Manchester City oo 4-2
ugu badisay kooxda Chelsea.
Ciyaar aad u kulul ayaa dhexmartay kooxaha Manchester
City iyo chelsea, iyadoo ciyaartuna ey ka dhacday
garoonka Chelsea ee lagu magacaabo Stamford Bridge.
Waxaa goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta la hormartey
kooxda hogaanka u heysay qaybtii koowaad ee ciyaarta ee
Chelsea, iyadoo uu dhaliyay Frank Lampard oo si halaasi
ah ugu hubsaday shabaqa Manchester City.
Qadar labo daqiiqo kadib ayaa cirbadii ku dheganeyd
taageerayaasha Mananchester City waxaa ka fujiyey Carlos
Tevez oo u ciyaarayey Kooxda Manchester City.
Macalinka Chelsea Carlos Ancelotti ayaa dhwor bedel aan
micno soo kordhin ku sameeyey ciyaarta, iyadoo
ciyaartuna ey ku dhmaatay 4-2.
Waxaana Xusid mudan in garoonka lagu siiyey Calaamadda
Cas laba ciyaartood oo u ciyaareysay Chelsea, kuwaasoo
kala ahaa Belleti iyo Black, taasoo dhabar jab u keentay
ciyaartoyda Chelsea.