Published On: Mon, Oct 31st, 2011

MA QARXISAY BAMBADII? Dhacdo la yaab leh oo ka dhacday Muqdisho.

Waa sheeko gaaban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Muqdisho waxa ay Deris la noqotay Cabsi ,Wel wel, Dagaalo, Dil, Dhac, Baarkac, Qas, Bur bur, Baa ba’ Caburin Gaajo, Jahli, Cuduro.

Inta badan Qaraxyada waxa ay ka dhacaan Goobaha Dadka Rayidka ay deganyihiin sida Goobaha Ganacsiga sida Suuqyada, Goobaha wax Barashada Goobaha Caafimaadka, iyo Goobaha lagu cunteeyo, Qaraxyadaasi waxay kaloo ka dhacaan gudaha Gaadiidka Dadweynaha dhexdooda iyo meelo kaloo aad ufaro badan.

Dadaka Muqdisho oo aad uga walwal Qabo Qaraxayadaasi aan caadiga aheyn ayaa hadana waxaa la keenay Miinooyin ama Bambooyin lagu aaso dhulka hoostiisa oo laga koontaroolo ama laga Hago meelo aad u fog fog, Waxaa kaloo dadka ay ka cabsi qabaan dadka Bacda Madoow gacanta kuwato iyagoo aad looga baqo sababtoo ah waxay ku soo qarsadaan walxaha Qarxa.

Sheekadaan waxay dhex martay labo nin oo Farsamo yaqaanada Baabuurta ah (MAKANICO) ah waxay leeyihiin Garaash lagu hagaajiyo Gaadiidka( Baabuurta).

Maadeey iyo Caliyoow ayaa waxay beec urabeen BAMBADA BAABUURTA ku shaqeeyso ee loo yaqaano BAMBO NAFTO bambadaan waa BAM Baabuurka usaaro shidaalka ama Naftada ku jirto SALBATOOYADA ama (Haanta shidaalka) ama (TANGIGA)

SHEEKADA WAXAY UDHACDAY SIDAN:

MAADEEY: CALIYOOW maanta waxaad qaadaa labo BAMBO NAFTO ah, si aad uGeeyso Suuqa una soo QARXISO yacni soo Gado/iibiso Eraygaan oo hada soomalida muqdisho ay ula jeedaan waxaas waa II Qarxay yacni (Waa ii gadmay ) ama leen ayaa xaga ka Qarxay oo ah eray loo isticmaalo wixii leen furmay ah ama fursad ah.

Caliyoow: Haye waa qadaayaa labada BAMBO NAFTO waxaan geynaayaa Suuqa weyn ee Bakaaraha hadii meeshaas iigu Qarxi waayaan (yacni iigu gadimi waayaan) waxaan usii Qaadaa Suuqa HURIWAA .

Maadeey: soo dadaal lacag ayaan aad ugu baahanay si walbo usoo Qarxi (yacni qiimo walbo ku soo Gad Bambo Naftada)

Caliyoow: haye walaakiis waa igu og tahay si walbo waa ku soo Qarxinaayaa yacni (si walbo waa ku soo iibinayaa)

CALIYOOW waa uu soo baxay waxa uu lug ku yimid Suuqa weyn ee BAKAARAHA waxaa uu la kulmay Dukaamo iibiya Qalabka Dayactirka Baabuurta (spare parts), Kolkaas ayuu usheegay in uu haayo BAMO NAFTO 2 xabo intaa kadib ayaa Dukaanlihii ku yiri hal xabo keen ee beri lacagta iigu imoow.

CALIYOOW: waa tahay lacagta beri ayaan kugu imanayaa tan kalana waxaan uqadaayaa suuqa HURIWAA meeshaas ayaan ku soo Qarxinayaa sidaas waxaa yiri Caliyoow, markaa buu yiri Dukaanlihii hadii ay kuu qarxiweyso ii keen anigaa meel saarayo (yacni kuu gadaayo).

Caliyoow tii kale ayuu lafuulay Gadiidka Dadweyna ee ku sii jeeday xaafada HURIWAA markuu Raacay GADIIDKA BL ee ka shaqeeyo Bakaaraha ilaa Huriwaa markuu fuulay waxa uu gacanta ku watay Bac madoow, Dadka xamar cabsi weyna ay ka qabaan bacda madoow waxay uwada heestaan in walxaha Qarxa kujiraan.

Dadkii oo wadanaha farta ku wada hayo iyo darawlkii oo ka murugaysan ninkaan Bacda Madoow lasoo fuulay Baska in yar markuu socaday ayaa TelFOON Maadeey usoo diray Caliyoow oo ku yiri:

Maadeey: HALOOW Caliyoow haye iiwaran see tahay?

CALIYOOY: waa fiicanahay.

MAADEEY: Bambayaashii ma kuu qarxeen ????

Caliyoow: Dadkii dhan Dhaga ayaa wada taagan way maqlaayaan, ayuu yiri saxiib Bamkii hore waxaan soo dhigay Suuqa Bakaaraha weli ma Qarxin lakiin beri waa qarxaysaa inshaa alahu

Madeey: Tan kale iyadana ma qarxisay ????

Caliyoow : Tii kale weli iima qarxin Bacdii ayay iigu jirtaa hada lee ayaan Baska la saaranahay lakiin in shaa alahu waa iiqarxaysaa soo duceey….

