Ciyaaraha Xagaaga Sweden oo bishan July 17 ka furmaya
magaalada Stocckholm.
Kooxada
Banaadir Telcom guuldaro ka la kulantay ciyaarihii
Bariga Afrika
Kooxda kubada cagta somaliya uga qeeb
geleesay cayaaraha bariga iyo bartamaha afrika Banaadir
telecom ayaa caawa waxa ay sagootisay cayaaraha SIkaafa
ee bariga iyo bartamaha afrika ee lagu qabtey sanadkaan
dalka sudan kadib markii cayaartii sedaxaad laga badiyay
1-5 galabta garoonka Khartoum.
kooxda banaadir telecom ee mateleesay somaliya waxa isku
guruub noqdeen ilaa sedax koox oo laba koox aad u
adkaayeen waxa kamida kooxa ay laciyaartay kooxa ka
socda wadamada Tanzania, Congo, iyo koox ka socota
wadanka Uganda oo galabta kabadisay banaadir telecom.
Waxa kooxda banaadir telecom bareejo lagaleen koox ka
socotay wadanka Tanzania 2-2, waxa kale oo cayaartii
labaad banaadir looga badiyay 8-1 kadibmarkii ay
lacayareen koox ka socotay wadanka Congo, ugu
danbeentina waxa galabta la cayaareen kooxda Kanpaala
city ee ka socota wadanka Uganda waxana lagu sagootiyay
garoonka Khartoum markii gala badiyay.
Tababarahayaasha labada koox oo dhamaadki cayaarta shir
jaraa’id ku qabtey hoolka garoonka ayaa waxa uu sheegay
tababaraha kooxda banaadir in aysan ahayn wax lala yaabo
koox laga badiyo ama kaharto wareegyada cayaarta, waxa
laweydiiyay wax yaabaha inta badan keenay in laga badiyo
cayaarta waxa uu sheegay in cimilada kala duwantahay
somaliya iyo sudan, taana wax badan ay saacidi karto
kooxaha ku taba bartey ee xili horay imaaday sida kooxda
Congo oo muda laba isbuuc joogtay inta aysan bilaaban
cayaaraha balse kooxda somalida ay imaadeen laba habeen
ka hor xiliga cayaaraha bilaabanayeen.