Hiiraan Net. ka dhigo bogga hore.                   

 

          Bogga Cayaaraha.. 
Inter Milan iyo Chelsea maxaa kala raacay, Jose Mourinho oo kooxdiisa hore Chelsea ka badiyay.
Ciyaar si weyn loo sugayay oo dhex mareysay Kooxaha hogaanka u haya Ciyaaraha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa xalay is araga hore ee Wareega 16-ka Champions League isku arkay, iyadoo ciyaartaas ay aheyd mid aad xiiso u laheyd.

Kooxaha Inter Milan iyo Chelsea ayaa xalay ku wada ciyaaray Garoonka Sen-Siro ee magaalada Milano, lugta hore ee Wareega 16-ka Koobka Horyaalada Qaarada Yurub.

Xiisaha gaar ee ay laheyd ciyaartaas ayaa aheyd Tababare Jose Mourinho ayaa ka hor yimid kooxdiisa uu horay u leylin jiray ee Chelsea, halka Tababaraha Chelsea Carlo Angeloti uu dib ugu soo laabtay magaalada Milano, isagoo shan xilli ciyaareed soo leyliyay Kooxda Ac Milan.

Inter ayaa dar dar la timid bilowga hore ee ciyaarta, waxaana gool ugu daah furay Laacibkooda reer Argentine Diego Millito, daqiiqadii 3aad ee qeybta hore ee Ciyaarta, waxaana goolkaas ahaa mid uu si caaqibo leh u marsiiyay goolhaye Petr Chech.

Goolka Inter ay dhalisay ayaa ahaa mid Chelsea ay hurdada kaga toostay, waxaana markaas wixii ka dambeeyay gacan ku heynta Garoonka la wareegtay Kooxda Chelsea oo fursado qaali ah iska qasaarisay, waxaana Laacibkooda Drogba uu gool laad xor ahaa uu birta uga dhuftay Inter.

Chelsea oo daqiiqadba daqiiqada ka dambeysay ay sii xoojineysay weerarkeeda ayaa qeybtii hore ee ciyaarta marka ay daqiiqado ka harsaneyd waxaa Rigoore laga diiday Ciyaaryahan Kalou.

Qeybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa gool bar baro ah uu u dhaliyay Kalou, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid labada dhinacba ay bilaabaan dar dar ay ku muujineyso farsamadeeda ciyaareed.

Laakiin bar baraha Chelsea heshay ma aanay noqon mid sii jira, waxaa afar daqiiqo kadib gool ka dhaliyay ciyaaryahan Campiaso oo gool darbo ahaa oo meel 25M banaanka ka ah Xerada ganaaxa kaga soo laaday, balse ay soo celiyeen Daafacyada Chelsea, hase ahaatee mar kale ku dharbaaxay Goolhaye Chech.

Goolhayaha originaalka Chelsea ayaa ciyaarta xalay laga saaray, markii uu dhaawacmay, waxaana badal ku soo galay Goolhayaha labaad Hilario, oo aan shabaqiisa aan wax goolal ah ka dhalan.

Layaabka ciyaarta xalay ayaa aheyd iyadoo Tababare Angeloti uu booska bidix ee daafaca ka ciyaarsiiyay Ciyaaryahan Malouda, kadib markii dhaawac ka noqday Chelsea ciyaaryahankooda Ashley Cole.

Inter Milan oo xalay adkeysi muujisay ayaa difaacday sharafta Garoonka Sen-Siro oo todobaadkii hore lagu cunay Milan ciyaartii dhex martay kooxda Manchester United, sidoo kale Inter ayaa ah kooxda kaliya ee reer Talyaani oo badisay, kadib markii laga soo badiyay kooxaha Milan iyo Fiorentina.

Ciyaarihii kale kooxaha CSKA Moscow iyo Sevilla ayaa xalay bar baro galay, waxaana ay isku mari waayeen gool iyo gool.

Lugta labaad ee wareega 16-ka ayaa lagu wadaa in bisha soo socota la ciyaaro, waxaana kooxahan qaarkood ay heystaan fursado qaali ah, marka kooxdii hore ugu ciyaareysay guriga kale ay tagto gurigeeda, taasoo sharci ahaan lagu kala ogaan doono kooxaha u soo gudba wareega 8-da.

 

 

FIFA World Cup [logo]

WALAAL WAXAAD KU SOO DHAWAATAA GACMO FURAN  Contact:webmaster@hiiraannet.com
Copyright © 2006-2009
Hiiraan Net.com