Dadkii markii ay maqleen wixii jawaabo ah uu caliyoow usheegayay saxiibkiis maadeey waxaa u cadaatey in ninkan Badcda ay ugu jiraan BAMO, Naxdin dadkii ku dhacday, Dadkii waxay noqdeen mid Dariishada ka boodo iyo mid Naxdin lasuuxa Darwalkii intuu Gaariga istaajiyay ayuu Daaqada ka baxay

Caliyoow isagoon fahmin ayuu isagana iska daba cararay Dadkii isagoo meel dhexe maraaya ayaa waxaa uu ka daba tagay Darwalkii Kolkaas ayuu Darwalkii oo calaalaayo oo ku lehwalaaloow aniga nin maskiin ayaan ahay agtayda ha ku Qarxinin Bambada. erayadaas waxay ka soo baxeen Darawalka oo uqaatey in uu caliyoow agtiisa ku qarxin rabo Bambada.

Caliyoow markaas ayuu fahmay waxa laga kala cararay inay tahay Bacda Madoow ee uu sito …… markaas ayuu caliyoow kala furay Bacdii waxaa kasoo baxay Bambo Nafto Intaa Kadib ayuu Darawlkii marna Qoslaa marna Cayaa Calyioow marna ladagaala .

Dadkii ayaa dib isugu soo noqday caliyoow oo Bacdii tuuray Bambo Naftadiina gacantiisa ku sooqaatey
waa mar dadkii midba meel ku caraaray dhib badan dhacay rafaad la maray ayaa laysku soo laabtay dakiina markii xaalku ay ogaadeen in Bambada runta aysan ahayn Dadki waa ay wada Qosleen

H.C mohamed adkeeste
adkeeste@hotmail.com

Xigasho:- Miisaanka.com


About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Hiiraan Net. All Rights Reserved Designed by Hiiraan Net.
There have been no elections in Somalia since 1967 and there won’t be any this year either. But the country has a new parliament (appointed on the advice of clan elders) who have elected a new president, and the new government actually now controls a significant part of the country. The world’s only fully “failed state” may finally be starting to return to normality.A failed state is a horrendous thing: no government, no army, no police, no courts, no law, just bands of armed men taking what they want. Somalia has been like that for more than 20 years, but now there is hope. So much hope that last month the United Nations Security Council partially lifted its embargo on arms sales to Somalia in order to let the new Somali government buy arms, and last week the U.S. government followed suit.The new government replaces the “Transitional Federal Government”, another unelected body that had enjoyed the support of the UN and the African Union for eight pointless years. Then last year a World Bank report demonstrated the sheer scale of its corruption: seven out of every ten dollars of foreign aid vanished into the pockets of TFG officials before reaching the state’s coffers.Fully a quarter of the “national budget” was being absorbed by the offices of the president, the vice-president and the speaker of parliament. The fact that after all that the TFG still only controlled about one square kilometre (less than one square mile) of Mogadishu, the capital, while the rest of the shattered city was run by the Islamist al-Shabaab militia, an affiliate of al-Qaeda, also contributed to the international disillusionment.That tiny patch of ground, moreover, was being defended not by Somali troops but by thousands of Ugandan and Burundian soldiers of the African Union Mission in Somalia (Unisom). More than 500 of them had lost their lives defending the useless TFG, and the foreign donors were losing faith in the mission. But the Unisom soldiers did achieve one major thing: they fought al-Shabaab to a standstill in Mogadishu.In August 2011 the Islamist militia pulled its troops out of the capital. That created an opening, and the international community seized it. It ruthlessly initiated a process designed to push the TFG aside: Somali clan elders were asked to nominate members for a new 250-seat parliament, which was then asked to vote for a new president and government.It was obviously impossible to hold a free election in a country much of which was still under al-Shabaab’s control, but this process also had the advantage that it allowed the foreigners to shape the result. The corrupt officials who had run the old TFG all re-applied for their old jobs, but none of them succeeded.The new president who emerged from this process, Hassan Sheikh Mohamud, is a former academic and human rights worker who only entered politics in 2011. No whiff of corruption clings to him, and he has worked tirelessly to bring about national reconciliation. And he has the wind at his back: just after he was chosen last September, a Kenyan force evicted al-Shebaab from Somalia’s second city, Kismayo.That still leaves about 95 percent of the country’s territory and three-quarters of its population beyond the government’s direct control. Al-Shabaab still rules in most rural parts of the country, and Ethiopian troops and their militia allies control much of the western border areas. Pirates with a lot of guns and money effectively dominate much of the north.One whole chunk of the country, calling itself Somaliland, has declared its independence (and runs its affairs much more peacefully and efficiently than any other part of Somalia). No other country recognizes its independence at the moment, but it used to be a British colony, quite separate from Italian-ruled Somalia, and in principle it can make exactly the same case for independence as Eritrea did when it broke away from Ethiopia.The worst problem facing President Mohamud is the venal and cunning politicians who have exploited the clan loyalties that pervade every aspect of Somali life to carve out their own little empires. Some are frankly and unashamedly warlords; others, including all the senior officials in the defunct TFG, masquerade as national politicians but work for their own interests.They have not gone away, nor have the clan rivalries that kept the fighting going for 21 years. Drawing up the rules and sharing out the power for a new federal Somalia (none of which has yet been decided) will give them plenty of opportunities to make trouble for the new president and regain their former power. Mohamud definitely has his work cut out for him.Nevertheless, he has strong UN and African Union support, and he now has a chance to create a spreading zone of peace in the country and start rebuilding national institutions. So last week the United States declared that it was now willing to provide military aid, including arms exports, to Somalia. Weirdly, that actually means that thing are looking up in the world’s only failed state.Gwynne Dyer is an independent journalist whose articles are published in 45 countries.