Hiiraan Net

 
 
 
     KULANKII JAAMACADA HIIRAAN EE DHAQAALAHA LOOGU URUURINAYEY.

 (((SOMALIDA SWEDEN OO JAMACADA UGU DEEQAY 20.000$ usd)))

Waxaa maalintii qamiista ee bisha dec, 29/12-2005 ka dhacay magaalada Stockholm ee dalka Sweden kulan aad u balaaran oo aay Soomaali badani ka soo qeyb galeen isagoo halkaana uu marti ku ahaa Prof, Warfaa oo iasagu ku jiray safaro dhaqaale loogu raadinayo Jaamacada Hiiraan, aduunka oo dhan isagoo horey u soo maray wadamo badan oo ku kala yaala qaaradaha America iyo Europe.

Hadaba waxaa shirka inoo daadihinayay Xiireey Axmed Roble. waxaa kadib hadalka la wareegay gudoomiyaha qaban qabada shirka, C/casiis Cali Geedi oo ka war bixiyey siyaalihii aay u dhacday qaban qaabada shirka iyo qibradihii aay ka heleen.

Intaa ka dib waxaa hadalka lagu wareejiyey Sh, C/lahi oo ah nin reer B/weyne ah. ayaadaha quraanka kadib. wuxuu ka hadlay muhiimada aay jaamacadu u leedahay Gobolka gaar ahaan, guud ahaana dalka wuxuuna dadweeynihii kula dar daarmay in aanay jirin meel ka barako badan oo aay sadaqo kula bixi lahaayeen.

Waxaa markaa kadib hadalka qaatay Cabdi Cali oo ah oday Somaliyeed isagoo sheegay in aay mudan tahay in arinkan oo kale lagu daysado uuna u hambalyeeynayo umada Somaliyeed gaar ahaan umada Hiiraan oo runtii suurto geliyey in kulankan oo qabsoomo. waxaan raga maamulkan wada kula talin lahaa in aay sida loo aaminay uga soo baxaan hoowshooda ee aanay shacabka niyada u haya wax u qabadka umada niyada ka jibin.

Jawiga meesha oo aad u deganaa iyadoo aad is leedahy tolow meeshani cidba majoogto, dhageeysiga qudbooyinka qiirada leh aawgeed ayaa waxaa la soo gaaray xiligii uu hadli lahaa Gudoomiyaha Ururka Isbahaysiga Umada Soomaliyeed C/kadir Nuur (Madaxeey) oo isagu ah shaqsi ka soo jeeda Hiiraan, wuxuu ka warbixiyey sida soomalida Sweden aay isugu soo dhawaadeen mudo dheer oo colaad iyo kala fogaansho ah, inkastoo wax badan aay dhiman yihiin hadana horumarinta wadanka qayb weyn in laga qaato waxeey soo dedejineeysaa xasilooni uu wadanku helo horumarinta waxaa ka mid ah Jaamacada Hiiraan, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta fursadan oo kale ka hadlo, waxaanan rajeeynayaa in lagu guuleeysto.

Wali waxaanu ku jirnaa qudbooyinkii halkaa laga jeediyey, waxaa hadalkii qaatay C/risaaq oo isaguna ah shaqsi reer Hiiraan ah, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la badiyo kulamada aay reer Hiiraan yeelanayaan hadii aay noqon lahayd dibada iyo gudahaba, waxaa markaa la helayaa is fahamka iyo isku soo dhawaasho, waa markii iigu horeeysay oo kulan noocaan ah aan ka qeyb galo waxaana ku amaanan wiilashii & gabdhihii inoo soo qaban qaabiyey qayr ilaahay ha ka siiyo.

Markan dhankii raga waa laga wareegay oo waxaa hadalkii qaatay  labo gabdhood oo soomali ah oo la kala yiraa Dr, Aamino Saciid oo ah aqoon yahan somaliyeed oo ku nool wadankan Sweden oo ka hadashay muhiimada waxbarashadu u leedahay umada, Waxayna prof, u sheegtay in loo baahan yahay in la helo Manhaj Somaliyeed.Gabadha labaad oo yiraa  Sahro Maxmud ayaa iyaduna sheegtay in aay aad ugu faraxsan tahay in aay kalmado ka tiraa kulankan sharafta badan oo aanay noociisa oo kale wali ka qayb galin, waxeeyna ilaah uga bariday in uu noqdo kii lagu guuleeysto iyaduna aay qayb weyn ka qaadan doonto hadii aay noqon lahayd fikir iyo wax qabadba.

Iyadoo aay dhageesiyadii qudbaduhu si daba joog ah dhacayeen ayaa waxaa makaroofanka loo jaleeciyay dhinicii Xuseen Xareed oo ah oday reer hiiraan ah isagoo sheegay in arinkan aay ahayd in mar hore lagu dhaqaaqo, jaamacadanina aay noqoto furaha isku soo dhawaashaha umada reer Hiiraan hadii aay dibad deganaan lahaayeen iyo hadii aay gudaha degenaan lahaayeen intaba.

Waxaa sidoo kale hadalo wax ku ool ah ka soo jeediyey Suldaan Geryare oo sheegay in uu ku faraxsan yahay kulankan maadaama kulamadii hore aay ahaan jireen mid siyaasadeed ama qabiil midkaanise uu ka duwan yahay. Gobolada kalana waxaan ka rajeeynayaa in aay ku daysadaan

Intaa kadib waxaa leeysku daayey makaroofankii iyo Prof, Warfaa iyo Dhegihii dadweynaha, wuxuu Prof, ka warbixiyey sidii aay ku bilaabatay fikirkan cidii ka dambeeysay wixii ilaa hada qabsoomay wixii dhiman iyo waliba meelihii uu soo maray wixii uu kala soo kulmay. dad badan oo anigu ka mid ahay waxaan is lahaa waxaa imaan doona prof, western ah laakiin waxaa inoo yimid pof, wadaad ah oo markasta dadka kula dar daarmayay in aay ALLE ka cabsadaan, runtii qudbadihiisa diiniga iyo waayo aragnimada macalinimo waxeey dhashay in isla fadhigaas lagu aruuriyo lacag 35.000 oo swedish krone ah.

Gudiga qaban qaabada waxeey mahad u celinayaan dhamaan Soomaalidii ka soo qayb gashay itii kaalmo dhaqaale iyo mid fakarba ka dhiibatay, ilaahay qayr ha idiinku badalo. AAMIIN.

C/casiis Cali Kadeed

 

 

   WALAAL WAXAAD KU SOO DHAWAATAA GACMO FURAN                   
Copyright © 2006Hiiraan Net.com