yaxye Maxamed Cali iyo C/fataax Macalin ayaa intuba sheegay in odayaasha dhaqanka diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan nabada, wacyi gelinta dhalinyarada iyo dib u soo nooleynta adeegyadii bur buray ee gobolka, iyagoo soo dhoweeyay kulanka ay u qabatay CCD.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeyo shalay iyo maanta, waxayna xuseen inay ka baxeen cabursanaantii iyo kala qeybsanaanti odayaasha, waxaana ay cadeeyeen inay dareemayaan xornimo, isla markaana ka go’an tahay sidii kaalintooda uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada ka socda gobolka ee ku aadan xal u helida khilaafaadka iyo nabada gobolka.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga iyo Arrimaha bulshada Xasan Nuur Maxamed Ibraahi oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in looga baahan yahay odayaasha dhaqanka inay la shaqeeyaan maamulka, isla markaana waxyaabaha ay ka dhawaaiyeen si ficil u bedelaan, waxaana uu ka codsaday Hey’adda CCD inay sii wado tababarada ceynkan oo kale oo ay u qabaneyso bulshada.

Ugu dambeyn Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee odayaasha dhaqanka loogu qabto magaalada Jowhar, tan iyo markii dowladda la wareegtay, waxaana kulankan uu ka qeyb qaadanaya wacyi gelinta iyo horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan.

–Dhamaad–


About the Author

-

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.